Saturday, September 25, 2021
Home Siyaasadda Madaxda Maamul-goboleedyada oo sii Dabray Xulashadii Dadbanayd ee Baarlamaanka Federaalka

Madaxda Maamul-goboleedyada oo sii Dabray Xulashadii Dadbanayd ee Baarlamaanka Federaalka

AbdulQadir Cariif Qaasim

Shirkii Golaha Amaanka ee August 12, 2021 ayaa lagu soo dhaweyay in la gudaggalay doorashooyinkii dadbanaa ee muddada dheer la sugayey. Ilaa iyo afar maamul-goboleed ayaa xushay ugu yaraan qaar ka mid ah xubnaha ku matali doono Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Mudane James Swan oo ka warbixiyay guud ahaan horumarka siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee Soomaaliya ku tillaabsatay wixii ka dambeyay u xil saariddii hawlaha doorashooyinka Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xaqiijiyey in guusha geeddi-socodka doorashooyinka dadban ay ku xiran tahay wadashaqeynta joogta ah ee dowladda dhexe iyo dhammaan maamul-goboleedyada.

Nasiibdarro, farqi weyn ayaa u dhexeeya filashada dadweynaha iyo sida loo maareeyey xulashada xubnaha Aqalka Sare ee haatan ka dhacay maamul-goboleedyada badidooda oo dhab ahaan ka muuqata falal aan bisayl ku dheehneyn, dhaqan dareen-qaran lahayn iyo daahfurnaan toona.

Hadafka heshiiskii May 27, 2021 ee dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada ayaa ahaa in la helo hab xulasho lagu tartamo oo la isku raacsan yahay.

Balse, hufnaan la’aanta habraaca xulashada ayaa ka wada dhawaajiyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo muxaafadkaba ayaa walaac ku abuuray xitaa bulsha weynta Soomaaliyeed. 

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro, habraacu waxuu awoodda siinayay madaxda maamul-goboleedyada, waxaase laga sugayay inay ugu yaraan la yimaaddaan nidaam aan ka liidan kii 2016kii.

Awood ku takrifalka madaxda maamul-goboleedyada oo doorashada aqalka sare ka dhigtay maqaar saar (magaacabid qayaxan) oo aan geedna loogu soo gabban, halka laga filaayaayay inay musharraxiintu u tartamaan xilalka. Taasi waxey noqotay wax aan loo dulqaadan karin waxaana dhibsaday xitaa kuwii taageerayey gadoodka siyaasadeed. Sida muuqata waxaan la is-weydiin intee ayey ummad u dulqaadan kartaa dulmi!

Dhammaan kuraasta Aqalka Sare ee maamul-goboleedyada waxaa ku soo baxay shaqsiyaad aan ku imaan rabitaanka shacabka loona soo xushay labo arrimood midkood: (b) Inay u codeeyaan Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday; amase (t) Inay ka horyimaaddaan dib u doorashadiisa oo qur ah.

Haseyeeshee, dhaliisha habraaca qabyada ah oo  uu Cirro xusay  ma ahayn wax gebi ahaan la moogaa. Siyaasiyiinta muxaafidka iyo mucaaridkaba waxay moodeen inay ka faa’iidsan karaan, haddii kale goor hore ayaa cabaadkooda la maqli lahaa.

Farmaajo iyo duulkiisa [nabad iyo noolal] waxay la noqotay in baraasaabyada ay u bareereen inay xilka maamul-gobollada u dhiibtaan [Lafta Gareen, Qoor Qoor iyo Guudlaawe] ay usoo xeraggelin karaan tiro xildhibaanno u damaanad qaadi kara muddaxileed kale (dib u doorasho).

Dagaalka siyaasadeed ee ay la galeen labada Baraasaab ee gadoodsanaa [Deni iyo Madoobe] ujeedkiisu wuxuu ahaa in laga soo faquuqsado gobolladooda tira xildhibaanno uu adeega dib u doorashada Farmaajo. Waa taas tan keentay in gobollada waqooyi [Somaliland] u kala jebaan garbaha Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Halka mucaaradka, iyagoo ku kalsoon awoodda haybta [qabiilka] iyo jeebka [lacagta] ay leeyihiin oo lagu kabay xeelado kale sida isxulafaysi iwm, ay moodeen inay ka faa’idsan karan habka aan suubaneyn qudhiisa.

In Soomaaliya ay qaaddo waddo xeer jab-jab lagu haggayo saldhigga dimuqraadiyadeed waxay ahayd rabitaanka mucaaradkii ka sinnaa in doorasho “qof iyo cod ah” ay curyaamiyaan si loogu dareero xulasho dadban oo ay moodayeen inay u daneyn doonto.

War iyo dhammaantii, natiijooyinka khiyaaliga ah ee xulashada xubnaha aan tartanka lala gelin oo lagu soo saaray masrax siyaasadeed madaxda maamul-goboleedyadu abaabuleen waa fal ka dhan ah rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo himiladiisii dimuqraadiyadeed ee dalka u burburay.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Xukunka Maxkamadda ICJ Xageebuu u iilan Doonaa?

AbdulQadir Cariif Qaasim Xukunka dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya oo in muddo ah la sugayey ayuu Sebtember 20,...

Waa Maxay Ujeeddada Ka Dambeysa Duullaanka Lagu Beegsanayo Jiritaanka Sirdoonka Qaranka?

Tafiftiraha Jamhuriyadda Fahad Yaasiin iyo Hay’adda Nabadsugida NISA ayaa wajahaya duulaamo siyaasadeed iyo mid sirdoon oo uga imanaya...

In Escalation over Submarine Deal, France Recalls Envoys from U.S. and Australia

By John Irish and Colin Packham, David Brunnstrom, & Humeyra Pamuk PARIS/CANBERRA/WASHINGTON, Sept 17 (Reuters) - France plunged into an unprecedented diplomatic crisis with the...

Muuse Suudi iyo Dottor Dufle oo Doorasho Hufan ku Harqiyey Rajadii Daaci iyo Tarzan

Tafiftiraha Jamhuriyadda Badanaa ciyaaraha kubadda cagta ayaa ka dhaliya bulshada dhexdheeda muran kulul oo socda bilooyin. Marka laga...

Recent Comments

%d bloggers like this: