Thursday, November 30, 2023
Home Dacwada Badda & Shidaalka Oktoobar 12, 2021 – Ma Qeexi Doonta Aayaha Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya?

Oktoobar 12, 2021 – Ma Qeexi Doonta Aayaha Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Xukunka dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ee la sugayay toddobadii sano ee la soo dhaafay ayaa la filaya in Maxkamadda ICJ ku dhawaaqdo October 12, 2021. Sida qaraarkaas loo ixtiraamo ayey u badan tahay inuu jahayn doono xidhiidhka labada dal ee mustaqbalka dhow iyo midka fogba. 

Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si uu u ilaaliyo danaha dalka u diray Maxkamadda “The Hague” August 14, 2014 koox garyaqaanno caalami ah oo ay Muna Maxamed Cali Sharmaan hormuud iyo geedfadhiba u ahayd. 

Muranka ayaa salka ku haya jihaynta soohdinta Badweynta Hindiya ee labada dal. Wadahadallo diblomaasiyadeed oo muddo shan sano ah soo jiitamayey ayaa wax miro ah dhalin. Maxkamadda ICJ oo ah waaxda garsoorka ee Qaramada Midoobay ayaa xukunkeedu yahay mid kama dambeyn ah mana laha racfaan.

Kenya waxay ku doodaysa in soohdinteeda badda ku salaysan tahay xarriq barbaro la ah loolalka (Line parallel to latitudes) taasoo siinaysaa dhul bad-jiif ah oo lagu qiyaasay inuu dhan yahay in ka badan 100,000 kiilomiter oo isku wareeg ah (Sq.Km.). Damacu wuxuu yahay in sidaas ay ku qaadato shanta jasiiradood ee Diwa Damashaqa.

Garyaqaannada Soomaaliya ayaa March 15, 2021 ku gacanserreyn dooddeeda lahayd “ka aamuska Soomaaliya sheegashadeedii intii u dhexeysay 1979 ilaa 2014 inay ahayd oggolaasho.” Waxay kaloo  xaqiijiyeen in fal hal dhinac ah uusan go’aamin karin xuduud badeed. 

Qiilka Kenya waxuu lid ku ahaa dooddeedii October 7, 2015 ee lahayd “labada dal [Soomaaliya iyo Kenya] waxay hore ugu heshiiyeen, in khilaafka xuduudda badda ay ku xallin doonaan wadahadal, ka dib marka guddiga UNCLCS uu dhammaystiro dib u eegista dalabka qolfoota badwaynta.”

Kenya waxaa damaca ku dhaliyay kaydka kalluunka ka sokow, khayraad lagu tuhmayo aagga. Labada dhinacba waxay soo bandhigeen dood adag. Kenya waxaa kaga bixay difaaca kiiska in ka badan 3 malyan doolar, haddana garyaqaannadeeda waxay dib uga gurtay dacwadda kaddib markii February 2, 2017 looga guuleystay Maxkamadda ICJ.

Sideedaba, shirkadaha garyaqaannada caanka ah iyo kuwa shaqsigaba ah waxay doorbidayaan dacwadaha ay ka filan karaan guul, taasoo kor u qaadeysa magacooda.

Soomaaliya iyo Kenya waxay leeyihiin xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi oo ay Nairobi ku ribix qabto, haddana war wuxuu ka taagan yahay, Kenya ma aqbali doontaa xukunka maxkamadda ay shalay qaaddacday?

Tan iyo markii la aasaasay, Maxkamadda ICJ waxaa soo maray in ka badan soddon kiis. Siddeed iyo toban ka mid ah kiisaskaas ayaa qaaradda Afrika khuseeya. Seddax iyo tobban ka mid ah ayaa ku lug leh muran dhuleed iyo xuduud badeedba. Tusaalooyinkii ugu dambeyey waxaa ka mid ah kiiskii Cameroon iyo Nigeria (ICJ/603 – 10/10/2002).

Ilaa hadda waxaa muuqata in dowladaha qaaradda Afrika ay ixtiraamayaan qaraarrada ICJ. Taasi ma aha in hoggaamiyeyaasha Afrika ay madaxbannaanida dalalkooda uga hareen hay’adaha caalamiga ah. Kuwa ku doodayo sidaasna waxay gabayaan in ixtiraamka amaseba u hoggaansanaanta shuruucda caalamiga astaanta u yahiin biseylka bulsho taas oo saldhig u ah hadba inta dal uu ka hormansan yahay dal kale.  

Shaki kuma jiro in xukunka Maxkamadda ICJ uu tijaabo ku yahay biseylka dabaqadda siyaasadeed ee Kenya iyadoo halka ay ula qumaan garta saamayn ba’an ku yeelan doonto xidhiidhka labada dal ee dariska ah iyo xasilloonida gobolka.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments