Saturday, July 24, 2021
Home Diblomaasiyadda Guusha Ra'iisulwasaare Abiy Axmed Maxay Uga Dhigan Tahay Farmaajo?

Guusha Ra’iisulwasaare Abiy Axmed Maxay Uga Dhigan Tahay Farmaajo?

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Guddiga Doorashooyinka Itoobbiya ayaa ku dhawaaqay in xisbiga “Prosperity Party” uu ku guuleystay 400 kursi oo ka mid ah 436da kursi ee baarlamaanka, taasoo xaqiijinaysa in Abiy Axmed uu noqodo markii labaad ra’iisulwasaaraha Itoobbiya ee shanta sano ee soo socota.

Doorashada oo dhacday Isniintii June 21, 2021 waxaa ku tartamayey ilaa labatameeyo xisbi. Mucaaradka waxay heleen 11 kursi keliya kaddib markii  xisbiga gobolka Oromada oo ah maamul-goboleedka ugu ballaaran Itoobbiya uu qaaddacay doorashada.

Waxaa mar labaad lagu celin doonaa doorashada 10 degmo dibna loo tirin doono 3 kale iyadoo markii ugu horreysay taariikhda Soomaalidu ka heshay Addis Ababa xildhibaanad.

Ilaa 38 malyan oo qof ayaa loo diiwan geliyey inay codeeyaan, inkastoo qaar badan aysan dhiibin codkooda caqabado la xiriira logistic-da iyo amniga awgood.

Boqol iyo labo degaan doorasho oo ka mid ahaa 637 degmo ee dalka ayaa dib loo dhigay, kuwaas oo badankooda doorashadu ka dhici doonto September 6, 2021. Balse 38da gobolka Tigray waxay dib u dhici doonaan waqti aan la cayimin.

Barlamaanka Itoobbiya waxuu ka kooban yahay 547 kursi dib u dhigistana waxay saameyn doontaa doorashooyinka 111 kursi. Sideedaba, doorashada qof iyo cod waxay damaanad qaadaa in awoodda dib loogu celiyo gacanta dadweynaha, taas oo si ulakac ah loo seejiyey Soomaaliya.

Inkastoo doorashada la qabtay xilli Itoobbiya uu ka taagan yahay iska horimaad u dhexeeya dowladda dhexe iyo tan gobolka Tigray taasoo dhaawacday sumcadda caalamka ee Abiy, haddana waxay ahayd doorashadii ugu horreysay ee ra’iisulwasaaraha uu hortago codbixiyeyaasha tan iyo 2018kii.

Ka baaqashada Midowga Yurub kormeerka doorashada dimuqraadiga ah waxay xaqiijineysaa maskaxda guumeystaha iyo laba wajilannimada ku dhaleeceynta Itoobbiya inay ku guuldareysatay damaanad qaadista madaxbannaanida codbixinta.

Madaxa Ergada Midowga Afrika ee Kormeerayaasha doorashada Itoobbiya Olusegun Obasanjo oo ka warbixinayey natiijooyinka kooxdiisa ka koobneed 120 kormeerayaal ay ka soo saartay codbixinta ayaa yiri, “doorashadii waxaa loo qabtay si habsami, nabad iyo kalsooni leh.”

Addisu Lashitew oo ka tirsan the Brookings Institution in Washington ayaa yiri, “Xitaa xoogaa yar oo matalaad mucaarad ah ee baarlamaanka waxay noqoneysaa horumar waxayna ka badbaadin kartaa [Itoobbiya] xasillooni darra mustaqbalka.”

Ra’iisulwasaare Abiy markii uu la wareegay awoodda dalka waxuu oodda ka qaaday maxaabbiistii siyaasadda, gacanta ku dhigay saraakiil lagu eedeeyay xadgudubyo xuquuqda aadanaha, oggolaadayna madaxbannaanida warbaahinta.

Haseyeeshee, dibuhabeentiisii waxaa ka horyimid xisbiga TPLF oo 30kii sanadood ee la soo dhaafay hoggaaminayey siyaasadda Itoobbiya, balse la filayo inuu darsi ka barantay khaladaadkiisii. 

Dib u gurushada ciidamada iyo ku dhawaaqista xukuumada xabad joojin hal dhinac ah waxay ka dhalatay culayska Addis Ababa ay kala kulantay Washington, taas oo guul dhalanteed ah lagu siinayey haraadiga TPLF si loo helo xilli xasilloon iyo wadaxaajood siyaasadeedba. Balse, guusha Abiy waxay fursad cusub siineysaa isbahaysiga Geeska Afrika. 

Guud ahaan gobolka waa meel colaado aan wax badan laga fahmin ka jiraan, iyo dhibaatooyin isku miliqsan oo ay hadheeyeen caqabadihii horey ee gumeysigii iyo kuwa cusub ee dagaalka qabow amaseba kan xag-jirka kuwaas oo qayb ahaan qiil u siinaya baahida loo qabo isbahaysi goboleed. 

Seddax sano ka hore (September 2018), dalalka Itoobbiya, Eritrea iyo Soomaaliya waxaa ka dhacday dabayl barwaaqo iyo diihaal wada sidata, taasoo daaha ka rogtay waa cusub oo soo bandhigay sida xidhiidhka hagaagsan ee dhexmaray dalalka Geeska Afrika uu dib ugu qaabeyn karo horumarka siyaasadda, bulshada, dhaqaalaha iyo amniga gobolka.

Dadaalkaas oo ay Washington qayb ka ahayd waxaa dareensaday Kenya iyo Jabuuti oo ku xujaysan deynta Shiinaha. Haseyeeshee, kol haddii Abiy uu dib u soo laabtay miyeysan tani saadaal hor u dhac ah u ahayn dib u doorashada aragtida Farmaajo?

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Siyaasiga aan Daafici Karin Danaha iyo Amaanka Qaranka Ma u Qalmaa Madaxweyne Soomaaliyeed?

Saciid Cabdisalaam Soomaaliya waxay u baahan tahay siyaasad difaacda danaheeda qaran ee muhiimka ah, kuwaasoo si adag u...

Why US Policy on Ethiopia and Horn of Africa is Flawed

By Yohannes Gedamu The author is a Ph.D. lecturer of Political Science at Georgia Gwinnett College in...

Here’s How Kenya, Somalia Can Restore Ties

By Abdiwahab Sheikh Abdisamad The author is the Executive Director of the Institute for Horn of Africa...

Soomaaliya Xaq Ma u Leedahay Inay Diido Soo Jeedinta Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM?

Cabdulqaadir Cariif Qaasim Waqtiga hawlgalka AMISOM oo ku dhow gabagabo ayaa muran abuuray. Talaadadii July 13, 2021 ayaa...

Recent Comments

%d bloggers like this: