Monday, June 5, 2023
Home Siyaasadda Maxaa Ka Dhalan Kara Dastuur Qabya ah, Damac Siyaasiin iyo Dano Shisheeye...

Maxaa Ka Dhalan Kara Dastuur Qabya ah, Damac Siyaasiin iyo Dano Shisheeye oo Isku Milmay?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Khilaaf xooggan ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha soo dhexgalay oo la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo la la’aa tan iyo Juun 26, 2021. Laba bil kaddib (Sebtembar 2, 2021) ayaa Dowladda iyo NISA oo uu xil ka saran yahay inay u caddeeyaan qoyskeeda iyo dadweynahaba meesha ay ku dambayso gabadha ka shaaciyeen Telefishanka Dawladda (SNTV) inay afduubeen kadddina dileen kooxda Al-Shabaab. Bayaankaas waxaa si cad u diiday qoyskeeda taasoo kicisay aano qabil iyo caro siyaasadeed kaddib markii Jimcihii Sebtember 3, 2021 ay argagixisada dafirtay eedeynta. 

Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isniintii Sebtember 6, 2021 shaqada ka joojiyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir una magacaabay xilkiisii Bashiir Maxamed Jaamac, oo ah madixii hore ee hay’adda NISA kaddib markii uu muddo 48 sacadood ah ku soo gudbin waayey caddeymo faahfaahsan oo la xiriira dilka aan la xallin.

Sida madaxtooyada sheegtay Sebtembar 7, 2021 Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxuu u magacaabay xilkaas Yaasin Cabdullaahi Maxamed oo ah madaxa NISA ee gobolka Banaadir kaddib markii uu Fahad Yaasiin iska casilay jagadaas.

Wixii ka dambeeyay xiisadda cirka ayey isku shareertay. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) ayaa u kala dhantaalantay laba dhinac oo meeldhexe iskugu imaasho iyo dhexdhexaadinba ka fog.

Diidmada qoyska waxaad moodda inay ku qotonto oo keliya in Al Shabaab uu dafiray eedayntii ay dowladda u soo jeedisay, maaddaama aan la heyn daliil kale oo caddaynaayo inaysan run ahayn fasiraadda dowladda.

Mawqifkaas mid la mid ah ayaa aad ugu baahay warbaahinta dalka oo eedda saarayaa Madaxtooyada iyo Hay’addeeda NISA inay lug ku leeyihiin dhimashada gabadha, balse ay doonayaan inay qariyaan. Mucaaradka Dalka ayaa isna qabo mawqifkaas.

Dadweynaha waayay jawaabihii dhabta ahaa waqtigii loo baahnaa ayuu  mawqifku ku abuuray madaxwareer. Waxaa iyaduna yaab leh in warbaahinta madaxbannaan laga waayay inay usoo bandhigto dadweynaha cidda dilka Ikran faa’iido ugu jirto.

Waxaa kaloo ka qayb qaatay xoogaabidda mawqifka sumcadda Fahad Yaasiin oo aad u hosaysa. Waxaa lagu tuhunsan yahay inuusan welwelkiisa kowaad ahayn amniga qaranka, balse uu leeyahay dano la xiriiro doorashada Madaxweynaha. Waxaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba looga yaqaan “King Maker”, oo ah inuu dhidbo (abuuro) dadka taliya.

Dilka Ikraan si guud haddii loo eego cid kasta ayaa lagu tuhmi karaa oo ay ka mid yihiin:

  • NISA inay ku kacdo Madaxtooyadana ay raadtirto;
  • Ururka Al-Shabaab – dafiraadda dembiga kama cafinayso tuhunka dilka gabadha – waa eedaysane joogta ah oo weliba haddii uu  u helo fursad uu khalkhal ku gelin karo Dalka ku kacaya. Sideedaba goormay Al-Shabaab noqotay isha runta iyo xaqiiqda marka hadalkeeda la cuskanayo;
  • Dadka dowladda kasoo horjeeda shakhsiyaad ka tirsan way ku dhaqaaqi karaan dembigan – waqtigaan doorashadu aad usoo dhawaatay – si ay uga faa’idaysataan;
  • Dawlado shisheeye – ee danahooda ka fushan waaya dalka kama xishoonayaan inay khalkhal geliyaan dalka, wolow aysan muuqan in Ikraan gacanta ku haysay xog sidaas xasaasi u ah.

Kiiska Ikraan wuxuu dhabtii muujiyay bisayl-la’aanta: (1) Dowladda, gaar ahaan Madaxda NISA; (2) Ra’iisulwasaaraha oo halkii uu xiisadda ka dejin lahaa bansiin kusii shubay markii uu muddo gaaban siiyay Fahad Yaasin, misna qof kale u magaacabay xilkiisii oo uusan Dastuurkaba siinaynin awooddaas; (3) Mucaaradka oo aan weli u kala caddeyn cidda ay mucaarid ku yihiin: Qaranka mise  Madaxweynaha  xilkiisu dhamaaday; (4) Warbaahinta madaxbannaan oo u ifin waayday dadweynaha in kiiska Ikraan la siyaasadeeyay mar horeba, si aysan dadweynaha iyo qoyskeedaba ku helin xaqiiqda.

Gunaanad:

Kiiska Ikraan, siyaasadayn awgeed, kuma socdo dhabba suubban. Dawada keliya oo xaqiiqda lagu heli karo laguna samirsiin karo qoyskeeda waa in DFS oo isku duuban ay magacwdo Guddi Xaqiiqo Raadin ah oo madaxbannaan kana qayb qaadanayaan muwaadhiniin dadweynaha ku kalsoon yihiin.

Kiiska oo sidaa u siyaasadaysan shafeeco kama helayo in heer kale loo gudbiyo sida Barlamaanka, inuu kasii daro mooyee. Gaar ahaan Ra’iisulwasaaraha waxaa horyaalla xilka weyn oo loo igbaday, doorashada oo waqtigeeda lagu qabto.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments