AbdulQadir Cariif Qassim
Madaxweyne Joe Biden ayaa October 14, 2021 si fool-ka-fool ah ula kulmay Uhuru Kenyatta oo wajahayey fadeexadii “Pandora Papers” ee daaha ka rogtay in isaga iyo qoyskiisaba malaayin doolar oo laga bililiqaystay gargaarka bini’aadantinimo si qarsoodi ah ugu kaydsadeen dibedda [Panama, Dubai, Monaco, Switzerland iyo Cayman Islands].
Washington oo ka mid ah deeq-bixiyeyaasha ugu weyn ee gargaara Nairobi ayaa baadiggoob ugu jirta sidii xal nabadeed loogu heli lahaa khilaafka Soomaaliya loona damin lahaa colaadda ka aloosan Itoobbiya. Tan iyo markii Soomaaliya ay Kenya horgeysay Maxkamadda ICJ Nairobi waxay kula dhaqmaysay Muqdisho istrateejiyad hagardaamin leh.
Ma aha markii ugu horraysay oo ay Kenya diiddo xukunka hay’adaha garsoorka caalamka. December 2014, Nairobi waxaa u suuroggashay iyadoo kaashanayso Midowga Afrika inay ku gacan seyrto xukunkii Maxkamada ICC ee ku eedeynayay Uhuru Kenyatta ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha.
Xukunka Maxkamadda ICJ ee October 12, 2021 ayaa u muuqda mid qorshihii “Jubilee Party” ku riday jahwareer. Taa waxaa u weheliyay in xagaagii dhawaa Maxkamadda Racfaaka Kenya ganafka ku dhufatay isku daygii Uhuru Kenyatta uu wax uga beddeli lahaa dastuurka si uusan uga dhex bixin awoodda.
Mareykanka oo siinaya ahmiyad xasilinta xiisadaha gobolka ayaa Uhuru Kenyatta kula dardaarmay inuu qaboojiyo qiirada waddaninimo, dibna ugu laabto diblomaasiyadda si sulux ahna ku raadiyo arrinka kala dhexeysa Soomaaliya. Halkaas waxaa ka cad in Washington ay ka fogaatay fikradda Uhuru Kenyatta ee qabta, “Ninkii raayo reerka ha u haro.”
Khamiistii August 19, 2021 ayey Soomaaliya iyo Guddiga Amniga ee Ururka Midowga Afrika (AUPSC) ku heshiiyeen in la abuuro guddi wadajir ah oo qiimeya qaabka ugu haboon oo mas’uuliyadda amniga loogu wareejin karo hay’adaha qaranka. Guddiga oo Kenya ku amarkutaagleeyso ayaa iska indha tiraya qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) go’aansadayna in hawlgalka AMISOM lagu wareejiyo QM.
Tillaabada marka laga eego dhanka “geopolitic rivalry” waxay leedahay nusqaan weyn. Waxaan muuqan sida ay u wada shaqayn karaan dalalka Ruushka, Shinaha, Faransiiska iyo Mareykanka oo ka wada tirsan Golaha Amniga, haddana aan lahayn aragti guud oo mid ah.
Dhinaca kale, tillaabada marka la eego dhanka hawlgalka ciidamada (military intervention) waxaa muuqata in masiibada ka dhalan karta hawlgal ciidamo shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay diidan yihiin ay ka weyn tahay fa’iidada laga filan karo inuu ku soo kordhiyo xasilloonida dalka.
Wasiir Maxamed Cabdirizak Abuubakar oo Kaaliyaha Arrimaha Afrika ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Marwo Mary Phee la kulmay ayaa bartiisa tweeter-ka soo dhigay in Mareykanku ay weli ka go’an tahay [xoojinta] nabadda iyo amniga Soomaaliya. Halkaas waxaa laga dhadhansan karaa in dhibaatooyinka Soomaaliya ay yihiin kuwo isku dhafan oo si suuban aan loogu xakameyn karin gacan aan ahayn teeda.
Danta Kenya ka leedahay Soomaaliya ayaa ka baxsan nabad ku wada noolaan. Damac ah in ciidamadeeda oo sii jooga geyiga ay wax kastoo ay doonto kaga heeli karto siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kala daadsan ayaa u muuqdo mid aqli gab ah. Uhuru Kenyatta soo uma habboona inuu talada Biden qaato inta ay goori gaar tahay.
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.