Wednesday, April 24, 2024
Home Diblomaasiyadda Joogtaynta AMISOM Soo Maaha Dib Ha Loo Dhigo Hanaqaadka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

Joogtaynta AMISOM Soo Maaha Dib Ha Loo Dhigo Hanaqaadka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Madaxweynaha Kenya oo hoggaaminayo wafdi ballaaran ayaa maalintii Talaadada July 27, 2021 tegay magaalada London. Inkastoo ujeeddada safarka saddexda maalmood ee Uhuru Kenyatta uu ahaa “ka qaybgalka shirka waxbarashada caalamiga ah (Global Education Summit),” haddana Wasiiradda Difaaca Kenya Marwo Monica Juma ayaa dhiggeeda Ben Wallace la saxiisatay “Heshiis Iskaashi Difaac” oo shan sanadood ah. 

Ma cadda cidda Uhuru Kenyatta uu ka gaashaambuursanayo, balse toddobaadkii dhawaa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa durtay talo, in mudda ahba ay daba joogeen dalalka ciidamda ka joogaan Soomaaliya, oo uu guddi madaxbannaan uu soo bandhigay Midowga Afrika.

Kenya waxaa miiska ku rogay baaritaan Midowga Yurub uu ku sameeyey kharashka AMISOM uu ku bixiyo taasoo lagu ogaaday inay 2017kii si qarsoodi ah ugala baxday Soomaaliya qaar ka mid ah askarteeda ku mishaar qaadata AMISOM (Business Daily 27/07/2021).

Hawlgalka Midowga Africa (AMISOM) oo 2007kii ku bilaabmay 1,650 nabad ilaaliyeyaal lana filayay in muddo lix bilood ku dhammaan doono ayaa isku rogay mashruuc aan dhammaad lahayn oo ay dheefsadaan dalalka ciidammo ka joogaan Soomaaliya.

March 2021 ayaa Golaha Amniga ee QM loo soo bandhigay qorshe Soomaaliya raali ka noqotay oo lid ku ah fikrada Midowga Afrika taasoo mashruucii Jubbaland ee Kenya ka dhigeya mid gabagabo ah. Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in cudud militari keliya aysan xal u noqon karin la dagaallanka argaggixisada maanta.

In muddo ahba Kenya waxay dardargelinaysay hab ay ku dheellitirto koboca militeriga Soomaaliya taasoo ku kalliftay inay isbahaysi militeri la gasho dalalka Faransiiska, Masaarida iyo Ingiriiskaba iwm.

Waxay ka walwalsan tahay in ciidamadeeda aysan la jaanqaadi karin Gorgor, Danab iwm, xilli isbaheysigii kala dhaxeeyey Itoobbiyadii TPLF uu meesha ka baxay, Abiy Axmedna uusan dan ka lahayn welibana Soomaaliya ay isgaashanbuursanayaan dalalka Eritrea iyo Itoobbiya. 

Dhawaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS iyo daraawiishta maamul-goboleedyada ayaa Galmudug iyo Hirshabeellaba ka muujiyey kartidooda xirfadeed iyagoo aan kaashaneyn AMISOM. Guushaas ayaa xaqiijinaysa in AMISOM aysan la jaanqaadi karin hiigsiga amniga Soomaaliya iyo himilooyinka dowlad dhiska. 

Soomaaliya waxay ixtiraamaysaa xaqa Kenya ay u leedahay inay iskaashi difaac la gasho cidda ay dooneyso. Balse, farriinta waxay tahay in Shacabka Soomaaliyeed uusan u dulqaadan karin habdhaqanka faraggelinta iyo xadgudubka xuduudeedka.

July 19, 2021 Kenya waxay Midowga Afrika u dirtay codsi (note verbal) ay ku damacsan tahay inay dib u xariiqato soohdin dhuleedka ay la wadaagto Soomaaliya si ay u abuurto muran hor leh. Damaca Nairobi waxuu u muuqdaa inay diidi doonto go’aanka Maxkamada ICJ.

Malaha Kenya ma fahmin in Boqortooyada Midowday (UK) aysan lahayn saaxiibtimo joogta ah balse raacato danteeda. Tobankii sanadood ee la soo dhaafay waxay xidhiidh dhow oo ku qotomo danaheeda la lahayd Soomaaliya. Waxay dalka u tababbareesaa ciidanka cagta oo ku dhow ilaa 600 waxayna qorsheynaysa inay soo dejiyo Soomaaliya ilaa 240 askari oo ka tirsan ciidamadeeda. 

Kenya u ma baahna isbahaysi ciidan oo caalami ah ee waxay u baahan tahay inay deriskeeda kala shaqeyso xal nabadeed si loo xasiliyo ismaandhaafka amase si hufan loo maareyo khilaafka taas oo looga hortegi karo tabta isbeddeleysa ee xagjirta gobolka.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments