Wednesday, September 22, 2021
Home Diblomaasiyadda Xidhiidhka Soomaaliya iyo Jabuuti: Karka Maxaa Keenay?

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Jabuuti: Karka Maxaa Keenay?

Toddobaadkii dhawaa oo loo caleemasaarayey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle xilhayntii shanaad ee madaxtooyada dalkaas ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka baaqday isagoo horraantii toddobaadkaas ka qaybgalay tii Museveni ee Uganda. Baaqashada Madaxweyne Farmaajo waxay hadal hayn ka dhex dhalisay gobolka, inkastoo Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu uga wakiil ahaa munaasabada.  

Maxaa Khilaafka Kiciyey

Jiilaalkii 2020 ayaa shirkii hoggaamiyeyaasha IGAD ku taageereen in Madaxweyne Geelle oo ahaa guddoomiyaha ururka ee xilligaas uu u xilsaaro guddi xaqiiqo-raadin ah eedeymaha Soomaaliya ay ka soo gudbisay jabhad Kenya ku ururinaysay degmada Mandheera.

Guddiga Xaqiiqo-Raadinta oo ay hoggaaminaysay Jabuuti ayaa January 2021 ku warbixiyey inaan caddaymo loo hayn eedeymaha Muqdisho, taas oo ay Soomaaliya qoonsatay xurgufna dhexdhigtay labada dal ee walaalaha ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku eedaysay Jabuuti inay si aan caad ku jirin ugu hiilisay Kenya kaddib  markii uu Guddiga eedda saaray Soomaaliya. Wixii ka dambeeyay xidhiidhka labada dal wuu sii xumaanayey hadallada qallafsan oo ay labada dhinac isdhaafsanayeen way sii xoogaabayeen. Waxaa kaloo soo ifbaxay faraggelinta Jabuuti, halka Farmaajana uu adkeeyay falcelintiisa.

Ugu dambayntii, marka uu Farmaajo ka aalay ka qeybqaadashada  caleemasaarkii Ismaaciil Cumar Geelle falcelinta Geelle waxay noqotay inuu Muuse Biixi maamuuskiisa gaarsiiyo heer madaxweyne. Warbaahinta maxalliga ee Muqdisho iyo baraha bulshada ee mucaaridka Jabuuti qaarkood waxay ku tuhmaayaan Madaxweynaha Jabuuti inuu ku dadaalayo si uusan usoo noqon Farmaajo.

Haddaba, aanu isuweydiinnee, waa maxay sababta Ismaciil Cumar Geelle uu qoolka uga siiddaayay Kenya? Sideese Kenya ay saameyn heerkaas la eg ugu yeelatay Jabuuti?

Horraantii sanadkii tegay, Jabuuti iyo Kenya oo ku tartamayey kursigii Golaha Amniga QM, ayey ka soo ifbaxday in labada dal khilaaf naadir ah u ka dhexeeyo. Balse, difaaca Jabuuti waxaa loo aaneyn karaa dhowr arrimood: (1) Inuu Faransiiska oo ilaalsanaya danaha uu ku leeyahay Kenya ku cadaadiyey; (2) In Jabuuti iyo Kenya ay iska kaashanaya kalsooni-darrada ay ka qabaan isbahaysiga seddax geesoodka ee geeska ah (Soomaaliya, Itoobbiya, iyo Eritrea); iyo (3) In Jabuuti abaal erganeyso Kenya si ay Golaha Amniga uga difaacdo danaheeda.

Si kastaba ha ahaatee, seddax bilood kaddib, dhexdhexaadin sir ahayd oo ay Qadar ka dhex wadday Soomaaliya iyo Kenya ayaa suuraggelisay in si horudhac ah sirdoonka labada dal ay ku heshiiyaan in la xiro xaruuntii jabhadda Mandheera si loo xaqiijiyo niyad samida Kenya. 

Tillaabadaas waxay bannaanka soo dhigtay in arrinka guddiga xaqiiqa-raadinta Geelle uusan ahayn: Gari laba nin kama wada-qosolsiiso; balse uu ahaa: Ergo wixii la faray ayay geysaa. Qoonsiga Soomaaliya meeshiisi ayuu ahaa.

Sidee Looga Gudbaa

Haddaba, haddii wixii Muqdisho qoonsatay ay Nairobi kala heshiisay, waxaan lagama maarmaan ah in isma-hurtada ay si miyir leh u wadahadlaan si ay uga gudbaan tillaabooyinka dhiirigelinaya khilaafaadka.

Jabuuti waxaa laga hirgeliyay dekado casri ah oo noqotay xuddunta (hub) isku xirta Itoobbiya iyo dunida inteeda kale. Jabuuti kama maarmi karto inay dariskeeda kula noolaato nabad iyo xasillooni.

Dhinaca kale, Soomaaliya waxay mareysaa marxaladd ay dunida isha ku hayso khayraadkeeda dabiiciga ah, horumarinta kalluumaysiga, dalxiiska, warshadaha, ganacsiga iyo beeraha. Jabuuti waxay u baahan tahay inay la timaado qoorshihii ay ku maalgashan lahayd dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkaan inta aysan dhiigmiiratada ku soo qamaamin. U bareeridda khatarta ayaa ribuxu ku jiraa, waxaana tusaale noogu filan Turkiga.

Tani waa haddii laga eego dhanka fiican oo sida roon la saadaaliyo, haseyeeshee, waaqaca hadda jira waxaad mooddaa inaan isbeddelkaas la heli karin ilaa, ugu yaraan, labada hoogaan midkood uusan is-beddelin.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Waa Maxay Ujeeddada Ka Dambeysa Duullaanka Lagu Beegsanayo Jiritaanka Sirdoonka Qaranka?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Fahad Yaasiin iyo Hay’adda Nabadsugida NISA ayaa wajahaya duulaamo siyaasadeed iyo mid sirdoon oo uga imanaya...

In Escalation over Submarine Deal, France Recalls Envoys from U.S. and Australia

By John Irish and Colin Packham, David Brunnstrom, & Humeyra Pamuk PARIS/CANBERRA/WASHINGTON, Sept 17 (Reuters) - France plunged into an unprecedented diplomatic crisis with the...

Muuse Suudi iyo Dottor Dufle oo Doorasho Hufan ku Harqiyey Rajadii Daaci iyo Tarzan

Tafiftiraha Jamhuriyadda Badanaa ciyaaraha kubadda cagta ayaa ka dhaliya bulshada dhexdheeda muran kulul oo socda bilooyin. Marka laga...

Maxaa Ka Dhalan Kara Dastuur Qabya ah, Damac Siyaasiin iyo Dano Shisheeye oo Isku Milmay?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Khilaaf xooggan ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha soo dhexgalay oo la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo la la’aa tan...

Recent Comments

%d bloggers like this: