Saturday, September 30, 2023
Home Diblomaasiyadda Heshiiska Imaaraadka, Itoobbiya iyo Turkiga Ma Saameyn Doonaa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya?

Heshiiska Imaaraadka, Itoobbiya iyo Turkiga Ma Saameyn Doonaa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya?

AbdulQadir Cariif Qaasim

Ra’iisulwasaaraha Itoobbiya Abiy Axmed ayaa August 18, 2021 booqasho ku tegay magaalada Ankara xilli dalkiisa ay colaad sokeeye ka taagan tahay (gobolka Tigray), xadka kala dhexeeya Sudan ay xiisad ka aloolsan tahay, murunkii biyoxireenka Niilna uu isku rogay xulufo uruursi. 

Heshiis Iskaashi Militeri oo ay Itoobbiya la gashay Turkiya ayaa laga yaabaa inuu wax ka beddeli doono cudud isku hallaynta Masar. Waxaase hadal hayn abuuray isku beegmidda booqashada Abiy Axmed iyo kulankii naadirka ahaa ee Madaxweyne Erdogan uu la yeeshay La-Taliyaha Amniga ee Iskutagga Imaaraadka Carbeed Sheikh Tahnoun bin Zayed al Nahyan. 

Kol haddii jajuubikii Afghanistan uu noqoday “hal bacad lagu lisay,” Abu Dhabi waxay halhaleel ku beddeshay siyaasaddeedii ku dhisnayd cudud (hawkish) ku muquuninta, si aysan u gefin kaalinteedii Badda Cas iyo Geeska Afrika ee isbeddelka nidaamka caalamka “geopolitical order” ku heshay.  

Sida uu qoray wargeyska Bloomberg, laba bilood ka hor shirkadda Mubadala Investment ee Abu Dhabi ayaa maal ku dhow bilyan doolar gashatay 3 shirkadood oo Turki ah (Bloomberg – 19/08/2021). 

Dib u hagaajinta xidhiidhkooda ganacsiga iyo maalgashiga ayaa saameyn baaxad leh ku yeelan kara xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika. Maal dhan 2.5 bilyan doolar ayuu Turkiga geliyey dalka Itoobbiya.

Wixii ka dambeyay heshiiskii Riyadh iyo Dooxa waxaa muuqday in Imaaraadku ku dhacay go’doon weliba markii Turkiga uu soo jiitay Masaarida iyo Faransiiska oo ay dagaalka Liibiya iskaga soo horjeedeen.

Kulanka lama filaanka ahaa ee Ankara ka dhacay ayaa astaan cad u ah in Turkiga iyo Imaaraadka ay diyaar u yihiin inay iska kaashadaan qaadista jiho ka duwan tii hore.

Gulufka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka waxaa sababaya in maamulka Joe Biden uusan mar walba u hilinayn badbaadinta lammaane (partner) shar badan oo aan la isku hallayn karin. Imaaraadka oo kula tartameya Qadar nabaddoonnimada ayaa Itoobbiya iyo Sudan u soo bandhigay dhexdhexaadin.

Reer Galbeedka, oo Imaaraadka u adeegsanayay sida hangoolka, si ay uga hortagaan saameynta Turkiga ee Geeska Afrika ayey qorrax ku soo baxday.

Madaxweyne Erdogan ayaa si taxaddar leh ugu soo jeediyey Janan Cabdel Fattaax Cabdelraxmaan al-Burhan Madaxa Golaha Qaranka Sudan iyo Ra’iisulwasaare Abiy Axmed sidii uu gacan uga geysan lahaa xallinta muranka xadka. Ankara ma hursana inay Imaaraadka u weheshato geedi-socodka dhexdhexaadinta labada dal, taasoo xidhiidhkooda ku soo kordhin doonto isku kalsooni. 

Xog lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in Kuwait oo gargelyo ka ahayd Abu Dhabi ay ku talisay inay Soomaaliya wadaxaajood la furto Imaaraadka. Walow uusan dadaalkaas najixin, haddana hagaajinta xidhiidhka Turkiga ayaa qayb ka ah ilaalinta danahooda Liibiya iyo Soomaaliya.

Ilo wargaleen ah ayaa sheegay in Dooxa iyo Ankara oo daacad u ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay isaga fogaadeen wixii ka dambeyey khilaafkii dhexmaray Farmaajo iyo Khayre ee u dhurtay afgambi Dastuur (Abril 12, 2021).

Dhinaca kale, xallinta xiisadaha Turkiga iyo Imaaraadka ayaa laga yaabaa inuu daadka raacsiiso riyadii siyaasiyiintii ku xulufoobay calanka Abu Dhabi hoostiisa.  

Saadaasha hor dhac u ah cidda ku soo bixi doonta madaxtooyada ayaa tilmaameysa daljire aragti dheeri, oo karti iyo hufnaan kula dabaakhi kara dunida ku loolameysa danaha kala duwan.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments