Thursday, June 1, 2023
Home Gudaha Rooble oo Si Laablakac ah u Wajahay Kiiska Ikraan!

Rooble oo Si Laablakac ah u Wajahay Kiiska Ikraan!

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Ikraan Tahliil Faarax waa gabadh ka tirsaneyd hay’adda NISA, kana soo shaqaysay xafiisyada gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyo weliba kan ra’iisulwasaaraha. Waxay aqoon kororsi xirfadeed u aaday dalka Britain (UK), halkaasoo ay sirdoonka uu ku siiyay tababbar sare.

Waxaa muuqeeda lala’ yahay muddo wax yar ka badan labo bilood, balse qoraal la soo dhigay boga SNTV ee ku hadla afka dowladda ayaa lagu xusay in Ikraan ay u gacan gashay Al-shabaab ayna dileen.

Qoraalka ayaa ahaa mid laga soo xigtay NISA, waxayna ku caddeeyeen laba arrimood: (B) In Ikraan ay aheyd shaqaale ka tirsanaa NISA; iyo (T) In ay soo gabagabeeyeen galka baarista Ikraan.

Khabiir ku xeeldheer baarista dambiyada abaabulan oo aan doonaynin in warbaahinta ay adeegsato magaciisa iyo weliba goobta uu ku sugan yahay nabadgelyadiisa awgeed ayaa wargeyska Jamhuriyadda u sheegay in shaacinta dhimashada Ikraan ka dhigan tahay in NISA ay xaqiijisay geerida Ikraan. Intaas waxuu raaciyey, in shaacinta xogta shaqadeeda iyadoo aan war iyo wacaal loo heyn halka ay ku maqan tahay ay tahay dambi.

Balse, waxaa ayaandarro aheyd, in Ikraan oo aan la ogeyn halka ay ku sugan tahay, in Cabdullahi Maxamed Cali Sanbalooshe uu warbaahinta ka sheego, in Ikraan uu isaga shaqaaleysiiyey mudadadii uu madaxda ka ahaa NISA. Islamarkaasna uu ka warbixiyo goobihii ay ka howlgashay, iyo weliba aqoon kororsigii sirdoon ee ay ugu socdaashay UK!

Marwo Valerie Plame, oo ka tirsaneed hay’ada Sirdoonka Maraykanka CIA, ayaa qoraal ay ugu talaggashay madaxdeeda sare si ay ugu muujiso inay ka labalaabeynayso in saygeeda oo ahaa diblomaasi hore Joseph Wilsonlon loo diro Niger, si uu usoo baaro wararka sheegaya in Ciraaq ay “uranium” ka soo iibsatay dalka Niger.

Talada ay Valerie siisay hay’adda ayaa loo dusiyey warbaahinta waxaana lagu soo daabacay wargeyska Washington Post. Falkaas waxaa ka dhashay fadeexadii  “The 2003 Plame Affair”. Fadeexadaas ayaa horseeday baaritaan dembi, waxaana ka dhashay xarig iyo ka ceyrin shaqo dadkii ku lug yeeshay sharci jibintaas (ABA -15/05/2017).

Taliyihii hore ee NISA, Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku sheegay sidan “Waxaan ku talinayaa inaan la dhaawicin sumcada Hay’adda Qaranka ugu fadhida macnaha weyn, oo ay ka shaqeeyaan boqolaal saraakiil oo aan ku aqaanno naf hurnimo iyo daacadnimo, iyadoo la beegsanayo tiro yar oo ka mid hoggaankeeda sare, xisaabaad gaar ahna uu kala dhaxeyn karo siyaasiyiinta qaar ee warmaha u sita”.

Marwo Valerie oo qortay buuga “Fair Game” ayaa sheegtay inay aad ula yaabtay sida dadka qaar ay u siyaasadeeyaan howlaha sirdoonka, taasoo ay sheegtay inay horseedi karto inay Mareykanka ka dhigto waddan aan siyaasad ahaan dagganeyn una jilicsan sida Jamhuuriyadda Muuska “Banana Republic”.

Sida muuqata kiiska Ikraan, kama madhna siyaasad, maadaama lagu jiro xili doorasho. Waxaase in la is weydiyo mudan, sababta ay mucaaradka baaritaan madaxbanaan ugu dalbi waayeen dilkii Almas Elman oo lagu dhex dilay xarunta Xalane, oo saldhig u ah diblomaasiyiinta shisheeyaha iyo AMISOM. Daah cidina kama saarna in Xerada Xalane amaankeeda ay sugaan AMISOM iyo ciidan gaar ah oo hoos taga Qaramada Midowbay!

Dadka dhaleeceynaya hoggaanka NISA, waxay rumeysteen qoraal ay iskaga fogeynayaan dhacdadani kooxda Al-shabaab.  Su’aasha waxay tahay, Alshabaab ma dilaan miyaa hablaha ka tirsan NISA? Haddii dilka hablaha ay ka caaggan yihiin haddaba, Sep 21, 2018 Amina Xussen Xassan oo ka tirsaneed NISA yaa dilay?

Dhammaan falalka dilka ah oo ay geystaan Al-shabaab miyay wada sheegtaan? Haddii ay falalka ay geystaan ay wada sheegtaan, maxay uga aamuseen dhacdadii Soobe ee 14kii Oktober?

Al-shabaab waxaa u suuraggashay inay xabsiga dhexe ee Muqdisho si qarsoodi ah hub ku geshaan, taasoo ay uga danlahaayeen inay ku soo furtaan maxaabbiis ka xirneyd August 10, 2020. Dhacdadani waxay cadayn u tahay in argaggixisadu gacan wada shaqeyn ah ka heleen qaar ka mid ah ilaalada xabsiga, halkaas oo si aad ah loo ilaaliyo.

Kooxaha geysata dembiyada abaabulan waxay inta badan gacan ka helaan laamaha caddaalada iyo weliba tan aminiga, iyagoo ka faa’iidaysanaya daruufaha nololeed oo heysta amase adeegsanaya xeelada kale.

Booliiska milatariga Talyaaniga ayaa xiray in ka badan 300 oo qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo saraakiil looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ‘Ndrangheta”, arrintaas oo lagu tilmaamay tii labaad ee ugu weynayd maafiyada ee taariikhda dalkaas. Mas’uul hore badhasaab, sarkaal ka tirsan xisbiyada siyaasadda iyo taliye boolis ayaa ka mid ah dadka la xidhay (The Guardian Dec 19, 2019).

Kooxaha geysta dambiyadda abaabulan waxay la falgalaan hadba xaalada jirta!

Rooble ma ahan garsooraha garta qaadi lahaa, balse waxay ahayd in xeer ilaalinta ama maxkamadda ciidamada uga dambeeyo garnaqsiga galka baarista Ikraan. Haddii hay’adda garsoorka ay ku qanci waayaan baarista NISA ay samaysay, waxay hay’adda garsoorka awood u leedahay inay galka baarista Ikraan ku wareejiso hay’adda dembi baarista boliiska CID.

Ehelada Ikraam, iyo shaqsiyaadka u raadinaya caddaalad Ikraam, waxaa habboon inaysan caddaalada ka raadin xafiiska Rooble, balse ay caddaalada u raadsadaan hay’adaha u xilsaaran caddaalada. Waana waddada keliya looga bixi karo dhibka iyo jahawareerka dalka ragaadiyay.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments