Saturday, June 3, 2023
Home Gudaha Doorashada Puntland oo Muujisay Dhanka Rabitaanka Dadweynaha uu Jiro

Doorashada Puntland oo Muujisay Dhanka Rabitaanka Dadweynaha uu Jiro

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Qabashada doorashada dowladaha hoose ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa daahfur u ahaa bilowga doorasho dimuqraaddi ah oo ku dhacdo nidaamka xisbiyada badan ee hannaanka Qof iyo Cod

Doorashadu waxay ahayd mid hordhac ah (tijaabo) oo ay ka qayb qaateen siddeed (8) urur siyaasadeed (xisbi) kuna koobneed keliya saddexda degmo. Wadarta codbixiyaasha waxay ahayd  46,839 oo kala deggan: Qardho 25,405, Eyl 11,470, iyo Ufeyn 9,964 (BBC 25/10/2021).

Waxay doorashadu muujisay in dadka Soomaaliyeed hamuun u qabaan inay soo doortaan madax matasha danahooda. Tan iyo 1968, Soomaaliya kama dhicin doorasho dimuqraaddi ah. Dhammaan maamullada isku dabaxigay ee dalka oo ay Puntland ugu da’ weyn tahay ayaa mudan in lagu dhaliil hirgelin la’aanta doorasho guud oo ah Qof iyo Cod oo horseed u noqoto Soomaaliya oo idil.

Waxaa kaloo caddaatay in dumarka oo 50% ama ka badanba ka ah bulshada la tartami karaan ragga, heli  karaanna codadka shacabka iyadoo aan loo xirin qoondo. Labaatankii sano ee la soo dhaafay, maamulladii isku beddelay Puntland marna ma siin fursad siman.

Xubnaha Golaha Degaanka ee laga doortay Degmada Qardho oo dhan 33 waxaa ka mid ah siddeed dumar ah tiradaas oo u dhiganta ku dhawaad boqolkii rubac (25%). Gabdhaha ku soo baxay doorashada waxay iska soo sharraxayn saddex xisbi “Caddaalad iyo Sinnaan, Kaah, Mideeye” (Puntland Post 26.10.2021).

Codbixiyaasha ka diiwaangashanayd saddexda degmo  si xoog leh ayay ugu dareereen goobaha doorashada lagu qabanayay. In dadweynaha raalli ka yihiin nooca doorasha Qof iyo Cod waxaa muujinaysa in doorashada Qardho  ay u darrertay in ka badan 81%, halka Ufeyn ay 90% ku dhawaadeen inta codka bixisay.

Marka la eego dadka ku soo baxay 87 kursi oo ay u tartamayeen 499 musharraxiin waxaa muuqata, haddii fursad loo siman yahay la siiyo, in dhallinyarada heli karaan kalsoonida shacabka si ay hoggaamiyaan dalka.

Doorashada waxay soo bandhigtay in dadka Soomaaliyeed awood u leeyihiin inay doortaan lammaane isqaba, labo wada dhashay, iyo weliba labo waalid isu ah, taas oo marag ma doonto u ah in dadku doonayaan inay aasaan habkii wax qeybsiga beelaha ee 4.5 oo uu nidaamkii TPLF ee Itoobbiya dalka ku sumeeyey.

Hay’adda Sahan ayaa qandaraas ku qaadatay hawlgalka doorashada, waxaana korjooge ka ahaa hay’ado samafal oo maxalli ah iyo kuwo shisheeye. Goobaha codbixinta kama muuqan wakiillo ka socda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyo Dowladda Federaalka midkoodna.

Muwaaddiniin qiireysan ayaa yiri, “hadafka Denmark oo maalgelisay doorashada ayaan ka marneyn bahdilidda dowladnimada Soomaaliya. Taa ayaa malaha horseeday in hay’adda Sahan dalka laga mamnuuco.”

Natiijada doorashada oo u muuqatay afti waxay kaloo bannaanka soo dhigtay in Saciid Cabdullahi Deni uusan heysan kalsoonida shacabka degmooyinka doorashada ka dhacday, taasoo saadaalin cad u ah aragtida guud ee shacabka Puntland. Waxaa kaloo muuqata in siyaasaddii kooxda “Aaran Jaan” oo geed fadhiga u ahayd nidaamkii uu ku howlgalayey Saciid Deni uu gabalkeedii sii dhacayo.

Haddaba DUNIDA iyo diblomaasiyiinta fadhida XALANE waa inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, islamarkaasna aysan dadka ku qasbin madax, iyo hanaan doorasho aysan rabin.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments