Golaha Amniga ee QM oo walaac ka muujiyey xiisada siyaasadeed ayaa maalintii Jimcaha April 23, 2021 soo saaray bayaan si taxadar leh loo xardhay siiqadiisa. Bayaanku waxuu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay, “iska diidaan rabshadaha isla markaasna si degdeg ah dib u bilaabaan wadahadal aan shuruud lahayn.”
Bayaanku waxuu daba yaallaa dhowr bayaano ah oo ka soo baxay Midowga Afrika, Midowga Yurub, Mareykanka iyo kuwo kale oo cambaareeynaya muddo kordhinta kuna tilmaamaya inay tahay tillaabo hal dhinc ah oo khalkhal gelineysa xasilloonida Dalka.
Soomaalida waxay khaati ka taagan yihiin siyaasad cakiran. Sidaas awgeed, dad badan ayaa rumeysan in heshiiskii September 17, 2020 oo dib loogu laabto ay tahay waqti lumis ku dhammaan kara guuldarro keliya.
Dhanka kale, urur goboleedka IGAD oo qaraarkii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ka hordhacay ayaa fursad siinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya inay la timaad xal raali laga noqon karo, kaas oo dabcan ka duwan kii Golaha Shacabka ee April 12, 2021 iyo heshiiskii September 17, 2020 oo ahaa midka keliya ee ay labada dhinac isku raacsanaayeen inta uusan madhalays ka dhigin shuruudihii Deni iyo Madoobe.
Haddaba su’aashu waxay tahay, maxaa xal u noqon kara siyaasadda cakiran oo ay dhinacyaduna u arki karaa guul wadareed?
Marka dib loo jaleeco xaaladda, siyaasiyiin badan ayaa u muuqda inay xal ka sugayaan beesha caalamka, kaas oo aan ku xisaabtameyn hagardaamada reer galbeedku ku hayo dalka. War isasoo taraya ayaa sheegaya in hay’ado samefal iyo diblomaasiyiin reer Yurub ah qaarkood ay faafinayaan fikrado gebi ahaanba sumeysan oo fowdo hor leh ku abuuri doono dalka.
Xeeldheereyaasha siyaasadda ayaa rumeysan in siyaasiyiinta is-khilaafsan aysan haysan waqti ay xal kaga sugaan dibedda amase ay ku sii ciyaaraan siyaasaddii horey ee ahayd, “Ninkii raayo reerka ha u haro!”
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa kol hore tala ugu bixiyey in xalku uu ku jiri karo in Madaxweyne Farmaajo loo daayo xukunka muddo labo sanadood ah si uu u qaabeyo shuruucda doorashooyinka qof iyo cod.
Talada Jawaari waxaa ku jiray shardi lahaa waa in Farmaajo uusan dib isugu soo sharraxin madaxtooyada. Iinta talada ayaa ah qof takoorid. Sideedaba, tartan doorasho waxaa ku guulaysta ciddii calaf u leh.
Kuwa la dhacsan talada Jawaari ayaa qaba in madaxweyne uusan abadan ka talin dalka wax ka badan labo muddo xileed (two terms) oo min lix sanadood ah. Haddaba haddii uu Farmaajo ku guulaysto madaxtooyada mar labaad wuxuu xaq u lahaan doona inuu dalka xukumo muddo xileed kaamil ah.
Jahwareerka siyaasadeed ee hadda jira waxaa fure u ah cidda maamuli doonto doorashooyinka. Sidaas darteed, talo kale ayaa qabta in Baarlamaanka Federaalka oo wadajira uu dib u eegis ku sameeyo heshiiskii September 17, 2020.
Si tilaabo horey loogu qaado, sharci dejiyayaashu waxay u baahnaan doonaan inay awoodda sharciyeynta doorashada dib ugala noqdaan hay’addaha fulinta (Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyadaba) ee ku xujoobay. Taas waxay dalka ka badbaadinaysaa in hay’adda fulinta (madaxweynaha) uu jibiyo sharci uu ansixiyey gole sharci dejin.
Marxaladdaan natiijada ka dhalan karta xiisadda siyaasadeed aad looma hubo. Sidaas awgeed, tillaabadaan waxay u muuqataa in looga lug bixi karo damaca maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland amaseba guud ahaan mucaaradka doonaya inuu rido xukunka. Sidoo kale, waxaa looga badbaadayaa xoog isku muquuninta Golaha Shacabka iyo Xukuumadda iyada is-riddaysa.
Si kastaba ha ahaate, hirgelinta taladaan waxay u baahan tahay in inta aan lagu dhaqaaqi ay xildhibaanadda mucaaradka iyo muxaafadkaba si tifaftiran uga shaqeyaan kuna heshiiyaan hirgelinteeda.
Cabdulqaadir Cariif Qaasim
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.