Saturday, March 25, 2023
Home Diblomaasiyadda Diblomaasiyadda Rooble iyo Dibna Qaniinka Farmaajo - Ma Ka Badbaadin Doonaan Soomaaliya...

Diblomaasiyadda Rooble iyo Dibna Qaniinka Farmaajo – Ma Ka Badbaadin Doonaan Soomaaliya Muranka Itoobbiya iyo Masar?

Tafiftira Jamhuriyadda

Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhiggiisa Masar Moustafa Madbouli kula kulmay August 17, 2021 magaalada Qahira. Socdaalka Rooble ayaa ku soo beegmay xilli la gudaggalay doorashooyinkii aqallada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS). 

Masar waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreyey ee aqoonsada dowladnimada Soomaaliya una fidiyey taageero cilmi iyo ciidanba leh. Maanta waxay raadinaysa inay dib u hagaajiso xidhiidh dayacmay si ay dib ugu soo ceshato saameyntii ay ku lahayd Soomaaliya.

Wixii ka dambeyey khilaafkii khaliijka waxaad mooddaa in xidhiidhkii Muqdisho iyo Qaahira uu gaaray meeshii ugu hooseysay kaddib markii ergaygii waxbarashada ee Masar lagu eedeyey inuu faraggeliyey arrimaha gudaha Soomaaliya (Al-Monitor 15/12/2020).

Xidhiidhka waxbarashada labada dal ayaa muhiimad weyn u leh  shacabka Soomaaliyeed oo si gaar ah u tabaya in ahmiyadii Masar ay siin jirtay Waxbarashada Dalka waayahan dambe ay meesha ka baxday. 

Qahira waxay Soomaaliya u ahayd weligeedba garab ay ku cadaadin karto Itoobbiya. Waxaase xujo ku noqday iskaashiga seddax geesoodka ee Geeska Afrika oo Muqdisho ku riixay inay dhexdhexaad ka noqoto khilaafka gobolka.

Masar waxay ku ajarantay inay ku qiimeysay xidhiidhka Soomaaliya xifaaltanka ballaaran ee khaliijka iyo khilaafka kala dhexeeyay Ankara. Ahmiyadda Soomaaliya waxay kusoo baraarugtay markii dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka horyimideen qaraarkii Jaamacadda Carabte ee biyoxireenka Niil.

Isu soo dhawaanshaha cusub ee Soomaaliya iyo Masar waxuu ka bilowday Riyadh oo la heshiisay Dooxa. Kolkaas kaddib ayaa Danjiraha Soomaaliya ee Masar Ilyas Sheikh Cumar laga guddoomay warqadihii aqoonsiga.

Sanadkii 2006ka, dalal ay ka mid ahaayeen Iran, Libiya iyo Masar ayaa lagu eedeyey inay ku hawlan yihiin hurinta colaadda Soomaaliya (CBS News 29/07/2006).  Maantase wuxuu war ka taagan yahay, maxay sida ba’an ugu daba joogtaa in Banque Misr uu laan ku yeesho dal aysan ganacsi micno leh kala dhexeen!

Socdaalka Rooble ee Masar waa booqashadii shanaad ee uu ku tago dalka dibeddiisa tan iyo markii uu la wareegay xilka Ra’iisulwasaaraha. Waxuu isku maray Jeddah, Jabuuti, London, iyo Nairobi kuwasoo dhammaantood damac ka leh saameynta hoggaanka Soomaaliya.

Warar laysla dhexmarayo ayaa sheegaya inuu u hiilan yahay dhawaan Dalka Imaaradka. Diblomaasiyadiisa sida xawliga ah u socoto ayaa dhalisay walwal ah inay abuurto dhib ka badan inta ay xalin karto. 

Waxaad mooddaa in Rooble uu yahay shakhsi aan ka cabsan xaaladaha diblomaasiga  murugsan, taasoo ka dhigaysa shakhsi jecel taxaddiga amase iskubixidda (Challenging problems). Ilaa haddeer Ra’iisulwasaare Rooble wuxuu muujiyay inuu ku aado kartina u leeyahay tijaabadaha diblomaasiyadeed.

Saadaasha warbaahinta aan xasillonayn ayaa ahayd in Rooble soo jiidi doono masiiba burburi doonto siyaasaddii dibedda ee Farmaajo-Khayre iskana horkeeni karta isaga iyo Madaxweynaha. Balse taasi waxay ku soo baxday mid raqiis ah.

Ra’iisulwasaare Rooble waxuu guul ka soo hooyey inuu hor fariistay Uhuru Kenyatta taabsiyeyna in Soomaaliya aysan dan ka lahayn in dacwada badda dib looga soo celiyo Maxkamada ICJ. Weliba xidhiidhka xumaadey ee labada dal ay sabab u tahay faraggelintooda gobollada xuduudda ku yaal.

Walow, dib u soo nooleynta xidhiidh diblomaasiyadeed ay had iyo jeer tahay ribix, haddana taageerada Masar ee la dagaallanka xagjirka iyo maalgelinta banki aan ganacsi ku howleen waa arrin kala qaybinaysa dalalka gobolka saamayn kartana iskaashiga seddax geesoodka ah ee Geeska Afrika. Soomaaliya waxaa muhiim u ah inay taxaddar ka ahaato tillaabo kasta oo ka horiman karta danaheeda amniga dalkana dhexda uga ridi kara Muranka Itoobbiya iyo Masar.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo Xasuuq?

Jamhuriyadda Xiisadda ka aloosan gobolka Sool ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka sii dheeraanaysa soo...

Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u Heshiiyay Toddoba Sanadood Kaddib

Jamhuriyadda Wadahadallo aan loo kala kicin shan maalmood kaddib, ayay Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ku dhawaaqay Jimcihii March...

Xagee Soomaaliya Loo Wadaa – Dimuqraadiyad Xisbiyo Siyaasadeed Lahayn

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman,...

Toban Bilood Kaddib – Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqasho Ku tagay Qadar Markii Ugu Horreysay

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan booqannin dalka Qadar tan iyo dib u doorashadiisii, ayaa toban bilood kaddib...

Recent Comments