Tafiftiraha Jamhuriyadda
Shirweynahii 3aad ee Iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga Turkiga iyo Afrika oo 21kdii Oktoobar 2021 ka furmay Istanbul, kana qaybgaleen ilaa seddax kun ganacsato ka kala socday 45 dal Afrikan ah, urur goboleedyo, iyo Turkiga ayaa diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga istratiijiyadeed ee labada dhinac.
Shirka oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo (Democratic Republic of Congo) oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa waxaa dib loogu eegay waxqabadkii 2015 ilaa 2020 laguna baaray caqabadaha jira iyadoo looga wadahadlay siyaabaha kor loogu qaadi karo ganacsiga, maalgashiga, farsamada teknologiyada iyo saadka si horumarka dhaqan-dhaqaale ee labada dhinac sal adag loogu qotomiyo.
Tan iyo wixii ka dambeyey “Sanadkii Afrika – 2005,” Ankara waxay wiiqday gargaarkii iyo maalgashigii qaaradda Afrika ugu sandulleysnayd gumaystaha Yurubta Galbeed, iyadoo isla markaasna ka hortagtay saamayntii sii kordhaysa ee Shiinaha. Dhaqaalaha jilicsan ee qaaradda waxaa dhaawacay caqabadaha canshuuraha reer Yurub.
Wasiirka Ganacsiga Turkiya Mehmet Mus oo ka hadlaya madasha ayaa sheegay in ganacsiga u dhexeeya Turkiya iyo Afrika oo sanadkii 2003 ahaa 5.4 bilyan doolar uu in ka yar 20 sano gudahood kor u dhaafay 25.3 bilyan doolar.
In ku dhow rubac qarni Turkiga waxuu u muuqday awood ka duwan tan bariga dhexe iyo qarbigaba. Erdogon oo Jimcihii ka hadlay shirka ayaa sheegay in dalkiisu hiigsanayo inuu ku dhawaad laba jibbaaro mugga ganacsiga labada dhinac.
Maalgashiga Turkigu waxuu gaaray 6 bilyan doolar iyadoo qiimaha qandaraasyada shirkadahoodu ee qaaradda Afrika kor u dhaafeen 77 bilyan doolar. Turkigu waa maalgashadaha labaad ee Geeska Afrika marka laga reebo Shiinaha.
Soomaaliya waxay u taagan tahay guul u soo hoyatay Ankara. Tan markii Erdogan uu tagay Muqdisho (2011), Turkigu waxuu ku bixiyey gargaarka iyo kaabayaasha in ka badan hal bilyan doolar.
Xidhiidh wanaagiisa diblomaasiyadeed ayaa intii u dhexeysay 2002 ilaa 2020 sababay in safaaradahiisu afar jibaarmaan (12 ilaa 43) iyadoo sannadkan uu Guinea-Bissau ka furi doono mid cusub. Duulimaadka diyaaradda “Turkish Airlines” waxay 60 goobood oo ku yaal qaaradda Afrika ku xirtaa Yurub.
Sudan, Niger, Djibouti, Chad, iyo Guinea ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga faa’iideystay kaalmadiisa laba-geesoodka ah. Soomaalidu waxay u arkaan Turkiga inuu yahay lammaane lagu kalsoonaan karo (reliable partner).
Inta uusan furmin shirweynaha ka hor Erdogan waxuu booqasho afar maalmood ah ku kala bixiyey dalalka Angola, Nigeria iyo Togo taas oo ka dhigaysa hoggaamiyihii ugu booqashada badan qaaradda Afrika (30 ka mid ah 54 dal) marka la barbardhigo kuwa caalamka.
Siyaasadda arrimaha dibedda Turkiga ee dhinacyada badan ayaa qayb muhiim ah ka ah dadaallada diblomaasiyadeed, gargaar, ganacsi, maalgashi iyo kaalmada militeriba ee horumarinaya xidhiidhka labada dhinac.
Xidhiidhka laguma tilmaami karo mid shuraako siman ah ilaa mugga badeecadaha laga dhoofiyo qaaradda Afrika ay ka hooseeyaan shixnadaha uga yimaad Turkiga.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.