Tafiftiraha Jamhuriyadda
Desembar 16, 2008
Guddiga Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa dib-u-akiday xushmeynta Qaranimada, Xuduudaha Dhulka, Madaxbanaanida Siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliyeed.
January 31, 2009
Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Ku-Meel-Gaarka ah loo caleemosaaray
February 14, 2009
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey inuu noqdo Ra’iisul-wasaare dowladda ku meel gaar ah.
Abril 5, 2009
Safiirka Norway ee fadhiya Nairobi oo socdaal laba maalmood ah ku yimid Muqdisho kulana kulmay Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Golaha Wasiiradda.
Abril 7, 2009
Soomaaliya iyo Kenya ayaa Nairobi ku saxiixdeyn heshiis is-afgarad ah (Memorandum of Understanding – MOU). Dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur Warsame – Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Dowladda Ku-Meel-Gaar ah, halka dowladda Kenya uu u saxiixay Moses Wetang’ula – Wasiirka Arrimaha Dibedda.
Abril 17, 2009
Soomaaliya oo Guddiga Qolfoofta badda “CLCS” u gudbisay warbixin hor dhac u ah dalalbkeeda. Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii saxiixay Axdigii “United Nation Convention on the Law of the Sea – UNCLOS” wixii ka horey May 1989. Dalalkaas waxay wacad ku galeen in dalabkooda qolfoofta badda u gudbin doonaan Guddiga “CLCS” inta ka horeysa May 13, 2009.
May 11, 2009
Kenya oo dalabkii qolfoofta badda oo dhammeystiran uu gudbisay Guddiga “CLCS.”
Jun 11, 2009,
Kenya oo heshiiskii (MOU) si rasmi ah uga diiwaan gelisay Xafiiska Heshiisyada Caalamka ee Xoghaynta QM si uu u noqdo “AXDI.”
August 1, 2009
Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo cod-buuxa ku diiday heshiiskii (MOU) Abril 9, 2009.
Oktoobar 10, 2009
Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke oo warqad u qoray Xoghayaha Guud ee QM kuna tifaftirayey mowqifka Soomaaliya ee xuduudda badda. Ra’iisul-wasaaruhu oo ka codsaday Xoghayaha, in Qaramada Midoobay ay tixgeliyso go’aan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
March 2, 2010
Dr. Cilmi Axmed Ducaale, Ergeyga Soomaaliya ee QM oo mar labaad Xoghayaha Guud ka codsatay inuu tixgeliyo codsigii Dowladda Federalka Soomaaliya.
Oktoobar 16, 2011
Ciidamada Kanya oo weerar xadgudub ah ku soo qabsaday Soomaaliya qqbsadayna dekedda Kismaayo burburiyeyna, hanti laayana dad iyo duunyo.
November 11, 2011
Wargeyska Foreign Affairs oo qoray in weerarka Kenya ay ku qaaday Soomaaliya uusan aheyn mid looga hor-tagayo khatar, ee uu ahaa mid ay kiciysay [dan dhaqaale] ujeeddo ciidan iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed.
July 2, 2012
Martin Heya oo ah ‘Kenya Petroleum Commissioner,’ ayaa wakaaladda Reuters u sheegay, “inay saxiixeen hal todobaad gudahiis 7 xirmo gorgortanna ay kula jiraan xirmada L-25, oo ay shirkadda Statoil ee Norway daneyneyso, halka shirkad reer Qadar ah ay daneyneyso xirmada L-26.
July 6, 2012
Reuters oo soo warisay in Kenya ay si sharci darro ah u siiyay shirkad Talyaani ah – “Eni Energy” xirmooyinka L-21, L-23 iyo L-24, halka ay ka siiyey shirkad Fransiis ah – “Total” xirmada L-22.
September 10, 2012
Xasan Sheekh Maxamud oo doorashada madaxweyanaha Soomaaliya oo ka dhacday dalka gudahiisa kaga guuleystay Shariif Sheikh Axmed.
Dhammaadka 2012
Shirkadda Maraykanka ee Anadarko Petroleum Corporation oo ka tanaasushay sahamintii xirmada L-5.
January 2013,
Shirkadda reer Urdun ah “Edgo Energy” iyo Bankigii maalgeliyay ee “Qatar First Bank” ayaa ka tanaasulay xirmada L-26 oo ay ka hawlgalayeen sahaminteeda.
June 10, 2013
Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday wadahadallada Kenya.
February 4, 2014
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa oggeysiisay Xoghayaha Guud ee QM inay diidan tahay diiwaangelinta heshiiskii is-afgaradka (MOU) ee Abril 7, 2019 dhexmaray dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo midda Kenya.
August 14, 2014
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah dowladda Kenya horgeysay Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ICJ kuna saabsan xuduuda Badweynta Hindiya ee labada dal.
Oktoobar 7, 2015
Kenya oo Maxkamadda ICJ hordhigtay diidmo hor u dhac ah oo ku qotonto laba asbaabood:
- In maxkamada aysan awood u lahayn dhagaysiga kiiska;
- In maxkamada aysan oggolaan codsiga dacwada Soomaaliyai.
Febraayo 2, 2017
Dowladda Kenya oo ku guuldareysatay diidmadii hor u dhaca ahayd (preliminary objections) ee dacwadda badda. Maxkamadda oo ku amartay inay inta ka horreysa December 18, 2018 soo gudbiyo jawaab qoraal ah haddii ay dooneyso inay dib ugu soo laabato garta maxkamadda. Halka Soomaaliya loo qabta inay inta ka horreysa June 18, 2018 qoraal ku soo caddeyso mowqifkeeda.
February 8, 2018
Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo doorashadii madaxweynaha Soomaaliya kaga guuleystay Xasan Sheikh Maxamuud.
December 18, 2018
Dowladda Kenya oo dib ugu laabatay maxkamadda.
June 25, 2019
Maxkamadda ICJ oo ku dhawaaqday in la qaban doono dheggaysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya September 9, 2019.
September 6, 2019
Maxkamadda ICJ oo dib u digtay dheggaysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ee September 13, 2019 ilaa November 4, 2019 kaddib markii qareenadda Kenya ay dib uga gurteen dacwada.
October 18, 2109
Maxkamadda ICJ oo dib u digtay dheggaysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenyaa ee November 4, 2019 ilaa June 8, 2020 kaddib markii Kenya ay mar kale codsatay.
May 22, 2020
Maxkamadda ICJ oo dib u digtay dheggaysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenyaa ee June 8, 2020 ilaa March 15, 2021 kaddib markii Kenya ay codsatay Covid-19 awgeed.
February 22, 2021
Kenya oo ka codsatay in laga oggolaado inay maxkamadda u soo gudbiso dokumeentiyo cusub iyo caddeymo hor leh,
March 1, 2021
Maxkamadda ICJ oo si rasmi ah u shaacisay inay bilowdi doonto dhageysiga doodda afka dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya March 15, 2021.
March 15, 2021
Maxkamadda ICJ oo si rasmi ah u bilowday dhageysiga doodda afka dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya iyadoo Nairobi ay qaadacday.
March 22, 2021
Garyaqaanada Soomaaliya oo ka jawaabay warqad taariikhdeedu ahayd March 11, 2021 oo ay maxkamadda ku oggeysiineysay dowladda Soomaaliya inay oggolaatay in Soomaaliya ay ka warceliso warqaddii dowladda Kenya ee March 5, 2021 kaga codsatay inay maxkamadda u soo gudbiso dokumeentiyo cusub oo dhan 4000 bog iyo caddeymo taariikhdoodu tahay February 22, 2021.
Sebtember 24, 2021
Maxkamadda ICJ si rasmi ah u shaacisay inay maalinta Talaadada October 12, 2021 ku dhawaaqi doonto gartii dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya.