Wednesday, September 22, 2021
Home Siyaasadda Muranka Doorashooyinka: Xoog Isku Muquunin iyo Xujo Jidgooyo Maxaa Xigi doono?

Muranka Doorashooyinka: Xoog Isku Muquunin iyo Xujo Jidgooyo Maxaa Xigi doono?

Toddobaadkii dhawaa, magaalada Muqdisho waxaa ruxay cabsi, kaddib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu saxiixay qaraar lala baalmaray Aqalka Sare oo uu Golaha Shacabka ku burinayey heshiiskii September 17, 2020.

Fidnada oo aan u dhicin sidii loo buunbuuninayay waxay dhalisay dood kulul oo ku saabsan faragelin siyaasadeed ama sharci dejineed. Taas ayaa keentay in khilaafka hareeyay marxaladda maanta jirta uu ku soo gororsaday dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, labadan mowqif oo kala ah:

  • Muddo-kororsiga Golaha Shacbiga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waa mid aan lahayn sharciyad adag isla markaasna  khilaafsan dastuurka iyo heshiisyadii la galay oo uu ugu horreeyo Heshiiskii September 17, 2020, ku adkaysigiisana wuxuu dalka u horseedayaa qalalaaso iyo xasilloni darro.

Mowqifkan waxaa ku taagan Mucaaradka dhammaantiisa oo lakala reebin oo ay ku jiraan: Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Xildhibbaannada Golaha Shacabka ee aan qaraarka u codayn, Guddoonka Aqalka Sare iyo qayb Sanatoorrada ka mid ah.

Waxaa mowqifka mucaaradka ayidaya Dawladaha Beesha Caalamka oo matilaad ku leh dalka gaar ahaan Kuwa reer Galbeedka gebigoodba, Kenya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta, iyo kuwa kale. Waxaa kuwaas weheliya: Wakiilka Qaramada Midoobay (QM), iyo Midowga Afrika oo gadaal kaga soo biiray.

  • Kaddib markii ay fashilmeen dadaalladii  wadahadallladi  Dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada, Golaha Shacbiga wuxuu laalay heshiiskii September 17, 2020 ee Doorashada Dadban, go’aamiyayna in loo noqdo doorasho Qof iyo Cod sida Dastuurka ku qoran.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sharci ka dhigay 12kii Abril 2021 qaraaskaas.  Talaabooyinka uu qaadayoo iyo  dadaalka diblomaasi uu kaddib ku dhaqaaqay wuxuu ku salaysan yahay in Dalka uu isu diyaarinayo Doorasha Qof iyo Cod ah.

Sidaas daraaddeed waa in dhammaan Beesha Caalamkaba iyo Siyaasiyiinta Soomaalida ay ixtiraamaan qaraarkan sharciyada haysta, haddii kale waxaa loo arkayaa inay yihiin kuwa ka soo horjeeda Doorasho inay dalka ka dhacdo. Weliba Beesha Caalamka waxaa loo qaadanayaa inay wadaan farggelin iyo ku xadgudub madaxbannaanida Dalka.

Mucaaradka ka soo horjeeda qaraarka ayaa ku doodayo in madaxweynaha uu wiiqayo hay’adaha dastuuriga, Golaha Shacabkana uusan awood dastuuri ah u lahayn inuu gaaro qaraar saameynaya masiirka dalka laba arrimood awgood: (1) In isku dheellitirka awoodaha awgeed, go’aan kasta oo ka soo baxay Golaha Shacabka uu u baahan yahay meel marinta Aqalka Sare inta uusan noqon sharci; iyo (2) In  Baarlamaanka Federaalka iyo madaxweynahuba ay ka dhammaadeen muddada xilheynta. 

Dabcan Mucaaradka, gaar ahaan Midowga Musharraxiinta oo uu horseedayo Shariif Sheikh Axmed, intaas kuma aysan ekaan balse waxay qaadeen tillaabooyin dhawr ah:

  1. Hub aruurin iyo dhismo cudud difaacda mowqifkooda oo iska caabbin karta cududda Dowladda Federaalka Soomaaliya;
  2. Abaabul ujeeddadiisu tahay in la kala furfuro saraakiisha iyo askarta Xoogga Dalka si kastoo suuraggal ah oo ay ka mid yihiin sabasho mushaar, darajo, siyaasadeyn, iyo beerlaxawsi qabiil, sida kiiska Taliyaha Ciidamada Booliska Banaadir, iwm;
  3. Baaq qabiil daahsoon iyo mid qayaxanba oo uu ugu sarreeyay abaabulkii Shirweynihii Beelweynta Hawiye oo laga helay go’aan dhanka  mucaaradka u jalleeca oo lagu gaaray taba ay ka mid yihiin ka faa’idaysi xiisaddii Saadaq Joon oo markaas kululeed;
  4. Dagaal diblommaasi ku began Beesha Caalmaka iyo ururradoodaba, taasoo keentay in dhambaallo loo diro meelo kala duwan sida Golaha Amniga ee QM iyo kuwa kale.

Dhanka kale tillaabooyinkii  diblomaasiyadeed oo uu Farmaajo qaaday waxay masraxa khilaafka dalka soo gelisay Midowga Afrika. Eeg (Warmurtiyeedka uu soo saaray Guddiga Amniga MA 22.4.2021). Guddiga Amniga wuxuu diiday oo cambaareeyay muddo-xileed kordhinta oo uu ku tilmaamay inay tahay tillaabo hal dhinc ah oo khalkhal gelinaya xasilloonida Dalka.

Farmaajo qudhiisa kuma ekaan tabo diblomaasiydeed balse wuxuu ku dadaalay inuu kasbashada ciidamada sugo, siyaasadeeyo xaaladda, abaabulo shirar qabiil si uu helo isna ayidaad Beelweynta Hawiye.

Si kastaba, mowqifka Midowga Afrika waxaad mooddaa inuu ku biiri rabo midka Maraykanka, Midowga Yurub, QM  iyo kuwii kale oo shardi ka dhigay ka noqashada qaraarka muddo kororsiga oo aan shuruud lagu xirayn.

Mowqifkan haddeer wuxuu ku tilmaamaa in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay noqotay caqabada ugu weyn oo horjoogta xasillonida Soomaaliya.

Jananka ugu sarreeya taliska ciidama Maraykanka ee Africa (US  Africa Commaand)  Stefen Townsend wuxuu aqalka sare ka sheegay waxaa Al- shabaab ka daran  “wada-shaqayn la’aanta ka dhexaysa Dowladda Federaalka iyo Dawlad Gobolleedyada … iyo muddo-xileed  kororsiga Madaxweyna xafiiska fadhinayo oo baalmaray Dastuurka” (https://www.stripes.com/news/Africa ee 22.4.2021).

Maxaa Xal ah?

Waxaa xaqiiqo ah in xaalada taagan ay tahay mid aan la aqbali karin. Dalka waxaa muhiim u ah inay ka dhacdo doorasho la wada oggol yahay noocay doontaba ha ahaatee si nabad isugu-dhiibka awooddaha uu u sii jiro.

Shaki kuma jiro in waddanku xaaladdaan uu kaga gudbi karo keliya iyadoo aan dib lagu xujoobin jidgooyadii maamul-goboleedyada amase xoog laysku muquunin sidii uu u dhaqmay Golaha Shacabka. 

Si dalku uu uga badbaado fidno hor leh waxaa loo baahan yahay in mucaaradka iyo muxaafidka ay maanka geliyaan in dimuqraaddiyada iyo wadahadalku yihiin waddada keliya ee xaaladda cakiran looga gudbi karo. Imaam Maalik ayaa hore u yiri “Fowdo xukun laguma gaaro.”

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Waa Maxay Ujeeddada Ka Dambeysa Duullaanka Lagu Beegsanayo Jiritaanka Sirdoonka Qaranka?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Fahad Yaasiin iyo Hay’adda Nabadsugida NISA ayaa wajahaya duulaamo siyaasadeed iyo mid sirdoon oo uga imanaya...

In Escalation over Submarine Deal, France Recalls Envoys from U.S. and Australia

By John Irish and Colin Packham, David Brunnstrom, & Humeyra Pamuk PARIS/CANBERRA/WASHINGTON, Sept 17 (Reuters) - France plunged into an unprecedented diplomatic crisis with the...

Muuse Suudi iyo Dottor Dufle oo Doorasho Hufan ku Harqiyey Rajadii Daaci iyo Tarzan

Tafiftiraha Jamhuriyadda Badanaa ciyaaraha kubadda cagta ayaa ka dhaliya bulshada dhexdheeda muran kulul oo socda bilooyin. Marka laga...

Maxaa Ka Dhalan Kara Dastuur Qabya ah, Damac Siyaasiin iyo Dano Shisheeye oo Isku Milmay?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Khilaaf xooggan ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha soo dhexgalay oo la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo la la’aa tan...

Recent Comments

%d bloggers like this: