AbdulQadir Cariif Qaasim
Waxaa la filayaa in maxkamadda ay ku dhawaaqi doonto xukunkeedii ugu dambeyay maalinta Talaadada October 12, 2021. Haseyeeshee, Kenya ayaa soo bandhigtay sababo dhowr ah oo aysan ugu hoggaansami doonin xukunka ka hor inta aan si rasmi ah qaraarkii maxkamadda ee dacwadda badda la soo saarin.
Asbaabahaas waxaa ka mid ah: (b) In maxkamaddu gashay gar aysan xaq u lahayn; (t) In heshiiska is-af-garadka (MOU – 2009) uu yahay “AXDI” marjac u ah khilaafka soohdinta badda ee labada dhinac; iyo (j) In Kenya ay tahay qaran madaxbannaan mar dambana lagu xukumi doonin maxkamad caalami ah iyadoo aan oggolaansho cad laga haysan.
Jawaabta doodda Kenya ee hore waxay ku caddahay xukunkii Maxkamadda ICJ ee February 2, 2017. Halka qiilka labaad ay qareen Muna Maxamed Cali Sharmaan cagta ku dhufatay kana hor caddeysay maxkamada inaan la hayn meel dowladda Kenya, tan Soomaaliya amase midda Norway ay ku soo hadal qaadeen (qoraal ama oraah), in heshiisku yahay mid xeerinaya soohdinta badda Kenya iyo Soomaaliya.
Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud ayaa arrinka hordhigay Maxkamadda ICJ markii laba kulan oo Nairobi ka dhacay wax horumar ah lagu gaari waayay midkii saddexaad oo ay madashu ahaydna Muqdisho uu burburay kaddib markay Kenya ka baaqatay wadahadalkii cudurdaarna aysan u soo sheegin Soomaaliya.
Dacwadda la gudbiyay August 14, 2014 ayaa dib u soo celisay qabkii qarannimada Soomaaliyeed. Kenya waxay si sharcidarro ah u xaraashtay toddoba xirmood oo ku yaal dhul-badeedka ay ogtahay inaysan lahayn iyadoo ruqsad sahamin siiyay shirkadaha Eni Energy, Total, iyo Anadarko Petroleum Corporation, gorgortanna la gashay shirkadda Statoil ee Norway iyo mid Qadar iyo Urdun shuraako ku ahaayeen (Reuters – July 2, 2012).
Maxkamadda ICJ oo ah waaxda garsoorka ee Qaramada Midoobay ayaa xukunkeedu yahay mid kama dambeyn ah, mana laha racfaan. Kenya iyadoo aan cidna ku qasbin ayay December 18, 2018 dib ugu laabatay garta maxkamadda.
Jimcihii October 8, 2021 ayey Kenya ku dhawaaqday inay ku biirtay dalal dhowr ah [Mareykanka, Shiinaha, iwm.] oo xubna ka ah Qaramada Midoobay (QM), balse aan aqoonsaneen awoodda xukunka khasabka ah ee maxkamadda caalamiga ah. Waa cajiibe ah in Kenya ay ismooday “Mareykan iyo Shiino”!
Sida muuqata khamaarkii Kenya ayaa gebi ahaanba fashilmay. Garsoore Cabdiqaawi Axmed Yusuf oo wareysi siiyey TVga Univeral ayaa sheegay in hirgelinta go’aannada maxkamadda QM uu yahay qasab dowladdaha ka hor-yimaadana ay yihiin kuwo inta badan goostay in maxkamadda ay ka hor-yimaadaan.
Waxay u muuqata Kenya inay garta lumin doonto. Labada dhinacba waxaa muhiim u ah inay gaaraan hab loo fuliyo go’aanka maxkamadda, balse waxaa muuqata in xal macquul ah aysan wada gaari doonin maamullada Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.