Cabdulqaadir Cariif Qaasim
Jimcihii July 30, 2021 ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Maxamed Cabdirisak Maxamuud uu Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika Bankole Adeoye markale u xaqiijiyey diidmada mashruuca soo jeedinaya lix sano oo hor leh (2026) joogtaynta iyo ballaarinta hawlgalka ciidamada AMISOM.
Hawlgalka AMISOM oo bilaabmay January 2007kii lana filayay inuu muddo lix bilood ah ku dhammaado ayaa noqday mashruuc af daloola, kaddib marka ay u idlaatay 15 sano.
Mudnaanta kowaad ee Qaramada Midoobay (QM) iyo DFS ayaa ah in la soo afjaro si mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada amniga Soomaaliya. Balse, Midowga Afrika ayaa meel ka dhac u arkay in Xoghayaha Guud ee QM oo August 2020 u xilsaaray guddi madaxbanaan xaqiiqo raadinta hawlgalka AMISOM uusan ka qaybgelin baarista.
Farqiga u dhexeeya yididdiillooyinka dadweynaha Soomaaliyeed iyo fikradda Midowga Afrika ee joogtaynta hawlgalka ballaaran ee ciidamada AMISOM ayaa kala fog. Ururka oo ka biyaddiiddan falka QM ayaa February 9, 2021 guddi kale u saaray inuu ka soo warbixiyo hawlgalka. Weliba waxuu ku gooddiyi in AMISOM si degdeg ah kaga baxayso Soomaaliya.
Labada warbixinood oo kala duwan ayaa iskaga mid ah caqabadaha hortaagan xasilinta Soomaaliya, waxayse isku khilaafsan yihiin habkii dhibaatada looga bixi lahaa.
Teeda kale waxaa Soomaaliya – shacbi iyo hoggaanba u cuntami karin in ciidamada AMISOM ay ku qaban karaan 6 sano oo hor leh wax ay ku qaban waayeen 15kii sano ay ku sugaayeen dalka.
Dareenka shacabku waxuu yahay: (1) In cudud militeri oo keliya aysan xal u noqon karin tabaha isbeddeleya ee argaggixisada iyo kuwa taageera; (2) In taageerada loo fidiyo Soomaaliya aysan waxba ku ool haddaysan waafaqsaneen mudnaashada iyo baahida dalka; iyo (3) In xal aysan Soomaalida qayb ka ahayn uusan daawo u noqon karin dalka.
Guddiga madaxabannaan ee Midowga Afrika oo baaristiisii sameeyey intii u dhexeysa February ilaa Abril 2021 ayaa iska indhatiray xaqiiqooyinka aasaasiga ah ee xalka u noqon karo dhibaatada.
Inkastoo xasilloonida siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya ay tahay su’aal furan, haddana wixii ka dambeyey May 2021 dalku waxuu ku tillaabsaday horumar togan kaddib markii siyaasaddii cakirnayd laga gaaray is-faham aan horey loo filayn laguna heshiiyey doorashooyinka aqallada baarlamaanka iyo madaxtooyada dalka.
AMISOM laguma eedeyn karo inaysan guudan waajibaadkeedii ahaa ilaalinta xarumaha dowladda, lagamase yaabo in xagjirta si fudud dib ugu qabsadaan dalka sida Midowga Afrika iyo shisheeyuhuba saadaalinayaan.
Si loo helo xeelad suubban oo xaaladda amniga iyo noolasha dadweynaha hagaajisa, loona yareeyo saameynta xoogagga argaggaxisada sida Al Shabaab waxaa lama huraan ah in beesha caalamka ay ka taageerto Soomaaliya dhowr arrimood oo qayb weyn ka noqon kara dib u soo kabashada dalka:
(1) Fidinta adeegyada aasaaska u ah bulshada – biyaha, caafimaadka, waxbarashada, caddaalada, fulinta sharciga iwm.;
(2) Shaqo u abuurista dhallinyarada, iyo dhaqancelinta kuwa laga soo dhashay xoogagga aragaggaxisada; iyo
(3) tayeenta xirfadaha iyo qalabeynta ciidanka amniga (military iyo boliisba).
Soomaalida waxay muddo dheer garwaaqsatay in sida keliya ee nabad lagu soo dabaali karo dalka ay tahay is-afgarad siyaasadeed mana doonayaan colaad hor leh xitaa haddii hab siyaasadeedku uu qaadan karo dhowr sanadood oo dheeri ah si loo gaaro nabad waarta.
Aragtidan waxaa ayidsan Dowladda Qadar oo madaxa ergadeeda ee QM ay caddeeysay in dowladdeeda ay diyaar u tahay adeeg dexdhexaadin DFS iyo Al Shabaab.
Waxaa aad usu soo taraya mawqifka ah in cudud ciidan keliya aysan xal ahayn. Balse, hanjabaadda Midowga Afrika ee ah in AMISOM ay si degdeg ah uga baxayso dalka haddii aan la qaadan taladeeda waxay u muuqataa in ururku [Midowga Afrika] uusan waxba ka baran taariikhda Soomaaliya si uu u yareeyo khatarta mustaqbalka.
Rabitaanka shacabka Soomaalida oo laga horyimaad waxaa ku lug go’ay himiladii maamulkii George W. Bush ee adeegsanayey Itoobbiyadii TPLFta Meles Zenawi waxaana laga dhaxlay xagjirta maarada loo la’yahay. Mar kale dunida ma waxay lumin doontaa fursad ay Soomaaliya ku hanaqaaddo bilow cusub?
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.