Wednesday, June 7, 2023
Home Gudaha Muuse Suudi iyo Dottor Dufle oo Doorasho Hufan ku Harqiyey Rajadii Daaci...

Muuse Suudi iyo Dottor Dufle oo Doorasho Hufan ku Harqiyey Rajadii Daaci iyo Tarzan

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Badanaa ciyaaraha kubadda cagta ayaa ka dhaliya bulshada dhexdheeda muran kulul oo socda bilooyin. Marka laga hadlayo Soomaaliya waxaan ka dhicin doorashooyinka oo xiiso xifaaltan dhexdhiga fadhi ku diriryada baraha bulshada.

Haseyeeshee, tan iyo markii lagu heshiiyey khilaafkii doorashada dalka su’aal waxay ka taagneyd sidee Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe oo hoggaankiisii muran ku bilawday u maamuli doonaa doorashada?

Walaacu waxuu sii kordhay markii maamul-goboleedyada badankoodii foolxumada iyo fadeexada ku soo xusheen ugu yaraan qaar ka mid ah xubnaha ku matali doono Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaase cajiib noqotay in haraaga 34 musharrax oo toddoba ka mid ah ay buuxin waayeen shuruudihii tartanka si furan ugu tartameen siddeedda kursi ee Aqalka Sare ku mateli doonto maamul-goboleedka Hirshabeelle afarta sano ee soo socda. 

Madaxda Hirshabeelle, oo ku dhiirratay xaqii ay ku dhici waayeen maamul-goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, ayaa gobolka u soo hoysay dhakhli rasmi ah oo kor u dhaafay nus malyan doolar marka laga reebo kalsoonida shacabka ay ka muteysteen iyo dhaqaalaha soo galay ganacsatada gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, kuraasta sida ba’an loogu loollamayey ayaa waxaa ku kala fadhiyey Muuse Suudi Yalaxow iyo Dottor Cismaan Maxmuud Maxamed Dufle. Muuse Suudi oo difaacday xubinimadiisa Aqalka Sare ayaa kaga guuleystay wareegii seddaxaad 55 cod Axmed Xasan Caddow Daaci. 

Halka Cusmaan Maxamuud Dufle uusan u jixinjixin gulufkii Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.  Dottor Dufle ayaa wareeggii labaad ku soo baxay 68 cod kaddib markii musharrax Raage Xasan Xuuti uu dhaafi waayey 28 cod keliya iyadoo labo cod ay xumaadeen.

Dad badan ayaa rumeysnaa in maamul-goboleedku gacanta ugu dhacay xooggaga taabacsan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kuraastana loo xiri doono shaqsiyaad qaar ah. Kuwo kale ayaa qabay in gobolka uu xuddun u yahay mucaaradka ugu cadcad ka soo horjeedka Farmaajo sidaas awgeedna muxaafidku farta ku hayo wadnaha. 

Balse, daahfurnaanta ka sokow, soo noqoshada dagaal ooge hore sida Muuse Suudi ma aha wax lagu farxo runtii xilli khilaaf dalka gelin kara dhibaato hor leh uu dhexyaal Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Rooble.

Waxaa mar kale caddaatay in lacagta oo lama huraan u ah ololaha doorashada aysan ahayn cunsurka keligii ee guusha dhalin kara. 

Marka la isku soo wada duubo maareynta doorashooyinka kuraasta Aqalka Sare waxaa loo qaybin karaa kuwo mudan darajooyo ammaan sida Hirshabeelle. Halka qaar kalena aysan ka muuqan dhaqan dareen-qaran leh, bisayl siyaasadeed, iyo daahfurnaan toona.

Maamul-goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug waxii ka dhacay waxay istaahilaan dhaliil. Fursad inay xulasho siiyaan iska daaye waxay ku dhaqmeen magacaabid aan geed loogu soo gamban.

Halka maamul-goboleedka Koonfur Galbeed foolxumada iyo fadeexada ka dhacday aysan dhaamin wax badan, haddana lagu tirin karo inuu meel dhexe ku soo dhacay markii loo roonado. 

Dhinaca xulashada Somaliland u dhacdo ayaa  malaha saadal u noqon doono halka dalku uu u qumi doono siyaasad ahaan – kalitalisnimo mise dimuqraadiyad daciif ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments