Adua wuxuu dalka Talyaaniga ka yahay magac gabdheed, waana magaca tuulo (Adwa) oo ku taal gobolka Tigray oo ah halka 1886-kii ay Itoobbiya ku jabisay ciidamada Talyaaniga. Fashiistada oo magacan billaabay waxay ula jeedeen aargoosi. Kassoo dhacay 1935-1936 oo Mussolini uu ku qabsaday Itoobbiya hub adduunka ka reebban.
Ijaaba waxay ka dhawaajinaysaa aabbe inantiisa u sheegaya qiimaha magaceeda: “Waxay ahayd inaad iigu mahadnaqdid, waxaan ku siiyay magaca guushii ugu horraysay ooy Afrika ka dhalisay imbiriyaaliyadda.”
Sheekada buugga [Adua (Adwa), Igiaba Scego (Ijaaba Sheegow), New Vessel Press, 2017, 185 bog] waxay saamaysaa saddex jiil iyo muddo qarni ah, haseeyeeshee, udub dhexaadka sheekada waa Adua iyo aabbeheeda Maxamed Cali Zoppe (Zoobbe).
Adua hooyadeeda umusha ayay ku geeriyootay. Iyada iyo walaasheeda waxaa loo waday miyiga ooy ugu noolaayeen sida xooladhaqatada.
Toddoba jirka ayaa loogu sheegay in aabe iyo hooyo aysan ahayn waalidkooda dhabta ah. Adua marna ma oggolaan aabbaheeda cusub, cuqdada ay ka qaadday dhacdadaas waxay noqotay derbi ku dhex-dadban iyada iyo aabbeheda.
Zoobbe wuxuu u ahaa Turjumaan maamulka Talyaaniga wuxuuna ahaa nin afaf badan ku hadla aqoon qota dheerna leh, balse taasi kama dhigin aabbe wanaagsan.
Adua iyo walaasheeda waxaa loo raray beled magaciisu yahay Magaalo oo ay ka dhigteen dugsi kuna noolaayeen nolol reer magaalo.
Adua waxay jamatay nolosha jilayaasha siinamada, waxayna go’aansatay inay ka cararto dalka si ay u noqoto qalanja can ah.
Adua iyadoo 17 jir ayay reerkeeda ka tagtay waxayna ka dhacday Roma oo riyadeeda jilaannimo ay ku hungowday.
Adua waxay sheekadeeda u tebinaysaa maroodiga taallada Bernini oo ku taal barxad can ah ee Roma. Adua yaraanteedi waxay u baahnayd kalgacayl, markay dhallinyarannimo gaartayna waxay u baahnayd qof la taliya oo ku hago tubta toosan si ay u qaadato go’aammo sax ah, nasiibdarro, ma aysna helin. Adua oo gaamurtay waxay door bidday ina u calacasho maroodiga marmarka ah.
Adua markay da’ yarayd hammigeeda oo qura wuxuu ahaa inay ka xorowdo qoyskeeda kharriban iyo waalid amarkutaagle ah oo xitaa kalgacaylki iyo is-fahamki aabbihii kuso koriyay kari waayay.
Inantu waxay rabtay inay noqoto sida Marilyn Monroe. “Waxaan rabay nalalka [masraxa], is-qurxinta [xiddigaha siinamada], qadiifadaha cas [la ii fidiyo], dhonkashooyin xiiso leh.”
Halka ay ka xoroobi lahayd, iyadoo da’yar, waxay gacanta u gashay qoys dhiigmiirad ah oo nolol ka kadeed daran kay kasoo carartay baday.
Qax iyo midabtakoor quursigu u dheer yahay ayay la kulantay. Marka ay fahamtayna waa maray goori goor dhaaftay oo dhalaalkeedi, dhallinyaradeeda, iyo waxay u kaydin lahayd qofka ay jaclaan doonto ay dayacmeen dibna loo soo celin karin.
Si sidaas barbaro la ah Zoobbe noloshii oo idil wuxuu baadi- goobayay inu ka xoroobo inuu gacanta u hoorsado maamulka gumaysiga eelkiisa baday midabtakoor iyo quursi oo ay bahdalaad joogta ah weheliso.
Muddada uu joogay Walaayada (Rooma) wuxuu la kulmay cadaab iyo dulli. Haseyeeshee, riyadiisi inuu helo dhaqaalihii xorayn lahaa waxaa caqabad joogta ah ku noqday dagaalkii gumaystaha iyo ka aargoosigiisa Afrika jabkii nus qarni ka hor.
Ijaaba buggan waxay ku xusaysaa oraahdan “U sheeg sheekadaada, sida ugu wanaagsan ood u gudbin kartid.” Waxay sheekadan u qortay iyadoo marna runta, si kastooy u kharaar tahay, aan ka gabbanayn misna u tebinayso si dheellitiran oon marna u gudbayn dhanka xad-dhaafka.
Ijaabo waa qoraa gaamuray oo sheeko iyo dhacda kastoo adag u tebin karta hab saani ah misna xiiso leh. Cutubyada buugga waxaa ku daran-doorrinaya inanta iyo aabbeheed, Adua iyo Zoobbe.
Ijaaba tiraabteeda sida xarragada leh u qoran oo marna heerkulkeedu dhamac yahay maka ay doontana neecaw qabow ah, balse muujinaysa sida tagtadii gumaysiga eelkeeda u horyaallo kuwa shalay kasoo qaxay dalkii hooyo misna Yurub kula kulmay cawaaqibteedi oo taagan. Naari meel qaboobban ma laha, iyadoon tagtadaas lala xisaabtamin.
Axmed Qaasim Cali