Monday, June 5, 2023
Home Gudaha Maxaa Loo Dili Lahaa Xasan Sheikh - Maxaase Ciidamada Asluubta Geeyay Baraha...

Maxaa Loo Dili Lahaa Xasan Sheikh – Maxaase Ciidamada Asluubta Geeyay Baraha Baarista Amniga Caasimadda?

Galabnimadii Arbacadii June 2, 2021 ayaa bar ay ciidamada Asluubta ilaalinayaayeen oo ku taal Beyturaas – inta u dhaxeysa xarunta Maxkamadda Gobolka Benaadir  iyo Isbitaalka Martiini ee degmada Xamar Weyn lagu rasaaseeyay gaadiid uu la socday Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud. 

Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ahayd shil aan lagu talaggelin. Wasiirku waxuu ka bixiyey shilka raalliggelin waxuuna ballanqaaday in dhacdada baaritaan lagu sameeyo. 

Ma aha markii ugu horraysay ay shil sidaan oo kale ah uu ka dhaco baraha barista amniga magaalada. Abril 18, 2021 ayaa taliyihii hore ee NISA Janan Cabdiraxman Maxamed Tuuryare lagu rasaaseeyey barta Marinada ee degmada Cabdulaziz.

Sidoo kale, February 13, 2021 Ciidanka Asluunta ee barta Beyturaas ayaa rasaas oodda ugu qaaday gaari ay la socdeen odayaal dhaqameedyo uu ka mid ahaa Imaam Maxamed Yusuuf.

Wasiirkii hore ee Amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la socday Mudane Xasan Sheikh ayaa ka codsaday Ra’iisulwasaaraha DFS inuu baaris ku sameeyo waxa uu ugu yeeray “isku-day dil.” 

Faro iskuu fiiqa mucaaradka iyo taliska asluubta ayaa kiiska sii dhabqiyay. Inkastoo dhacdada ayasan sababin dhimasho iyo dhaawac, haddana hadal-badida Taliyaha Asluubta Janan Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa dab qabadsiisay kiiska oo ka mid ah shilalka ugu xasaasiyadaysan dalka.

Isku-day dil khuseeyo shakhsiyad sidaaas u weyn ma aha wax si fudud ku dhici karo, lagana yaabo inaysan ka maqnayn dhagar sirdoon shisheeye dhowr arrimood awgood: 

(1) Soomaaliya oo keligeed si lama filaan ah uga gudubtay murankii doorashada dadban iyadoo aan loo soo magacaabin dhexdhexaadiye shisheeye, taas oo fashilisay aragtidii lahayd Soomaalidu waxay u noqon doonaan dagaal sokeeye haddii aan la dhexgelin;

 (2) U kala qaybintii qabiil ee lala doonayay ciidamada amniga ee najaxay iyo sida loo maareyey xiisadii caasimadda oo fashilisay rabshadii gacmaha jaan gadaal ka abaabulayeen; iyo

(3) Shilka oo loola dan lahaa in lagu kiciyo rabshado hor leh si loo fashiliyo dadaalka dowladda loona dilo rajada dib u doorashada Farmaajo.

Marka laga yimaad fara isku fiiqa, madaxda dalka waxay si joogta ah u maraan waddada Xamar Jab-Jab, taas oo ka dhigaysa ujeeddada laga lahaa shilka seddax arrimood midkood: 

(1) In Muqdisho dib looga abuuro rabshado si Farmaajo loogu eedeeyo  amniga xumaada loogana reebo tartanka madaxtooyada dalka; 

(2) In kalsoonida shacabka ay u hayaan ciidamada qalabka sida la dhaawaco si amniga aan loogala wareegin AMISOM una sii joogto dalka; iyo 

(3) In doorashada dimuqraaddiyada laga dhigo qayim aan ka hirgeli karin Soomaaliya.

Wolow, daldaloollo amni ay jiraan, haddana ma qarsoona in qarannimada Soomaaliyeed lagu hayo imtixaan adag.  Qaar ka mid ah saraakiishii hore ee amniga iyo siyaasiyiinta ayaa weli daacad u ah sirdoon shisheeye, gaar ahaan kuwii Itoobbiya ee TPLF.

Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS Axmed Ciise Cawad ayaa ka codsaday sirdoonka Kenya inay joojiyaan soo dhexgelinta basaasiintooda dalka Soomaaliya (Africa Intelligence – 19/11/2020).

Balse, dhaleecayntu waxay tahay:  Side ciidamaka Asluubta oo loo tababbaray ilaalinta maxaabbiis xiran loogu  dhiibay amniga waddo halbowle u ah isku xirka magaalada? 

Sidoo kale waxay su’aal ka taagan tahay, habka hay’adaha dowladda loogula xisaabtamo xadgudubka lagula dhaqmo dadweynaha (shacabka iyo siyaasiyiinta); si loo saxo khaladaadka soo noqnoqda.

Nasiibdarro,  waxaa ah in falalka gacanta culus ee ciidamada dowladda adeegsadaan ay sii hurinayaan xasillooni darrada gacanna ka geystaan carada dadweynaha. Eedda ma laha ilaalada waddooyinka taagan oo keliya, ee waa dhaqanka caddaala-darrada leh oo aan lala xisaabtamayn ee  dalka ka jira. 

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments