Wednesday, December 6, 2023
Home Opinion - Ra'yi Warqad Furan

Warqad Furan

Ku Socoto: Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Jamhuuriyadda

Ku Socoto: Akhristayaasha qaayaha leh oo taagera Wargeyska Jamhuriyadda

Ujeeddo: Mawqifka Jamhuuriyadda uu ka qaatay dhacdooyinka barakincinta khasabka ah ee Laascaanood, gobolka Sool

Waxaan aad iyo aad uga xumahay inaan anigoo ka tirsan bahda wargeyska ku khasbanaado inaan afkayga furto oo aan dhaliilo, si fagaara ah, mawqifka uu ka qaatay wargeyska Jamhuuriyadda dhacdooyinka foosha xun oo ka baxsan anshaxa dhaqanka Soomaaliyeed, qawaaniinta Qaramada Midoobay, iyo kuwa caalimaga, xadgudub qayaxanna ku ah xuquuqul insaanka. Mawqifka wargeyska Jamhuuriyadda oo noqday ka aamusid gebi ahaanba dhacdooyinkaas ma aha mid cudurdaar  maangal ah yeelan karo aan ka ahayn in masuuliinta kale ee Wargeyska ay la wadaagaan aragtida saraakiisha xukuumadda Soomaaliland oo fuliyay falalkan anshax waliba ka baxsan oo billowday Oktoobar 2 welina socdo oo aan istaagin (6.10.2021).

Waxa la yaab leh in warbaahinta Soomaliya tu xukuumad iyo tu gaar ahba iyo kuwa gobolka Soomaalida Itoobbiya  ay ka hadlayn dhacdooyinka ayna si kulul  u cambaareeyeen. Halka warrgeyska uusan muujin wax ku dayasha ah misna xitaa dhegna jalaq u siin baaqa ka yimid waxgaradka gobolka Koonfur Galbeed oo intooda badan codsaday in laga qaato mawqif cad dhacdooyinkan aan horey uga dhicin dhul Soomaaliyeed oo lala beegsaday muwaaddiniinta hal gobol Soomaaliyeed oo qur ah.

Codsiga qura ah aan u jeedinayo Tifaftiraha guud ee wargeyska waa in uu warqaddaydan ku daabaco bogga wargeyska, haddii uu aaminsan yahay uuna tixgelinaayo  kala duwanaashada aaraa’da wargeyska gudihiisa iyo dibaddiisaba oo ay ku jiraan akhristayaasha oo iyagana xaq u leh inay ogaadaan mawqifka wargeyska ay taageerayaan.

Taasoo la waayay waxay la mid tahay in mawqifiisu yahay mawqif  kasii durugsan aamusnaanta uu qaatay  oo loo fasiran karo in wargeyska si bareer ah uu u taageeyrayo falalka dhacay oo  uu ku kacay taliska Soomaaliland

Nabadgelyo

Axmed Qaasim Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments