Thursday, November 30, 2023
Home Diblomaasiyadda Muxuu Uhuru Kenyatta Gooni Ugula Faqay Erdogan Maxaase Farmaajo Ka Baajiyey Madasha?

Muxuu Uhuru Kenyatta Gooni Ugula Faqay Erdogan Maxaase Farmaajo Ka Baajiyey Madasha?

Madasha Diblomaasiyadda “Antalya Diplomacy Forum” oo seddax maalmood ka socotay magaalada Antalya ee Turkiga 18kii ilaa 20kii June, ayaa waxyaabaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa horumarka ka dhacaya adduunka, la dagaallanka takoorka iyo xagjirnimada, dagaalka caalamka uu kula jiro argaggixisada iwm. 

Diblomaasiyadda waa aalad siyaasadeed oo aan laga maarmin, gaar ahaan xilliyada adag. Waxaase hadal hayn ka dhalatay diblomaasiyadda maldahan ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku dabayey Madaxweynaha Turkiga iyo baaqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo xilli Soomaaliya ay u baahan tahay inay dunida hordhigto cadaadiska iyo faraggelin kaga socda dhinacya badan. Soomaaliya waxaa ku matalaayay Anatalya Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda.

Haddaba waxaa isweydiin u baahan, maxaa sababay in Farmaajo uu ka baaqdo madasha sidaas muhiimka u ah, maxaase lagu soo qaaday kulanka Erdogan iyo Uhuru Kenyatta?

Ma cadda in wadahadallada Erdogan iyo Uhuru Kenyatta u horseedi doonaan Kenya iyo Soomaaliya is-faham hor leh, balse Kenya waxaa ku taagan garta dacwada badda. Malaha waxay rabi lahayd in Turkigu gacan ku siiyo waan waan ay Soomaaliya kula qaybsato khayraadka ku jira aaga badda.

Dabcan wadahadalladu kama marneyn ciidamada Turkiga u tababarayso Soomaaliya oo beddeli doono kuwa AMISOM. Kenya waxay saluugsan tahay habka Qadar u daadihineyso wadaxaajoodka kala dhexeeya Soomaaliya.

Fagaaruhu wuxuu ahaa madal fool-ka-fool ah oo caalami ah Farmaajana uu kusoo bandhigi karay kartidiisa diblomaasiyadeed. Shirka waxaa lagu martiggeliyey dad kor u dhaafay kun qof waxaana ka soo qaybgalay 10 madaxweyne, 42 wasiirro arrimo dibedeed, seddax hoggaamiyeyaal hore, 50 wakiillo ka socda ururrada caalamiga ah iyo waxgarad ka kala yimid daafaha dunida.

Wargeysyada dalka iyo baraha bulshada oo qaadaadhigay arrinka Farmaajo ayaa ku tilmaamay in dhowr arrimood ay sabab u noqon karaan baaqashadiisa: (1) Xaaladda siyaasadeed ee dalka; (2) Doorashooyin dalka u jiheystay; (3) Xiisada tababbarka Eritrea. 

Nasiibdarro, mala-awaalku ma yareen wuxuuse ahaa mid xaqiiqda ka fog. Kolka hore si rasmi ah Villa Somalia uma shaacin in madaxweynuhuu uu socdaal ku tegi doono Turkiga. Marka xiga xilliga lagu jiro waa mid khatar caafimaad leh iyadoo aan weli la xakamadeen caabuqii Covid-19.  Ugu dambeyn, waddanku ma awooddo inuu u kireeyo madaxweynihiisa diyaarad u gaar ah.

Iyadoo intaba jiraan, ayaa ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Jamhuriyadda u sheegeen in Maxkamadda ICJ ay soo saari doonto dhawaan go’aankii dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya. Weliba waxaa la filayaa in garta ay Soomaaliya ku guulaysato.

Isku soo duub, waxaa jira dawladdo lagu tirinaayo saaxib oo usoo jeediyay Soomaaliya talooyin aan maangal ahayn. Sidaas daraaddeed, Farmaajo waxuu ka fogaanayaa: (b) Kulan fool-ka-fool ah oo Uhuru siinaya fursaddii ugu dambeysay ka hor xukunka Maxkamadda ICJ; iyo (t) Wixii fursad siin kara eedeynta mucaaradka xilliga doorashada.

Walow, dhexdhexaadinta Qadar ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka madaxbannaan tahay hannaanka Maxkamadda ICJ, haddana Kenya waxay doonaysaa inay dunida ka dhaadhiciso in xidhiidhka labada dal uu u kacsan yahay muranka badda taas oo sare u qaadi doonto fursad ay Golaha Amniga QM kusoo faragelin karaa go’aanka Maxkamadda ICJ.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments