Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Abril 9, 2021 u qortay warqad Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay iyadoo u xaqiijinayso in xasillooni siyaasadeed ay horudhac u tahay dhammaan dadaallada horumarineed ee ay qorsheynayso. Waxay intaas raacisay inay tahay danta dalka in si dhaqso leh loo qabto doorashaddii dadbaneed ee lagu heshiiyey.
Madaxa Ergada Mareykanka ee Qaramada Midoobey Danjire Linda Thomas-Greefield oo ahayd shirguddoonka Golaha Amniga ee bishii March 2021, ayaa dowladda federaalka iyo madaxda maamul-goboleedyada Sooomaaliyeed ugu baaqday inay xalliyaan khilaafka doorashooyinka iyadoo lagu salaynayo heshiiskii September 17, 2020 iyo talo soo jeedintii guddiga farsamabada Baydhabo ee February 16, 2021.
Xikmada Marwo Thomas-Greefield waxay ahayd in qabsoomidda wadadahadallada shuruud lagu xiro (without preconditions), si loo qabto doorashooyin loo dhan yahay. Tan iyo bartamihii bishii March 2021 waqtiga badidiisu waxuu ku lumay sidii uu shirka u qabsoomi lahaa, iyadoo mar kasta la keenayay shuruudo hor leh amase la duraayay sharciyadda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
Mucaaradku waxay ka wada siman yihiin taageeridda doorashada dadban, waxayse diiddan yihiin xil-kusimidda madaxweyne Farmaajo, taas oo micnaheedu yahay inay rumaysan yihiin qayb ka mid ah heshiiskii September 2020, islamarkaasna diiddan yihiin qaybta kale ee isla axdigaas.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka falcelinayo talada Marwo Thomas-Greefield ayaa yiri, “waxaa naga soo oodmay irid,” taas oo uu malaha ula jeeday in xirigga mucaaradku uusan ku jirin xoolo haddii “shuruuddaha meesha laga saaro.”
Madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ka cagajiidayay in fool ka fool ula kulmaan Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shirkii Afisyooni ee April 7, 2021 la yimid wixii ay dibedda ka sheegayeen. Taas waxay ku qasabtay Dowladda Federaalka inay u caddayso ummadda Soomaaliyeed in “labada madaxeyne goboleed ee Putland iyo Jubbaland aysan rabin in dalkan ay ka dhacdo doorasho uu aasaaskeedu yahay heshiiskii September 17, 2020 iyo is-fahamkii February 16, 2021.”
Afhayeenka maamul-goboleedka Puntland oo garwaaqsan cawaaqib xumada ka dhalan karta baaqaas ayaa dafiray bayaankii dowladda ee ahaa in “wadahadalladu burbureen.”
Wolow dhawaaqa maamul-goboleedyada Puntland-Jubbaland uu u muuqday astaan wanaagsan, haddana waxaa barbarsocday daleecayn ay la soo boodeen diblomaasiyiin u fadhiya dawlado shisheeye Soomaaliya oo muujiyay mawqifkooda daahsoon oo ah “abidkeedba yaan la heshiin.” Diblomaasiyiintaas oo ku eedeeyeen dowladda inay ku degdegtay in wadahadalladii ku tilmaanto kuwo aan horumar lahayn.
Dowladda oo ka qaadatay mowqif adag dhibiq-dhibiqda shisheeyaha ayaa Golaha Amniga kaga ashtakootay faraggelinta ay ku hayaan doorshooyinka dalka. Warka dowladda waxaa si dadban u akiday Saciid Cabdullahi Deni oo waraysi siiyey Dalsan, kaas oo kaga afeeftay mucaaradka iyo gacmaha jaan (shisheeye) inuusan sii xaji karin mowqifka “gaw iyo gash ma leh” intaan ka badan.
Halka diblomaasiyiinta shisheeyaha ee Xalane ay isku dayeen inay iska duwaan fadeexada iyagoo warqadii dowladda ee Golaha Amniga u turjumaya inay ahayd ashtako dhusha looga tuurayay Ergayga Xoghayaha QM ee Soomaaliya James Swan.
Akhbaarta wanaagsan ayaa ah in mowqifka dowladda uusan waxba iska beddelin, weliba ay qaadday tilaabo horudhac ah kaddib markii ay warqadda Golaha Amniga ku caddaysay in amniga doorashooyinka qaranku uu hoggaamin doono Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble. Taasoo qudheeda ah tanaasul weyn iyo go’aan dhinaca saxda ah. Mucaaradka wax badan ayey ka ashtakoonayeen shuruudna uga dhigaayeen helitaanka arrinkan doorasho loo dhan yahay.
Waxaa muuqata in siyaasad fowdo ah aan lagu gaari karin xukun awoodeed, haddii xitaa dunida barkeed kula waddo.
Teeda kale warbaahinta dalka aad ayay uga hadashay warqadda Golaha Amniga loo diray. Faallooyinka laga qoray nuxrurka iyo ujeeddada warqadda badidooda waxay ku dhaliileen DFS inay mawqif qallafsan ay ka qaadatay beesha caalamka. Fikradda ka dambaysana waxay ahayd in Dowladda dalka ay fahamto xikmadda ah “Af wax cunay xishoo!”.
Run ahaantii, waa la garan karaa aragtida noocan ah, sababtoo ah hadda ka hor ma aysan arag xukuumad Soomaaliyeed oo ku andacoonaysa inay gar u leedahay madaxbannaanideeda kana ashtakoonaysa ama uga digaysa dawladdaha shisheeye inaysan soo faraggelin arrimeheeda gudaha aslanba.
Dad badan ayaa qaba inay tahay lagama maarmaan in xukuumadda dalka aysan aslanba hayin u noqon quwada shisheeya oo aysan dayicin madaxbannaanida iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed ay leedahay oo uu shacabka Soomaaliyeed uu dhiig badan u daadiyay.
Cabdulqaadir Cariif Qaasim
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.