Friday, April 19, 2024
Home Dacwada Badda & Shidaalka Xukunka Maxkamadda ICJ Xageebuu u iilan Doonaa?

Xukunka Maxkamadda ICJ Xageebuu u iilan Doonaa?

AbdulQadir Cariif Qaasim

Xukunka dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya oo in muddo ah la sugayey ayuu Sebtember 20, 2021 Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Mahdi Maxamed Guuleed ku baahiyey bartiisa twitter-ka in Maxkamadda ICJ si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto maalinta Talaadada October 12, 2021

Kenya ayaa March 15, 2021 qaaddacday dhaqeysigii doodda afka ah kaddib markii codsigeedi afaraad ee dib u dhigidda dacwadda laga diiday. Ka maqnashaha maxkamadda wax saameyn ah kuma yeelan habsami u socodkii kiiska. Cudurdaarkeeduna waxuu salka ku hayay saddex sababood oo aan midkoodna maxkamadda ula muuqan wax lagu qanci karo.

Soomaaliya ayaa August 28kii, 2014 horgeysay Madaxkamadda ICJ dacwad kaddib markii wadahadallo xal-doon ahaa oo muddo shan sano ah jiitamayey ay fashilmeen. Kenya halkii ay kala garrami lahayd Soomaaliya, ayay diidmo hor u dhaca ahayd (preliminary objections) oo ku qotonto in Maxkamadda ICJ aysan awood u lahayn dhagaysiga kiiska hor dhigtay garsoorkii. Balse, diidmadii si aqlabid leh ayuu garsoorkii ugu gacansayrtay (ICJ Press Release 02/02/2017).

Labada hab ee ay ku kala doodayaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa keenaya natiijooyin aad u kala duwan. Kenya waxay ku murmaysaa in ka aamuska Soomaaliya intii u dhexeysay 1979 ilaa 2014 ee sheegashadeedii soohdinta badda ee ku salaysneed xarriq barbaro la ah loolalka (Line parallel to latitudes) ay ahayd oggolaasho.

Garyaqaannada Soomaaliya ayaa dooddaas ku beeniyey xagga sharciga iyo xaqiiqdaba gartana waxay u muuqataa mid u iilan doonto dhanka Soomaaliya. Haseyeeshee, xukunka waxaa la dhaqan gelin karaa oo keliya haddii labada dhinac ay u wada hoggaansamayaan. 

Kenya oo taas maanka ku haysa ayaa sarbeeb ku tiri “xalku waxuu ku jiraa dheef qaybsi”. Waxayse raacisay haddii taa la waayo in Golaha Amniga ee QM ku leedahay saaxibbo [Britain, Faransiiska iwm] aan ku qasbi doonin fulinta qaraarka Maxkamadda ICJ.

Balse, waxay ka ilduuftay in Soomaaliya aysan baahi degdeg ah u qabin kheyraadka ku jira aaga la soo dhiciyey amaseba ay ka kirayn karto kuwa ay isku haleyneyso

Waxay ku catowday in muran aan meel la saarin uu halis u yahay nabadda iyo amniga labada dal taasoo caqabad ku noqon doonto is-dhexgalka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada (economic integration & social progress) gobolka.

Si kastaba ha ahaate, mudnaanta sare ee Washington ay siineyso iskaashiga dhaqaale iyo amniga  Geeska Afrika ayaa astaan u ah in gobolka lala damacsan yahay maalgashi.

Sidoo kale, dib u heshiiska dowladaha khaliijka iyo qaboojinta xisadda Turkiga-Qadar iyo Imaaraadka waxuu tilmaam cad u yahay in mustaqbalka maalgashiga iyo nabadda dalku uu soo ifayo. 

Dabcan, dib uga gurashadii Afghanistan, is xulufeysiga cusub ee Washington, London, iyo Canberra ee dhalin doona baratan difaac iyo maalgashi waa dhacdooyinka aan laga maarmin in lagu daro talada guud. 

Waxaa kaloo iyadana tixgelin u baahan hubin la’aanta ka dhalan karta siyaasadda Biden ee galbeedka u horseedi doonto inay dagaal qabow la galaan China oo lagu wado inay 2031 ka hormari doonto Maraykanka dhanka dhaqaalaha, iyo cududda mileteriba.

Balse war waxuu ka jooggaa Kenya ma aqbali doontaa xukunka dacwadda ay shalay qaaddacday dhegeysigeedii mise luggooyo ayay la doonaysaa  horumarka iyo isdhexgalka gobolka? Mase dhici doontaa in unugyadeeda ay abaabulaan rabshado inta ka horreysa Oktobar 12, 2021 si ummadda Soomaaliyeed loo seejiyo u dabaal deggida guusha la soo dhiciyey?

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments