Horumarka muuqda ee Ra’iisulwasaare Maxamed Xusein Rooble uu ka gaaray u diyaargarowga doorashooyinka ayaa tilmaam u ah in doorashadii dadbaneed goor dhaw la gudogali doono.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Maxkamadda ICJ ay soo saari doonto dhawaan go’aankii garta dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin taariikhda doorashada madaxweynaha, haddana waxaa laga yaabaa in go’aanka dacwada uu kusoo beegmo xilliga ololaha doorashada.
Haddaba, haddii natiijada dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya ay u iilato dhinaca Soomaaliya, ma laga yaabaa inay saamayn ku yeelato doorashada madaxweynaha?
Mucaardka Soomaaliya ayaa aad uga walaacsan xilliga go’aanka garta maxkamada ku soo beegmi karo, taasoo wiiqi karta fursadahooda guusha.
Dacwadda badda Soomaaliya iyo Biyo-xidheenka Itoobbiya ayaa ah turub (kaar) siyaasadeed oo ay ololaha doorashadda u isticmaalayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Abiy Axmed.
Iskaashi Nugul
Musharraxiinta mucaaradka waxaa hormuud u ah madaxweyneyaashii hore, waxaana ku jira ra’iisulwasaareyaal iyo dad magac ku dhex leh bulshada, haddana ilaa hadda isbahaysigu kama dhex muuqato midnimo si kastaba ha u taalee.
Farmaajo, walow dhibco ay ka lumeen siddeeddii biloodoo ee dambe, waxuu hadda bulshada dhexdeeda ku leeyahay kalsooni weyn marka la barbardhigo kuwa la tartamaya. Intooda yar ee la loolami karta waxaa lugta ku dheggan dhaqanka isluggoonta ee ka dhexeeya musharrixiinta.
Inkastoo uu si rasmi ah ugu dhawaaqin musharraxnimadiisa, haddana Farmaajo waxuu doonayaa in markale la doorto. Balse, Soomaali dhaqan-siyaasadeed uma laha in madaxweyne xilhaya dib loo doorto. Sidaas oo ay tahay waxaa adkaan doonto si looga guulaysto ilaa mucaaradka uu meel iska dhigo danta gaar.
Jiilaalkii dhawaa (2021) ayaa mucaaradka oo awooddooda isku biirsaday isku dayey inay Farmaajo ka eryaan madaxtooyada dalka doorasha la’aan. Balse riyadaas wey dhicisowday.
Qarsoodi ma aha in dalalka Jabuuti, Kenya, Imaaraadka, Masar iyo Midowga Yurub ay u ololeynayaan in Farmaajo uusan dib ugu soo laaban Villa Somalia.
Saameynta Natiijada
Dhinca kale, Soomaaliya ayaa March 2021 soo gabaggabaysay garnaqsigeedii “doodda afka” ee dacwada badda, inkastoo Kenya ay go’aansatay inay qaaddacdo dheggeysiga dacwada.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka fursan waayay in August 2014 uu Maxkamadda ICJ horgeyo dacwad kaddib markii wadahadal quursi iyo qaddarin-darro ah laysku mari waayey.
Ilo wargaleen ah ayaa sheegaya in Kenya ay kula gorgortantay Xasan Sheikh in Soomaaliya ay qaadato boqolkii toban (10%) kheyraadka aaggaas, taas oo uu ku gacansayray.
Febraayo 2dii, 2017 Kenya ay ku guuldareysatay dacwadii hor u dhaca ahayd, haddana Xasan Sheikh oo guusha u isticmaalay ololihiisii dib-u-doorashada xafiiska waxbana kuma dheefin.
Kenya iyo shirkadaha shidaalka ENI Energy (Talyaani) iyo Total (Faransiis) ayaa gacan ku lahaa in Xasan Sheikh dib loo dooran balse, ma ogayn in Soomaaliya ay dooran doonto Farmaajo oo mawqifkiisa xagga badda uu ka sii mitidsan yahay.
Maanta waxay u muuqataa in Kenya ay dib u liqi doonto qorshaheeda isballaarinta. Warbaahinteeda ayaa bilaawday inay dalka u diyaariso guusha oo ka iilata. Halka siyaasiyiinta ay u sheegayaan muwaadiniintooda warar xaqiiqada ka fog, sida inay Soomaaliya ka heli doonaan ribix qaybsi lixaad leh (bar ka bar).
Haddaba haddii garta Maxkamadda ICJ u iilato dhanka Soomaaliya madaxweynaha xilka haya [Farmaajo] ma heli doonaa fursad kale oo uu dalka ku sii hoggaamiyo, mise mucaaradka aan mabda’ ku mideesneyn ayaa hoggaanka dalka qaban doono?
Cabdulqaadir Cariif iyo Burhan Rooble
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.