Mukhtar Robow Cali wuxuu ku dhashay degmada Xuddur ee Bakool 10.10.1969 halkaasoo uu ka galay dugsi Quraan, kaddibna wuxuu waxbarasho u aaday Xamar oo uu ka bartay fiqhiga diinta. Ugu dambayntii wuu waxbarasho jaamacadeed u aaday Suudaan oo uu kasoo qalinjabiyay Jaamcadda Khartoum, maaddada Islamic Law (Shareecada). Sheekh Mukhtaar wuxuu ku hadlaa afaf dhawr ah. Tababrka meletari wuxuu kusoo qaatay Afghanistan.
Taariikhdiisa Siyaasiga ah
Roobow dalka iyo addunweynahaba wuxuu magaciisa ku faafay markauu Maraykanka ku biiriyay liiska argaggaxisada madax-furashadiisana laga dhigay 5 milyan doolar, 2012kii.
Roobow oo ka mid ahaa asaasiyayaashii ururka Al Shabaab, intuusan ka bixin ururka wuxuu damcay inuu wax ka beddelo -isaga iyo Daahir Aweys iyo rag kale – ururka hoggaankiisa qallafsan; taasoo keentay iska horimaad weyn labada dhinac oo heerkii ugu sarreeya gaaray Juun 2013ka marka uu dagaal hubaysan ka dhexdhacay iyaga iyo Amiirka ururka Axmed Cabdi Godane magaalada Baraawe.
Al Shabaab waxaa hoggaaminaayay tan iyo 2007dii Axmed Cabdi Godane (Abuu Zubayr) oo aad u qallafsanaa ahna ninka joojiyay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) kuna biiriyay ururka Al Qaacida.
Ugu dambayntii Roobow oo hoggaanka ururka ka gaaray ku xigeenka 2aad, ahaana Taliyaha xoogagga ururka ee Bay iyo Bakool wuxuu isu dhiibay ciidamada XDS, 13.08. 2017.
Laga billaabo 2015 ururkani wuu ka baxay magaaloyinka, balse ilaa maanta isaga ayaa ka taliya miyiga Koonfurta Soomaaliya.
Xiridda Roobow
Mukhtar Robow waxay ciidamada Itoobbiya ee Baydhabo oo amar ka watay DFS xireen 13.12.2018. Marka la soo xiray wuxuu ahaa musharrax buuxiyay shuruudihii looga baahnaa wuxuuna ahaa ninka ugu horreyo oo ka hela Guddiga Doorashada shahaadada musharraxnimo 5.11.2018.
Haseyeeshee, Dowladda Federaalka (DF) waxay shaacisay arrimahan:
- In Roobow uusan buuxin shururrdihii musharraxa. Taas waxaa beeninaysa shahadada uu guddiga.
- Mar kale waxaa la sheegay inuusan xitaa buuxin shurrudaha tawbad-keenka. Waxaa la yaab leh inay DF sidaas tiraahdo iyadoo Roobow heshhis la gashay, siisay baasabboor diblomaasi ah, maalgelisayna sasfarro dalka dibaddiisa ah (Jabuuti, Sacuudiga, iwm).
Dowladda inkastooy gaartay ujeeddadeedi dhaweed, in kursiga gobolka uu ku fariisto Ruux Usha Loo Dhiibtay Laga Qaadan Karo, waxay dhexdabbaalatay shiddooyin fara badan.
- Ugu horrayntii waxay lumisay kalasoonida shacbiga Koonfur Galbeed oo ay adag tahay inay soo ceshato inta maamulka lagu tallaalay gobolka uu jiro.
- Waxaa iscasilay wasiirka Hawlaha Guud oo miisaan lahaa.
- Waxaa la erisay Wakiilka QM mawqifka uu ka qaatay arrimahan: xiritaanka Roobow, dilka 15 iyo ruux iyo caabburinta ay hay’adaha amniga ay ku kaceen.
- Xarigga Roobow wuxuu cabsi ku abuuray xubnaha Al Shabaab oo isu dhiibi lahaa DFS.
Maxaa Ku Kallifay DFS inay Sidaas u Dhaqanto?
Dowladda Federaalka kaddib marka ay dhibaato kala kulantay hoggaamiye goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxay ku dhaqaaqday inay faraggeliso doorashayoonka gobollada soo haray oo ay ka samaysato hoggaan hayin ah. Inkastoo Koonfur Galbeed uu noqday midka uu ku daatay dhiig badan, haddana DF waxay faraggelisay gobollada Galmudug iyo Hirshabeelle. Waxay dedejisay matilaadda Banaadir si ay uga hortagto maamullada gadooday.
Cawaaqibta
Mukhtaar Roobow waa aqoonyahan karti iyo hufanaan leh, codkar ah, lehna haybad-hoggaamiye oo dadka soo jiidato. Shacabka Koonfur Galbeed wuxuu u arkaa Roobow inuu yahay dhibbane cadaalad u baahan, gobolkana inuu yahay mid xaqiran oo aan hoggaaan hufan lahayn.
Haseyeeshee, dadweynaha Koonfur Galbeed kuma raacin tilmaamahan keliya, balse waxaa weheliya kuwa kale oo ay ka mid yihiin:
- In Al Shabaab uu matilayo caqabada hortaagan ammaanka, xorriyada, ganacsiga, iyo safarrada.
- Al shabaab wuxuu dadka ka qaadaa baad iyo canshuur, degmooyinkii ka dhiidhiyana wuxuu ku sameeyaa go’doomin (Blockade) buuxda oo qaadta sanooyin.
Shacabka wuxuu aaminsan yahay in Roobow – oo waqtigiisiu ammaan kusoo rogay gobolladaas – uu yahay hoggaamiyaha keliya oo jebin karaa Al Shabaab, Koonfur Galbeed-na samatabixin kara.
Axmed Q. Cali
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.