Saturday, June 3, 2023
Home Dib U Eegis Buug Taariikh Nololeedka: Ijaaba Sheegow (Igiaba Scego)

Taariikh Nololeedka: Ijaaba Sheegow (Igiaba Scego)

Ijaaba waxay ku dhalatay Roma, dalka Talyaaniga 1974. Waxaa dhalay waalid Soomaali ah oo magangalyo siyaasadeed ku joogay dalka Talyaaniga kaddiib afgembigii askareed ee 1969kii. Waxay hantiday shahaadada PhD Cilmiga Waxbarista, Jaamacadda Roma 3aad iyadoo horey ka soo baxday kulliyada Afafka Shisheeye ee Jaamacadda “La Sapienza” ee Roma. Ijaaba waa gabar aqoonyahan can ah kuna hadasha afaf badan.

Waxay ka dhalatay qoyskii Xaaji Cumar Sheegow (AUN) oo aad can u ahaa misna taariikhdiisa ay ahammiyad gaar ah u leedaahay koonfurta Soomaaliya. Nasiibdarro, qoyskaas, sida qoysas badan oo Soomaali ah, wuu kala firdhay afgembigii 1969kii iyo dagaalkii sokeeye kaddib. Qoyska Sheegow xubnihiisa waxaa ka mid ahaa siyaasiyiin, indheergarato, iyo aqoonyahanno, lab iyo dheddigba, ku xeeldheer faracyo badan ee  aqoonta oo ay ugu adeegeen Qaranka.

Ijaabo waxay ku dhalatay, ku kortay, wax ku baratay dalka Talyaniga; waxa ka soocaya Talyaaniga kale waa :  b. diirkeeda marriinka ah, misna gabadh ah, iyo t. waalidkeedoo ka yimid dal uu Talyaaniga guumaysan jiray isagoo dagaal ku qabasaday kana talin jiray 70 sano.

Labadan arrimood waa laba boogoo danqanaya waana labada injin oo kaxaynaaya suugaanteeda  oo hor iyo horraan ku socota waxgaradka Talyaaniga oo illaabay ama isillawsiinaya taariikhda marka ay ka hadlayaan qaxootiga, balse daba-qabsanayo durbaanka xisbiyada dhagarta ka marin-habaabiyo dadweynha runta ka dambaysa hirka qaxootiga Afrika, gaar ahaan kuwa shucuubta uu Talyaanigu gumaystay  ee Geeska Afrika.

Qoonkani waxay dafirayaan in Talyaaniga uu ku qabsaday dalalkaas dagaal, askar iyo hub maatada lagu xasuuqay oo uu  adeegsaday.  Xaqiiqdu waa: Talyaanigu doon  liicaysa kuma tagin Afrika, fiisana uma qaadan toddobaatan sanana wuu gumaysanayay!  

Waddaama reer Yurub oo dalalka Afrika gumaystay waxaa ka furmay dagaal-weynihii 2aad kaddib doodo dheer oo lagu falanqeeyay dhibaatada loo geystay iyo dembiyada laga galay shucuubta Afrika, haseyeeshee Talyaaniga  waa dal is-illowsiiyay inuu xasuuq iyo gumaysi gestay oo ku gabbanaya oraahda caanka ah oo Talyaaniga uu isku sifeeyo: Italiani, brava gente! (Talyaanigu waa dad fariid ah).

Ijaaba taariikhda gumaysiga Talyaaniga kelya ma baarto, balse waxay bannaanka soo dhigtaa saamaynta taariikhdiisa ay ku leedahay takoorka diirka madow waxaa kaloo ay  muujisaa saameynta u gaarka ah dumarka diirka madow.

Ijaabo qoraalladeeeda iyo buugaagteedaba waxay farriin adag u sidaan waxgaradka Soomaaliyeed oo aad mooddo inay ku hawlan yihiin keliya siyaasadda dibudhiska qaranka balse gabaya waajibka ka saaran inay waddada u ifiyaan mustaqbalka dadweynaha iyo casharrada taariikhda dalka lagala soo bixi karo.

Ijabo hayaankeeda waxbarasho, sida ay qiratay, waxaa dowr weyn ku yeeshay indhahana u furay aragtideedana ballariyay sanooyinki ay sided iyo sagaal jir ahayd ooy joogtay Xamar, iyo safarradii ay ku tagi jirtay waqtiga dugsiyada fasax ay yihiin.

Ijaaba qoraa keliya ma aha balse waa suxufiyad can ah. Qoraalladeeda waxay ku soo baxaan wargaysyada waaweyn sida: La Repubblica, Il Manifesto, L’Unita, L’Espresso, iwm. Ijaabo waxay qaadatay abaalmarinno qiimo leh, waxaana lagu tiriyaa qoraayaasha ugu mihiimsan ee dalka Talyaaniga.

Tirada qoraallada Ijaaba aad bay u fara badan yihiin. Sidaas daraadded halkan laguma soo koobi karo balse waxaan u daynayanaa akhristaha inuu iskiisa u baaro. Buugaagteeda waxaa loo turjumay afaf badan.

Buugaagteeda waxaan ka xusaynaa keliya saddex, kuwooda ah sheekooyinka (Novels) taariikhi ah oo mudnaan gaar ah u leh akhristayaasheenna.

  • Oltre Babilonia (2008, 459 bog) , oo af-ingirriska u turjuman, Novel  (Beyond Babylonia 2019);
  • La Linea del Colore, Novel (2020, 318 bog), tarjumadiisa af-ingiriiska  soo dhawdaha,
  • Adua (2017, 185 bog), af-ingiriiskana loo turjumay, Novel (2017, 185 bog).

Goor aad u dhaw buuggeeda ADUA ayaan falanqaystiisa kusoo bixi doontaa Jamhuuriyadda.

Axmed Qaasim Cali

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments