Friday, September 17, 2021
Home Diblomaasiyadda Shaxda Yurubta Galbeed iyo Burburka Soomaaliya Maxaa Ka Dhexeeya?

Shaxda Yurubta Galbeed iyo Burburka Soomaaliya Maxaa Ka Dhexeeya?

Bilo isqabqabsi ahaa kaddib, magaalada Muqdisho waxaa dulsaaran middi daabkeedu aysan ku jirin gacan Soomaali lana malaysan karin meesha ay mudayso. Qalalaasaha siyaasadeed waxuu soo bandhigay: (b) In khilaafka ka taagan Muqdisho uu salka ku hayo “dowlad dhisidda Soomaaliya;” iyo (t) In ayaaha dalku uusan ku jirin gacmahiisa, siyaasiyiintana (mucaaradka iyo muxaafidkaba) maslaxadda shacabka ay ka doorbidayaan tooda gaarka ah.

Toddobaadkii dhawaa waxaa dunida daafeheeda ka socday dadaallo diblomaasiyadeed oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya. Safiiradda UK u fadhiysa Soomaaliya ayaa la kulantay Wasiiradda Gaashandhigga Kenya oo xidhiidhkoodii dib loo soo celiyey! Sidoo kale, wafdi ka socday Norway oo tegay Ankara ayaa Turkiga kala shiray xaaladda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliyana waxuu Washington kula kulmay xubno ka tirsan Wasaaradda Dibedda iyo Congress-ka Mareykanka.

Halka magaalada Muqdisho uu yimid wafdi uu hoggaaminayey Mutlaq bin Majed Al-Qahtani oo ah diblomaasi reer Qadar ah oo ku xeeldheer la dagaalanka argaggixisada iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka. Tobankii sano oo la soo dhaafay, Mareynkanka waxuu diiradda ku hayey sidii loo dhisi lahaa dowlad Soomaaliyeed oo xasilloon una janjeerta dhanka dimuqraadiyada.

Washington waxay rumaysan tahay in dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo xasilloon ay wax weyn ka tari karto labo arrimood oo muhiim u ah iskaashigeeda istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika: (b) Horumarka amniga iyo dhaqaalaha gobolka, gaar ahaan deriska; iyo (t) Ka xayiridda Shiinaha iyo Ruushka saamayn ku yeelashada gobolka. 

Dhinaca kale, Midowga Yurub iyo Britain (UK) oo danaynayo wax ka qabashada qaxootiga gobolka ee ku sii qulqulaya Yurub ayaa ahmiyadda saaray: (1) Dhismo dowlad Soomaaliyeed oo daciif ah haddana hayin u ah; iyo (2) In Qaramada Midowbay ay door muhiim ah ku yeelato dib u dhiska Soomaaliya. 

Ku kala duwanaanshaha aragtida dowlad dhisidda Soomaaliyeed waxaa sii murjiyey dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin: (1) Loollanka dhaqaale ee Yurub kula jiraan Turkiya; iyo (2) Qaraarka Maxkamadda ICJ oo la filayo inuu guusha siin doonto Soomaaliya.

Doodda hadda socota ayaa u jahaysan in Soomaaliya ay ka gudubi rabto gargaar diyaarna u tahay la ganacsi iyo maalgelin. Dalalka Yurub iyo kuwa khaliijkaba ayaa ka walwalsan in Turkigu sumcaddiisu ay siin doonto fursad dheeri ah maadaama uu door hoggaamineed ka qaatay dadaallada qaabeynta dowlad-dhisidda.

Sida rabshadaha Muqdishu ka soo shaac baxay Midowga Yurub, UK, Imaaraadka iyo Kenyaba waxay heerar kala duwan ugu lug leeyihiin burburinta dowladnimada Soomaaliya dhowr asbaaboodba: (1) Kala daadinta ciidamada si amniga dalka uusan uga bixin, had iyo jeer, gacan shisheeye – AMISOM; iyo (1) In baarlamaanka federaalka laga dhigo mid aan shaqeynayn (dysfunctional), si shuruucda muhiimka u ah dowlad dhisidda aysan u hanaqaadin.

Sideedaba, reer Yurub marnaba ma doonayn in Soomaaliya ay yeelato ciidan cudud leh. Balse, wiilasha saloolan [askarta] ee kartida iyo hufanaanta u weheliso xirfad loogu hagar baxay, kana dhashay dadaallada Ankara-Dooxa iyo Washington ayaa walbahaar ku soo kordhiyey AMISOM oo himiladeedu ahayd inay iska dulfadhiso Soomaaliya.

Baaqii Madaxweyne Joe Biden oo ahaa “Mareykanku waxuu dib ugu soo noqday masraxa adduunka,” iyo ergayga gaarka ah ee uu u soo magacaabay Geeska Afrika ayaa inta badan Soomaalidu u aragtay rajo wax looga qaban karo qaswadayaasha (gudaha iyo dibeddaba). 

Balse, siyaasadda laba-wejiila ah (double track policy) oo lagu dhaqayo Muqdisho waxay wiiqi kartaa himilada xasilloonida Geeska Afrika ee Washington. Haddii aan Imaaraadka iyo Kenya lagu cadaadin inay faraha kala baxaan Soomaaliya, dalku waxuu noqon karaa mid bacrimiya fowdo saameyn ku yeelato nidaamka caalamka, dhexdhigi karta cadaawo dalalka Geeska Afrika, iska horkeenta Turkiga iyo Khaliijka Carbeed, wiiqda dadaallada la dagaallanka argaggixisada, weliba sahasha in Shiinaha iyo Ruushka door weyn ku yeeshaan khayraadka Soomaaliya.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Aminarts.com ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Muuse Suudi iyo Dottor Dufle oo Doorasho Hufan ku Harqiyey Rajadii Daaci iyo Tarzan

Tafiftiraha Jamhuriyadda Badanaa ciyaaraha kubadda cagta ayaa ka dhaliya bulshada dhexdheeda muran kulul oo socda bilooyin. Marka laga...

Maxaa Ka Dhalan Kara Dastuur Qabya ah, Damac Siyaasiin iyo Dano Shisheeye oo Isku Milmay?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Khilaaf xooggan ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha soo dhexgalay oo la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo la la’aa tan...

Maxaa Imaaraadka Ku Qasbaya Dib ula Heshiinta Qadar Sideese Soomaaliya u Saameyn Doontaa?

AbdulQadir Cariif Qaasim Maalmo kaddib booqashadii Ankara, ayuu Lataliyaha Amniga Imaaraadka safar lama filaan ah ku tagay dalka Qadar. Sheikh...

Rooble oo Si Laablakac ah u Wajahay Kiiska Ikraan!

Tafiftiraha Jamhuriyadda Ikraan Tahliil Faarax waa gabadh ka tirsaneyd hay’adda NISA, kana soo shaqaysay xafiisyada gudoomiyaha gobolka Banaadir,...

Recent Comments

%d bloggers like this: