Saturday, September 25, 2021
Home Diblomaasiyadda Tababbarka Eritrea - Ma Arrin Runteeda aan Laga Sal Gaarinbaa?

Tababbarka Eritrea – Ma Arrin Runteeda aan Laga Sal Gaarinbaa?

Toddobaadkii dhawaa Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo sannadkan hoorraantiisii si rasmi ah u shaaciyey in dalka Eritrea ay jiraan dufcooyin ka tirsan ciidan loo tababarayo difaaca qaranka ayaa markale xaqiijiyey. Wixii ka dambeeyey duullaankii ciidammada Itoobbiya ee gobolka Tigray waxaa soo kordhayay ku-tiri-ku-teen sheegaysa in ciidammadii lagu tababbarayay Eritrea ay ka qaybgaleen kuna la’deen dagaalkaas.

Warbixintii Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM e bishan horraanteedi la soo saaray ayaa xustay in ciidamo Soomaali ah ay ka qayb qaateen aagga magaalada taariikhiga ah ee Aksum oo ku dhaw soohdinta Itoobbiya iyo Eritrea. Warbixinta QM toos uma eedayn DFS, oo la ogyahay inay dhexdhexaad ka ahayd dagaalkaas, balse hadalka wuxuu u dhacayay in Eritrea ay gelisay layliyada dagaalkaas.

Haddaba waxaa isweydiin u baahan, maxay Soomaaliya uga baahatay Eritrea haddii ciidamadeedu ay tababbaraan Mareykanka, UK iyo Turkigaba?

Jamhuriyadda oo wareysi toos ah la yeelatay Janan Maxamed Cali Sharmaan oo ka mid ahaa sarkaalkiishii lagu aasaasay Xoogga Dalka Soomaaliyeed (Abril 1960) kalana shaqaynayey beesha caalamka dhismaha tayeenta iyo qalabeynta ciidanka ayaa yiri, “Reer galbeedku marnaba ma doonayn [shalay iyo maantaba] in Soomaaliya ay yeelato ciidan cudud leh.” 

Marka xiga, Soomaaliya waxaa dulsaaran tan iyo 1992 cunaqabatayn wiiqday awoodda hubeed ee ciidamada dalka. Sideedaba, tababbar ciidan waxuu ku guulaystaa iskaashi laba geesood ah sida midkii Soomaaliya ay 1960 ilaa 1990 la lahaan jirtay Midowga Sofyeeti, Mareykanka, Masar iyo Talyaaniga.

Wax yar kaddib markii Eritrea, Itoobbiya iyo Soomaaliya ku heshiiyeen iskaashi goboleed seddax geesood ah ayaa Eritrea ugu deeqday Soomaaliya inay ka taakulayso la dagaallanka argaggixisada una soo tababbarto ciidaan ku xeeldheer dagaallada jabhadaynta (guerrillia warfare).

Ciidamadda tababbarka Eritrea ku qaata tiiraddooda runta ah marna lama shaacin, balse ilo lafaguray arrinkan waxay sheegeen in dufcadii ugu horreesay ay ahayd qiyaas dhan 5000, oo la diray August 2019 [Goobjoog iyo VOA – Galka Baarista 16/2/2021].

Waxa ku korday lama yaqaan inkastoo warar aan sugnayn sheegayaan 5500 illaa 7000.  Goobjoog waxuu qoray in qoorshaha tababbarka loo xilsaaray NISA. Malaha waa waxa ka dhigay wax waliba oo khuseeya tababbarka in la maldaho laga billaabo tirada layliyada.

Su’aasha taagan ayaa ah, yuu hoos yimaad hoggaanka xidhiidhka tababbarka ciidammada Eritrea ku maqan? Maxaase shacabka iyo waliddiintaba runta loogu sheegi la’yahay?

Wasiir Dubbe war-saxaafadeedkii June 10, 2021 waxuu ku sheegay in tababbarradu ay yihiin sir qaran, ciidankana ka weyn yahay wax la siyaasadeeyo, wuxuuna uga digay in arrinka loo adeegdsado in dadweynaha laga weeciyo duullaanka ay Kenya kusoo qaadday gobolka Gedo!

Kolka hore wasiirka wuxuu illaabay inay hooyooyin ka welwelsan ubadkoodi oo u baahan in qalbigooda loo qaboojiyo aysan weydiisan sir dawladeed, mana aha sir in loo sheego xaalka ubadkooda. Tacadiga waxaa iska leh dowladda ka gaabisay ilaa arrinku gaaro waddooyinka.

Dabcan wasiirka hadalkiisa wuxuu ku socday siyaasiyiinta mucaaradka oo mar kasta diyaar u ah inay wax kastoo dhacaba ay ku jirto illinta hooyooyinkii barooranaayay tunka ka saaraan Farmaajo. Maahmaah reer Zaambiya ah ayaa oranaysa: Rida Ma Saarnaateen Saqafka Aqalka Haddusan Guriga Soo dumin!

Haddii dowladda ay u sheeegi lahayd waaliddiinta layliyada xaaladda ubadkooda oo ay xaq u leeyihiin, wax la siyaasadeeyaaba ma jireen. Wasiirka kuma soo bixin nin xikmad leh markuu ku sheegay ujeeddada baroorta waaliddinta wax ka weecinaaya dadweynaha “xasuuqa Gedo”.

Dhinaca kale, aamusnaanta mar bay dembi tahay. Sidaas awgeed DFS waxay u baahan tahay inay abuurto xafiis si joogta ah u qancin kara waaliddiinta ku jahwareersan jawaab la’aanteeda iyo ololaha siyaasiyiinta mucaaradkaba. Wararka warbaahinta Dalka ee sheegayaan in Ra’iisulwasaare uu aadi doono Eritrea iyo guddiga la dhisayba waa tilaabo horumar ah, balse lala soo raagay.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Xukunka Maxkamadda ICJ Xageebuu u iilan Doonaa?

AbdulQadir Cariif Qaasim Xukunka dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya oo in muddo ah la sugayey ayuu Sebtember 20,...

Waa Maxay Ujeeddada Ka Dambeysa Duullaanka Lagu Beegsanayo Jiritaanka Sirdoonka Qaranka?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Fahad Yaasiin iyo Hay’adda Nabadsugida NISA ayaa wajahaya duulaamo siyaasadeed iyo mid sirdoon oo uga imanaya...

In Escalation over Submarine Deal, France Recalls Envoys from U.S. and Australia

By John Irish and Colin Packham, David Brunnstrom, & Humeyra Pamuk PARIS/CANBERRA/WASHINGTON, Sept 17 (Reuters) - France plunged into an unprecedented diplomatic crisis with the...

Muuse Suudi iyo Dottor Dufle oo Doorasho Hufan ku Harqiyey Rajadii Daaci iyo Tarzan

Tafiftiraha Jamhuriyadda Badanaa ciyaaraha kubadda cagta ayaa ka dhaliya bulshada dhexdheeda muran kulul oo socda bilooyin. Marka laga...

Recent Comments

%d bloggers like this: