Thursday, November 30, 2023
Home Gudaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed – “Reer Galbeedku Marnaba Ma Dooneyn in Soomaaliya Yeelato...

Xoogga Dalka Soomaaliyeed – “Reer Galbeedku Marnaba Ma Dooneyn in Soomaaliya Yeelato Ciidan Cudud Leh”

Wargeyska Jamhuriyadda, wuxuu fursad u helay inuu wareysi gaar ah la yeesho Jeneral Maxamed Cali Sharmaan oo ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahayd dhismaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaca ku yeeshay karti iyo hufnaan. Qaybtii Labaad:

Jamhuriyadda: Goormaa taliye, si rasmi ah loo dhisay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, yaase u noqoday hoggaan ciidanka cusub?

Jeneral Sharmaan: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed [wuxuu ka koobnaa cutubyada lugta, cirka iyo badda] waxaa si rasmi ah lagu abuuray faafinta (decreto) lambarkeedu yahay 20, taariikhdedeeduna tahay 12 Abriil 1960. Saraakiil gaareysay ilaa iyo 27 ayaa aasaaska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka qeybgalay, iyadoo Jeneraal Daud Cabdulle Xersi – Taliye u ahaa, Jeneraal Maxamed Siyaad Barre – Ku-xigeen, iyo Jeneraal Maxamed Ceenaanshe.

Jamhuriyadda: Mudane xagee laga helay askartii lagu aasaasay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, meeqeyse dhammaayeen?

Jeneral Sharmaan: Waxaa guud ahaan lagu bilaabay 5668 askari, oo 4665 horey uga tirsanan jiray “Corpo di Sicurezza,” loona wareejiyay boliiska intii aan tababarka ku maqneen, balse aan marnaba noqon boliis. Ciidanka boliisku wuxuu lahaa “Daraawiishta” oo u gaar ahayd.

Waxaa tirada guud ka mid ahaa 321 askari oo ahaa kuwa cirka iyo 682 askari oo ahaa kuwa badda. Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa loo oggolaaday inay qortaan ciidan dhan 2000 askari oo hor leh, kuwaas oo ku caan baxay “Cali Boobaye.”

Jamhuriyadda: Taliye xagee laga helay saraakiishii lagu aasaasay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

Jeneral Sharmaan: Dhammaan saraakiishii tababarka kulliyadda cagta u tagtay dalka Talyaaniga, oo dhameyd 14 anigana aan ka midka ahaa, waxaanu ku soo wareegnay ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo ay darajadeenu tahay dhamme. Waxaa ciidanka boliiska nooga harey Maxamed Jaamac Xarbi.

Gaadiid dhan 700 oo ay ahayd in lagu soo wareejiyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa Mareykanka iyo Jarmalkuba diideen qaybtoodii in loo soo wareejiyo XDS maadaama ay ugu talagaleen boliiska.

Waxaa kaloo jiray [9] saraakiil oo ay ka mid ahaayeen, Cabdulle Barre, Cali Xaashi Cilmi, Cusman Sabriye (Sokor), Goodax Barre, Jaamac Aw Muuse, Maxamed Cali Mire, Maxamed Qamiis, Tawaad Dhalin Xuurshe iyo Ismaaciil (Eritreya) oo macallin noogu ahaa Dhanaane. Mar dambe, ciidanka waxaa ka tegay Goodax Barre.

Waxaa iyagana ka mid ahaa saraakiisha lagu aasaasay ciidanka, Duuliye (Pilota) Cali Mataan Xaashi [ciidanka cirka] iyo Naaguudiye (Capitano) Khaliif Macow [ciidanka badda].

Jamhuriyadda: Sidee loo hubeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ileen dalka weli xur ma noqone?

Jeneral Sharmaan – Dowladaha reer galbeedka iyo dowladda Ruushka (Midowga Sofyeeti) ayaa noo soo diray khubaraa nagala talisa qorsheenta hubka ciidanka cusub ee dowladda dhalan doonta. Reer galbeedka waxaa ka socday saddex Jeneraal, oo ay labo yihiin Talyaani midna uu ahaa Ingiriis (Great Britain).

Wafdigaas, waxaa hoggaaminayay mid ka mid ah Jenenada Talyaaniga, waxayna matalayeen dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka iyo Talyaaniga. Wafdiga waxuu noo soo bandhigay mashruuc ah, inay noo hubeynayaan ilaa lix kun oo askari. Hubka ay noo oggolaayeen wuxuu ahaa keliya mid fudud, oo qoryo u badan, looguna talagaly difaac keliya. Marnaba ma dooneyn in Soomaaliya yeelato ciidan cudud leh.

Dhinaca dowladda Ruushka (Midowga Sofyeeti), waxaa naloo soo bandhigay qorshe taakuleyn ciidan oo dhan 100 tang, 20 miig, madaafic, dooman lagu ilaaliyo badda iwm. Anagu waxaanu rabnay in naloo hubeeyo ilaa 20 kun askari.

Dowladda Jarmarlka oo xilligaas aan loo oggoleen inay yeelato ciidan, balse ka mid ahayd wafdigii reer galbeedka, ayaa soo jeedisay inay taakuleyneyso ciidanka boliiska. Si aad u fiican ayayna u gacan qabatay boliiska Soomaaliyeed, oo mudan in looga mahadceliyo.

Jamhuriyadda: Mudane maxaad kula dardaameysaa madaxda ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee maanta joogga?

Jeneral Sharmaan: Dallanyarada iminka hoggaminaya Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa Saraakiil wanagsan, oo hanbalyo iyo boggaadin mudan, waxaase leeyahay tababar nasasho laheyn ayaad qaadateen, aqoonyahan waa tihin, laankin khabiir noqday. Nabad iyo war san.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Wargeyska Jamhuriyadda waxuu raadiyaa taariikhyahanada, siyaasiyiinta, qaanuunyaqaanada dalka oo dhan, si ay ula wadaagaan aragtiyadooda. Masawirada waxaa Wargeyska Jamhuriyadda ku xushmadeeyay Jeneral Maxamed Cali Sharmaan oo ah qofka la wareystay.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda wareysiga waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments