Jamhuriyadda – Waxaan ognahay in tallaalka AstraZeneca ee Jaamacadda Oxford, inkastoy Guddiga Dawooyinka ee Midowga Yurub ay ku taliyeen sida Ururka Caafimaadka Addunka (WHO) waxtarkiisa wacan haddana weli caad ayay dadka qaarkiis sareen. Ma la oran karaa waa marka cabsida, iyo “xukminta hordaca ah” ay ka adkaadaan cilmiga Sayniska?
Dr. Nazim – Waan waafaqsanahay qiimayntiinna. Kolka hore ma jiro daryeel ama daweyn oo habayaaratee aan saamayn taban lahayn. Haddii ujeeddada ay tahay samayn “eber ah” ama 0%, maba jirtaba dawo la adeegsado oo heerkaas gaaraysa. Teeda kale wax-iskuxirid iyo wax sababid way kala yihiin. Labaatan milyan (20 milyan) tallaal oo ah AstraZeneca waxaa laga helay 40 xaaladood oo “gunud xinjir” leh oo qayb yari ay ka ahaayeen kuwa halis ah. Cilmiga tirakoobka haddii la eego tiradan ma aha mid welwel dhalin karta. Ma cadda dadka astaanta laga helay inay ahaayeen kuwa horey u qabay halsitaas ama in inay tahay “falgal kiimikeed” ee dhiigga ku dhacay, tallaalka kaddib. Maadaama dadka astaantaas laga helay ay ka yaraayeen 60 jir dalalka qaarkood waxay tallaalkani siiyaan duqowda keliya. Aniga waxay ila tahay tallaal-hakinta mar kasta inay tahay wax shucuuri iyo caddifad ay keenaan oo ka fog Cilmiga cudurrada faafa.
Jamhuriyadda – Ururka (WHO) waxuu toddobaad hore Soomaaliya geeyay shixnaddii ugu horraysay ee tallaalka AsrtraZeneca; warka wuu gaaray dalkan sida uu u gaaray meelaha fog-fog ee qaaradda Afrika. Waraysiyo warbaahinta ay la yeelatay dadka waxay muujiyeen welwel. Takhtar ahaan maxay tahay aragtidaada cabsida iyo khalad-u-fahmidda isku xiraysa tallaalkan iyo xinjirta dhiigga, gaar ahaan dadka waayeelka ah oo aan lagu ogayn cudurkaas?
Dr. Nazim – Haddii la eego cilmiga tirakoobka cabsidani saldhig ma laha. Xayiraadda tallaalka waxay la mid tahay iyadoo dayaarad cirka duulayso la joojiyay iyadoo loo cuskanayo khatar aan xusid mudnayn aawadeed. AstraZeneca waa tallaal ku habboon waddamada la mid ah Soomaaliya, oo laga warqabo dhismahoosaadkeeda; tallaalkan oo lagu kaydin karo qaboojiye caadi ah misna sicir jaban lagusoo saari karo tiro fara badan. Waxaa intaas ka sii dheer, dhismahoosaadka caafimaad ka sokow in awoodda daryeelka caafimaadba uu yahay mid kooban. Tallaalkan wuxuu u noqonaayaa lagama maarmaan maaraynta caabuqan safmarka ah.
Jamhuriyadda – Soomaaliya ma awooddo iibsashada tallaallo qaali ah (Sida Johnson & Johson) ama kuwa u baahan in lagu kaydiyo qaboojiyayaal qabowgooda xad dhaaf yahay, sidaas daraaddeed Oxford AstraZeneca oo ka qiima jaban wuxuu u egyahay inuu ku habboon yahay dal sida Soomaaliya ah. Haddaad isbarnardhigto tallaalkan iyo kuwa kale maxaa soo baxaya?
Dr. Nazim – Horey ayaan uga jawaabay su’aashan. Waxaan ku qanacsanahay in tallaalkan uu yahay mid “cayaarta beddelayo” dalalka soo koraaya oo idil.
Jamhuriyadda – Halkay la egtahay kalsoonida lagu qabi karo tallaalkan inuu wax ka taro xakamaynta fyruuska (virus) caabuqa? Maxayse tahay taladaada?
Dr. Nazim – AstraZeneca wuxuu leeyahay waxtar ku xiran halka lagu tijaabiyay. Taasoo ah wax u dhewxeeya 50 ilaa 80 boqolkiiba. Haseyeeshe lambarkan waa mid dadka marin-habaabinaya. Tallaalka horta waa mid fariid ku ah ka hortagga bukaan daran, seexin cusbitaal, iyo baajinta geerida cudarku sababo. Xitaa haddii ay dhici karto qofka la tallaalay inuu qaado cudurka COVID-19, halista in cusbitaal-jiifinta waa wax aan dhicin ama “eber ku dhaw.” Tan ayaaba ka dhigaysa tallaalkan inuu yahay mid mihiim u ah caabuqa safmarka ah.
Jamhuriyadda – Maxaad kaloo xog ah ama bayaan oo aad na siin kartid, ama xitaa wax kle haddii aad doontid.
Dr. Nazim – Hal meel oo keliya ayaa mudan welwel, waa habka tallaalkan uu u wejihi karo fayruuska dirta Afrikada Koonfur ee cusub. Waa meesha keliya oo tijaabada tallaalkan ay keentay 50% (Boqolkiiba 50) oo ka hoosaysa tijaabooyinka kale. Sikastaba, tallaalkan xitaa xaaladdan wuxuu suuaggelin karaa gurinnimo dhiman (partial immunity), ka badbaadin geeri, iyo baajin kharaj xitaa haddii fayruuska dirta Koonfur Afrika ay noqoto midka ugu badan Soomaaliya.