Saturday, September 30, 2023
Home Diblomaasiyadda Soomaaliya Xaq Ma u Leedahay Inay Diido Soo Jeedinta Midowga Afrika ee...

Soomaaliya Xaq Ma u Leedahay Inay Diido Soo Jeedinta Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM?

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Waqtiga hawlgalka AMISOM oo ku dhow gabagabo ayaa muran abuuray. Talaadadii July 13, 2021 ayaa dalalka Burundi, Itoobbiya, Jabuuti, Kenya, iyo Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya muujiyeen inaysan diyaar u ahayn ka bixidda Soomaaliya, inkastoo Qaramada Midoobay ay cayintay inay gebi ahaanba baxaan December 31, 2021.

Mudnaanta kowaad ee Qaramada Midoobay (QM) ayaa ah in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS). Soomaaliya ayaa afartii sanadood ee la soo dhaafay isku diyaarineysay in mar uun gacanta ku dhigto mas’uuliyadda amnigeeda.

Midowga Afrika ayaa damacsan qorshe taas ka duwan kaddib markii ururka oo wajahaya dhaqaale xumo ka dhalatay isbeddel Midowga Yurub uu ku soo rogay hawlgallada nabad ilaalinta qaaradda soo jeediyay 4 qodob oo 3 ka mid ah yihiin seetadheerayn dhaqaale loogu raadinayo AMISOM.

Balse, Soomaaliya oo ka walwalsan mashruuca aan dhammaadka lahayn ee AMISOM una aragto in duulaan lagu yahay madaxbannaanideeda qaranimo ayaa diiday talo soojeedintii Midowga Afrika ee ka duwan mudnaanta QM.

Dib uga gurashadii muddo kordhintii Golaha Shacabka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bilow u noqotay horumar aan la filayn:

(1) Waxaa lagu guulaystay in la xalliyo is-afgarad la’aantii u dhexeysay maamul-goboleedyada qaarkood iyo DFS iyadoo lagu heshiiyey in doorashada lagu qabto 60 maalmood gudahood;

(2) Al-Shabaab, oo khatar ku ah amniga, ayaa waanwaan meel wanaagsan maraysa lala furay; iyo

Soomaaliya waxaa ciidamo taya leh u tababaro dalalka Britain (UK), Eritrea, Mareykan, iyo Turki kuwaas oo isku darka dufcooyinka ay tababareen kor u dhaafayaan 18 kun askar xirfad leh sanadka dhammaadkiisa, gacan weynna ka geysan kara la wareeggista mas’uuliyadda amniga dalka.

Hawlgalka AMISOM waa midka ugu qaaliga badanaa (+ $2 bilyan), uguna dheeraa taariikhda Midowga Afrika. Wax 2007kii ku bilaabmay 1,650 nabad ilaaliyeyaal ayaa isku rogay 22,000 askari.

Dalalka Afrika oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya ayaad mooddaa inay dantooda ku jirto in hawlgalka AMISOM uu noqdo mashuuca joogta ah, taasoo iyaga ugu jirta dheef dhaqaale, helitaan khibrad ciidamo, guul siyasadeed iyo magacba.

Dabcan dal ciidan shisheeye dul fadhiyaan ma noqdo qaran buuxa. Taas ayaa saldhig u ah diidmada u seetadheereynta hawlgal aan 14 sanadood ka soo hooyn argagixisada guul lagu naaloodo. DFS oo fasaxeeda keliya AMISOM ku joogi karto dalka ayey u xaqiiqowday in cudud aan teeda ahayn amni u soo hooyn karin Soomaaliya.

Wax tarka AMISOM ayaa had iyo jeer waxaa ka taagnaa su’aal gaar ahaan markii Kenya, oo Soomaaliya ku soo gashay xoog (military occupation) lagu biiriyay hawlgal u sharciyeynayay xadgudubkeeda

Dhinaca kale, Midowga Yurub oo bixiya gunnoyinka ciidamada AMISOM ayaa duruufaha ka jira adduunka (Covid-19,  iwm) ay saameyeen dhaqaaalahooda taasoo qayb ka ah joojinta maalgelinta hawlgalka, balse aan ka turjumeyn isbeddel siyaasaddeed oo loogu daneynayo Soomaaliya.

Janan Maxamed Cali Sharmaan oo wareysi siiyey Jamhuriyadda kana mid ahaa saraakiihii dhistay ciidamada Xoogga Dalka (1960) ayaa hore u yiri, “Reer Galbeedku [Midowga Yurub] marnaba ma dooneyn in Soomaaliya yeelato ciidan cudud leh” (Jamhuriyadda 11/04/2020).

Waxaase horumar togan u muuqdo war laga soo xigtay Agaasimihii hore ee Golaha Amniga ee Mareykanka oo sheegaya in “Mareykanka uu awood u leeyahay inuu dhiso isbahaysi uu kula shaqeeyo Turkiga, Imaaraadka, Faransiiska iyo dalal kaleba si loo hormariyo [Soomaaliya]” (NIKKEI ASIA 7/7/2021).

Haseyeeshee, shacabka Soomaaliya wuxuu isweydiinayaa sababaha loo joogtaynayo mashruuca AMISOM haddii ciidammada dalka ay muujiyeen sanadahaan dambe inay ka qaban karaan aragaggaxisada hawl ka wanaagsan midda ciidamada AMISOM, balse u baahan yihiin inay helaan hub tayo leh iyo mushaar joogta ah.

Su’aal kaloo meesha ku jirta ayaa ah, muxuu Maraykanka u lulay calanka diidmada qayaxan si uu u muujiyo inuusan oggoolaanayn in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya waqtigan? Ma xasillonida Geeska iyo Bariga Afrika keliyaa mise waa digniin ku socoto Shiinaha, Ruushka iyo Turkiga inaysan usoo xaluulan Geeska Afrika?

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments