Tuesday, September 21, 2021
Home Diblomaasiyadda Maxaa Ka Dhalan Kara Shirkii Afar Geesoodka ahaa ee Ku Dul Furnaa...

Maxaa Ka Dhalan Kara Shirkii Afar Geesoodka ahaa ee Ku Dul Furnaa Cimradii Rooble?

Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Maxamed Xuseen Rooble ayaa safar aan horey loo shaacin ku tegay Boqortooyada Sacuudiga Jimcihii May 7, 2021. Wafdiga oo si diirran loogu soo dhaweyay Makka ayaa dhaliyey su’aal la xidhiidhta ujeeddada ku hoos qarsan, xilli wafuud heer sare ah ay ku sii qulquleyeen dalkaas xukuumaddana ciriiri misaaniyadeed ay qoorta ugu jirto.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku muteysatay cunaqabateenta Midowga Yurub habkii kalsoonida loogala noqday xukuumaddii Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre ee July 25, 2020.  Hannaanka codbixintii Golaha Shacabka ma buuxinin shuruudihii ugu yaraa ee dastuurka. 

Midowga Yurub ayaa bixisa kabka miisaaniyad sanadeedka DFS oo lagu qiyaasi karo in ku dhaw seddax dalool meel. Wasiir Cabdiraxmaan Beyle oo ka hadlay xaaladda maaliyadda dalka ayaa sheegay inuu bixin karo mushaaradda bisha Abril keliya wixii ka dambeyana uu dalku taaban doono “sagxadda.” 

Safarkii Rooble uu ku raadsaday cawilcelin misaaniyadeed waxuu kiciyey shaki markii uu ku beegmay booqashada Amirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ee uu markii labaad ku tagay dalka Sacuudiga tan iyo markii dib loo soo celyey xidhiidhka labada dal bishii January 2021. Weliba shakiga waxaa kordhiyay in martigelin rasmiga ah loo fidiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiya oo ah mas’uulkii ugu horreysay ee booqda Sacuudiga tan iyo dilkii weriye Khashoggi. 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga, casuumaaddaha oo ka yimideen Boqor Salmaan ayaa ujeeddadoodu ahayd in wax layska weydiyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee dalalkaas (Qadar, Turkiya iyo Soomaaliya) iyo arrimo kale oo “dan guud ah.” 

Su’aaluhu ma yara, waxaase bishaara ah goobta lagu kulumay iyo xilliga oo ah tobankii ugu dambeyey ee bisha Ramadaan. Tan iyo doorashadii Madaxweyne Joe Biden waxaa jiray tallaabooyin taxaddar leh oo loo qaaday dhinaca dejinta xiisadaha ka taagnaa Persian Gulf iyo Badda Cas. Baghdad ayaa martigelisay wadahadallo ka dhashay dadaalka Qadar oo dhexmaray Iran iyo Sacuudiga. 

Sidoo kale, Mareykanka ayaa u dhaqaaqay inuu soo celiyo heshiiskii nukliyeerka ee Iran. Halka dhexdhexaadin daaha gadaashiisa ay ka wadday Qadar uu suuraggeliyey in Soomaaliya oo muddo ku dhow lix bilood xidhiidhka u jartay Kenya inay dib u soo celiso xidhiidhkii diblomaasiyadeed. 

Kulunka Xijaas ayaa u muuqda inuu la jaanqaadi doono dadaallada Mareykanka, Turkiya, iyo Qadar ku xasilinayaan Soomaaliya, taas oo saameyn ku leh nabadda Badda Cas, Boqortooyada Sacuudigana ay si aad ah u daneyneyso.

Tilaabadani waxay mideyneysaa xoogag iskaga soo horjeeday geeddi- socoka dowlad dhisidda Soomaaliya. Riyaad waxay siineysaa fursad ay lug ugu yeelan karto doorashada Soomaaliya taas oo ah waxa Abu Dhabi, Nairobi iwm sumalhaad ku riday.

Su’aal dad badan isweydiinayaan ayaa ah, Soomaaliya ma ka dhalan kartaa xasillooni dadaalkeedu aysan qayb ka ahayn Imaaraadka?

Sir ma aha, in Abu Dhabi ay carqalad ku tahay dowlad dhisidda Soomaaliya. Waxay Muqdisho u aragtaa inay caqabad ku tahay daniheeda dhiigmiiradka ah. Go’aankii barlamaanka uu ku badbaadin lahaa qaranimada dalka laguna xanibayey hawlaha DP World Dubai waxaa ku hagoogtay Boqortooyada Sacuudiga.

Marka laga soo tago dhacdadaas, Amir Maxamed bin Zayid oo aan laga tixgelin shirweynihii dalalka Badda Cas ayaa Muuse Biixi Cabdi u adeegsaday carqaladeenta heshiiska Riyaad. Midkoodna kuma xisaabtamin cawaaqib xumada ka dhalan karta in laysku taago Boqortooyada Sacuudiga.

Jawaab ahaan, maalmo ka dib waxaa dekedda Jeddah laga soo celiyey markab siday xoolihii moosinka xajka, taas oo ku sigtay Hargeysa “dhulgariir siyaasadeed,” haddii aysan Muqdisho xal degdeg ah la gaarin Riyaad.

Soomaalida waxay rajayneysaa in wixii khaldamay cashar laga bartay. Dalalka khaliijka oo ku degdegga fusashada danahooda gaarka ah waqtigaan xasaasiga ah waa dib ugu noqoshada khaladaadkii shalay. Dib u soo celinta hay’addaha muhiimka ah iyo ku hagidda Soomaaliya hab lagu gaari karo mustaqbal xasilan ayaa fududaynaya dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka oo kooxda Xijaas ka bilaabmi kara.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

In Escalation over Submarine Deal, France Recalls Envoys from U.S. and Australia

By John Irish and Colin Packham, David Brunnstrom, & Humeyra Pamuk PARIS/CANBERRA/WASHINGTON, Sept 17 (Reuters) - France plunged into an unprecedented diplomatic crisis with the...

Muuse Suudi iyo Dottor Dufle oo Doorasho Hufan ku Harqiyey Rajadii Daaci iyo Tarzan

Tafiftiraha Jamhuriyadda Badanaa ciyaaraha kubadda cagta ayaa ka dhaliya bulshada dhexdheeda muran kulul oo socda bilooyin. Marka laga...

Maxaa Ka Dhalan Kara Dastuur Qabya ah, Damac Siyaasiin iyo Dano Shisheeye oo Isku Milmay?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Khilaaf xooggan ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha soo dhexgalay oo la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo la la’aa tan...

Maxaa Imaaraadka Ku Qasbaya Dib ula Heshiinta Qadar Sideese Soomaaliya u Saameyn Doontaa?

AbdulQadir Cariif Qaasim Maalmo kaddib booqashadii Ankara, ayuu Lataliyaha Amniga Imaaraadka safar lama filaan ah ku tagay dalka Qadar. Sheikh...

Recent Comments

%d bloggers like this: