Monday, June 5, 2023
Home Gudaha Waa Maxay Ujeeddada Ka Dambeysa Duullaanka Lagu Beegsanayo Jiritaanka Sirdoonka Qaranka?

Waa Maxay Ujeeddada Ka Dambeysa Duullaanka Lagu Beegsanayo Jiritaanka Sirdoonka Qaranka?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Fahad Yaasiin iyo Hay’adda Nabadsugida NISA ayaa wajahaya duulaamo siyaasadeed iyo mid sirdoon oo uga imanaya gudaha iyo dibaddaba. Haddaba maxaa loo beegsanayaa Fahad iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka?

Fahad ayaa sanadihii ugu dambeeye ahaa sameeyaha ama qaabeeyaha siyaasadda Soomaaliya “policy maker”. Farshaxanimadiisa siyaasadda ayaa horseedday guushii doorasho ee Xassan Sheikh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Balse, Fahad uma aysan suurtoggelin in fikradihiisa siyaasadda uu ka gaddo Xassan Sheikh, guushiisa kadib, taasna waxay horessday inay kala xarig furtaan. Waxii intaas ka dambeeyey Fahad waxuu baadigoob u galay raadinta ruux sumcad ku dhex leh bulshadda, oo wacadka iyo ballanta ku adag oofintooda.

Shisheeye iyo Soomaali badan ayaa rumaysan inta uu Fahad Yaasiin ku dhex jiro siyaasadda Soomaaliya ay adag tahay inay helaan fursad ay ku jiheen karaan siyaasadda Soomaaliya. Waana sababta Fahad Yaasiin u noqday yool la beegsado. 

Fahad Yaasiin hortii NISA, waxay ahayd mid ay ku dhex milmeen sirdoonka shisheeyaha ee danaha ka leh  Soomaaliya. Ergada shisheeyaha ee fadhigooda yahay Xalane, waxay gudaha NISA ku beerteen unugyo Soomaali ah, oo xogta dalka u soo dhegadhegeeya, waxna kharbuda. 

Inta badan madaxdii hoggaanka u qabatay NISA waxay heysteen dhalasho dal kale, sida Bashiir Maxamed Jamac Goobe, Cabdullahi Maxamed Cali Sanbalooshe, Axmed Macallin Fiqi, Abdisalam Yuusuf Guuleed. Intaas waxaa dheer inay jiraan saraakiil sar sare oo xilal muhiim ah ka haya gudaha iyo laamaha NISA ay ku leedahay maamul goboleedyada kuwaasoo qudhooda heysta dhalasho labaad sida xog wareedyadu sheegayaan.

Khabiir ku xeeldheer baarista dambiyada abaabulan ayaa u sheegay wargeyska Jamhuriyadda in “labo jinsiyad laha” ku milmay maamulka siyaasadda iyo amniga dalka ay qayb ka tahay deggenaasho la’aanta siyaasadda iyo nabadda. 

Markii Fahad uu la wareegay hoggaanka NISA, waxuu dib u habeen ku sameeyey Hay’adda Sirdoonka Qaranka, si ay howlaheeda ugu gudato si dan u ah qaranka, taasna waxuu uga kasbaday cadaawad wakiillada sirdoonka shisheeyaha ee ka howlgeli jiray hay’adda NISA.

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya waxay kala daadisay shabakado wax khariba oo ka hawlgalayey gudaha Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda kuwaasoo maalgelin iyo la talin ka helayey qaar ka mid ah ergada fadhida Xalane.

NISA, waxay hay’adaha caddaaladda u gudbisay gal dacwadeedyo dhan ka ah hay’ada Sahan iyo madaxdeeda ugu sarraysa, ganacsato, fanaaniin, iyo xitaa suxufiyiin uu ka mid yahay Haaruun Macruuf oo ka tirsan shaqaalaha VOA.

Waxay ku guulaystay burburinta jabhad fariisin ku laheyd gudaha Mandheera oo ay abuureen taliska Nairobi, iyo xulafadeeda. Jabhadan ayaa halis ku ahayd danaha qaranka. Waxay kaloo si xeeladaysan u soo xaraysay maleeshiyiin, iyo weliba hubkii uu cadowga ku raray si ay khalkhal amni uga abuuraan gudaha Soomaaliya.

Baare dambiyadda abaabulan oo diiday in la xigta magaciisa ayaa yiri “waxaa jira su’aalo ku gadaaman dilka loogu geystay gudaha Xalane Marxuumad Elmas Elman” sida: (b) Yaa dilay Elmas?; (t) Maxaa loo dilay?; (j) Maxaa lagu xaliyey kiiskaas?; iyo (x) Maxaa aamusiyey qoyska marxuumadda, ma waxay  u heleen caddaalad dilka gabadhooda?

Marxuumad Elmas Elman ayaa la sheegay inay ka shaqeyneysay xafiiska xiriirka iyo isgaarsiinta ee Midwga Yurub, iyadoo horeyna uga soo shaqeysay safaarada Soomaaliya ee Nairobi.

Dilka Elmas oo dhacay 20-kii Nofeember 2019, ayaa loo adeegsaday qori aan sanqadhiisa la maqlin “sniper rifle” waxaana gudaha Xalane ku toogtay ruux shiish yaqaan ah.

Qaabka dilka loo fuliyey, goobta dembiga uu ka dhacay, iyo sida loo raad tiray kiiska waxay abuuraysaa shaki ah in Elmas Elman ku baxday gacan sirdoon.

Qaar ka mid ah khabiirada amaanka, ayaa rumaysan inuu jiro dagaal qarsoon oo gudaha Soomaaliya ku dhexmaraya Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya iyo sirdoonka shisheeye! Haddaba aanu isweydiinee, maxaa la Gudboon NISA?

Sida ay ku doodaan difaacayaasha sharciga xogaha sirdoon waxaa loo qeybiyaa labo, (1) kuwo dhaawici kara ammaanka iyo danaha qaranka. Faafinta xogtaas waa dembi lagu mudan karo ciqaab, iyo (2) xogo faafinteeda looga gol leeyahay badbaadinta ammaanka iyo danaha qaranka, baahinteeda ciqaab kama dhalato.

“Arrinta dabagalka sirdoonka shisheeye ayaa soo jiidata dareenka dadweynaha” ayay tiri Elizabeth Goitein, oo ah agaasimaha Barnaamijka Xorriyadda iyo Amniga Qaranka ee Xarunta Caddaaladda Brennan. (www.csmonitor.com April 6, 2017).

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya NISA, si aysan ugu burburin khilaafka gacan ku rimiska ah, ee laga dhex abuuray golaha fulinta waa inay soo bandhigto, ama sii dayso  xogta shirqoollada shisheeye ee ay fashilisay, iyadoo u dusinaysa warbaahinta, si ay u hesho dareenka dadweynaha “public attention”. 

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments