Thursday, November 30, 2023
Home Gudaha Laascaanood: Barakicinta Maatada Ma Gardarro Garab Og-Baa?

Laascaanood: Barakicinta Maatada Ma Gardarro Garab Og-Baa?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Maamulka Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ka soo barakiciyey shacab si nabad ah u deganaa aqaladooda. Dadkan ayaa iskugu jira kuwo ku dhashay, ama ku tabar galay ilaa ay ka noqdaan waalidiin, iyo qaar kaloo badan oo in door ah ku noolaa deegaanka.

Haddaba maxaa ku kalifay maamulka Somaliland inuu barakiciyo birimogeydhada?

Ka dib markii baraha bulshada shaaciyeen fadeexada ayey mas’uuliyiinta siyaasadda iyo amniga sabab uga dhigeen barakicinta shacabka mid la xiriirta sugida amniga, ayna fuliyeen talooyinkii waxgaradka reer Laascanood si uu deegaanka u noqdo mid nabdoon. Balse gudi cuqaal ah oo amaanka kala shaqeeya maamulka ayaa iska fogeeye inay wax tallo ah ku lahaayeen barakicinta birimogeydhada.

Geesta kale, deriskii, iyo waxgaradka magaalada ayaa qiray inay dadkani wax dhibaal ku ah amniga Laascaano aysan la iman, balse ay magaalada ku soo kordhiyeen xirfado shaqo, mana aysan jirin hay’ad iyo maamul u xil qaba noloshooda.

Inkastoo, dastuur aan aheyn kan Jamhuriyadda Soomaaliya sal sharci ah looga dhigi karin xeerarka nidaamiya xuquuqda muwaadinka, misna Garyaqaan Guulleed Axmed Jaamac ayaa ku qoray bartiisa Twitter-ka, in “Musaafurinta ka dhacday Laascaano ay baalmarsan tahay Qodobka 8-aad ee dastuurka Somaliland, iyo Qodobada 33, iyo 34 ee sharciga socdaalka”.

Beegsiga beel gaar ah, ma’ahan wax ku cusub Soomaaliya, oo marar badan ayaa waxaa lagu eedeeyey maamulkii Siyaad, iyo jabhaddii xilka ka tuuray, inay geysteen tacadiyo dhan ka ah birimogeydhada. Su’aasha ayaa ah maxaa dhacdada Laascaano ka dhigay mid si weyn looga dhawaaqo? Maxaase ku kalifay maamulka Somaliland inay beegsato beel gaar ah?

Dad badan ayaa rumaysan in maamulka Somaliland ay ka cadhootay hadaljeedintii ergeyga QM James Swan, kaddib markii uu booqday teendhada Afisyoone oo lagu xulanaye Sentorada Aqalka Sare ku metalaye Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa yiri “Waxaan, aad uga xunahay in QM ay markhaati ka noqoto, oo ay aaminto in 20 iyo 30 qof oo qarankan falaago ka ah in ay u aragto inay na matalaan”.

Ilo wareedyo ayaa ku waramaya in Muuse Biixi lagu tirtirsiiyey inuu deegaanada Somaliland ka mamnuuco James Swan. Balse markii uu kulmiyey la taliyaashiisa, ayna iska xog wareysteen saameynta ka dhalan karta mamnuucida James Swan waxaa u soo baxday in go’doon, iyo dhaqaale burbur ay ka dhalanayso arrinkaas. Dhici karto in la hakiyo dhammaan mashaariicda ay fuliyaan hay’adaha hoos taga QM.

Xogta ayaa sheegaysa in ugu dambeen la gudoonsaday in magaalada Laascaano laga barakiciyo dadka ku hadla Afka Mayga si loo abuuro “dhibaato bani’aadanimo”(humanitarian crises), taasoo laga soo dheegtay Kenya.

Dowlada Kenya ayaa in badan adeegsatay xeeladaas si ay culeys, iyo cadaadis u saarto dowladda Soomaaliya ama QM, iyadoo uga goll laheed inay ku xaliso ciriir dhaqaale, ama muranka badda ee kala dhaxeeye Soomaaliya.

Kenya waa dal madaxbanaan oo xubin buuxda ka ah QM, balse Somaliland waa qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sidaas daraadeed, maamulka Muuse Biixi xaq uma la’ha inuu barakiciyo muwaadin degan dalkiisa hooyo.

Waxaa jira warar ka imanaya deegaanka oo sheegaya inuu jiray qorshe lagu shaacin lahaa warbixin ay diyaariyeen guddi cuqaal ah oo nabadgelyada gacan ka siiya maamulka Laascaano. Warbixinta ayaa eeda dilalka dusha ka saaraysay gacmo qarsoon oo Hargeysa laga maamulo.

Khabiirada amaanka ayaa rumaysan in barakicinta maatada looga gollahaa in looga hortago shaacinta warbixinta, iyadoo eeda dilalka loo saarinayo dad aan dembi la’hayn.

Dadka Soomaaliyeed badankood si isku mid ah, ayey uga falceliyeen beegsiga shacabka koonfur galbeed, waxaase mudan in la dul istaago jawaabta ay bixiyeen kuwa jilla siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa jira qaar u dhigaya in masiibada ka dhacday Laascaano ay mas’uul ka yihiin beesha degta halkaas, taas oo xaqiiqda ka fog. Wasiir Cusmaan Abuukar Dubbe iyo xildhibaan Maxamed Cusaman Jawaari ayaa eedayn aysan mudneen u jeediyey reer Laascaano halka ay farta ku fiiqi lahaayeen mas’uuliyiinta Somaliland.

Waxaa amaan mudan, doorka ay warbaahinta Soomaalida ka qaatay, soo bandhigida falkan foosha xun, taasoo aanba laga siideyn warbaahinta ay maamusho maamulka Hargeysa. Sidoo kale, waxaa bogaadin mudan da’yarta aragtidooda suuban ku soo bandhigay baraha bulshada.

“Ninkii kala saar lahoo

Ninkii kala sooc wadoo

Ninkii si xun ufakiroo

Aday taladii ku seegtoo

Sidaad moodaysay maahee

War hooy Soomaliya soomaali baa leh”

(Somaaliya Soomaali baa leh- Cabdi Tahliil)

Su’aasha taagan ayaa ah, goorma ayey indhaha hay’adaha caddaaladda aduunka ay qaban doonaan tacadiyada ka dhacaya Somaliland – Soomaaliya, mise xaalku waa gardaro garab og!

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments