Thursday, April 25, 2024
Home Diblomaasiyadda Rooble oo Dhexda u Gallay Dabaakh Diblomaasiyadeedka u Dhaxeeya Farmaajo iyo Uhuru!

Rooble oo Dhexda u Gallay Dabaakh Diblomaasiyadeedka u Dhaxeeya Farmaajo iyo Uhuru!

AbdulQadir Cariif Qaasim

Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Maxamed Xuseen Rooble ayaa Talaadadii August 10, 2021 booqasho u muuqata qaboojinta xidhiidhka xumaa ee Soomaaliya iyo Kenya ku tegay magaala Mombasa.

Bishii May 2021, ayaa Soomaaliya isku dayday inay soo celiso xidhiidhka kala dhexeeya Kenya. Maalmo ka dib waxaa dadaalkii hakiyey Kenya kaddib markii Muqdisho ku adkeysatay mowqifkeedii mamnucidda qaadka.

Khilaafka ayaa cirka isku shareeray February 2019, markii Kenya soo cayrisay danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Nairobi iyadoo shirkii shidaalka Soomaaliya ee London ku eedeysay in lagu xaraashay sahminta aagga dacwada ka taal Maxkamadda ICJ. Balse, Soomaaliya ay December 15, 2020  xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya oo ku xadgudubtay midnimadeeda dhuleed iyo madaxbannaanideedaba. 

Booqashada Rooble waxay timid iyadoo August 7, 2021 uu Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo hakad geliyey in xilliga doorashada hay’adaha dowladda ay galaan heshiis amase is-af-garad siyaasadeed, dhaqaale iyo amniba. 

Layskuma hayo, in Uhuru Kenyatta uu ka lahaa casuumaadda Rooble ujeeddo lagu dhaawaco sumcada hoggaanka Farmaajo-Rooble, taasoo wax u dhimi karta rajada Farmaajo ee dib u doorashada.

Kenya “State House, Mombasa” ayaa isku dayday inay u rogto kulankii Ra’iisulwasaare Rooble iyo Uhuru Kenyatta mid u gogol xaarayay in “muranka xuduudda badda” ee labada dal lagu xaliyo wadahadal saaxiibtinimo.

Ma aha markii ugu horreysay ay Kenya kulan labada dal yeesheen u tarjumto si ka duwan wixii laysku af-gartay. Wafdiga Rooble oo ka booday (diiday) siiqada qoraalka kulanka ayaa ku dirqisay Kenya inay beddesho bayaankii.

Mar kasta Kenya-da Uhuru waxay raadisaa inay muranka badda ka dhigto wax maqaankeeda uusan ahayn Maxkamad. Halka, Soomaaliya ay ku adkeysato inaan wadahal laga furi karin dacwad hortaal Maxkamadda ICJ.

July 19, 2021 Kenya waxay Midowga Afrika u dirtay codsi (note verbal) ay ku weydiisaneyso kaalmo farsamo soohdimeyn, si xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya – badda iyo berrigaba uga dhigto hawl uu ururka gacanta ku hayo. 

Damaceedu waxuu yahay in dunida ay ka dhaadhiciso in “labada dal midkoodna uusan gaadhi karin tanaasul.” Ujeeddada ayaa ah, haddii garta ka iilato in go’aanka Maxkamada ICJ loo sawirayo inuu dhalin karo xiisad colaadeed si Golaha Amniga Qaramada Midoobay (QM) uu u dhexgalo labada dal.

Shirweynihii QM ee September 2019 ayuu Uhuru Kenyatta ka sheegay in dhiggiisa Maxamed Cabdullahi Farmaajo isku af-garteen in muranka xuduudda badda ee labada dal lagu xaliyo wadahadal, taasoo xaqiiqada ka fogeyd. 

Waxuuse ku guuleystay in 2014kii uu Ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheikh Axmed oo khilaaf kala dhexeeyey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu ka dhawaajiyo in “Soomaaliya ay ku degdegtay dacwada Maxkamada ICJ”.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxuu rajo ka qabay in dhayidda boogihii siyaasadeed ee ka soo gaarey la dabaakhii Farmaajo iyo muranka badda ay u sahli doonto wax ka beddelka dastuurka Kenya si uu baaqi ugu sii ahaado xukunka.

Si kastaba ha ahaatee, horumar degdeg ah lagama filayo inay labada dhinac gaaraan, balse waxaa hubaal ah, in Uhuru Kenyatta markale ku guulaystay inuu mad-madow dhex dhigo Farmaajo iyo Rooble, taasoo u baahan in si degdeg ah loo dhayo si loo ilaaliyo danaha qaranka.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments