Tafiftiraha Jamhuriyadda
Wareysi laga sii daayey shabakadda al-Jaziira Isniintii October 25, 2021 ayaa kiciyey qalalaase diblomaasiyadeed oo dhexmaray Lubnaan iyo Sacuudiga. Wasiirka Warfaafinta Lubnaan George Qordahi ayaa waraysi ku sheegay “In Xuutiyiinta Yaman ooy Iraan taageerto ay iska caabbinayeen ciidamo shisheeye.”
Boqortooyada Sacuudiga oo dhibsatay weertaas ayaa dalkeeda ka erisay safiirkii Lubnaan Jimcihii October 29, 2021 iyadoo wada tashi ugu yeeratay danjiraheedii u fadhiyey Beirut.
Wareysiga oo bil ka hor la duubay inta uusan xukumadda ku soo biirin Qordahi ayuu ku tilmaamay, “dagaalka toddobada sano ee sabool ka dhigay Yaman waa mid aan waxba tarin, lana gaaray xilligii la soo afjari lahaa.”
Waa markii labaad oo uu warsiir ka tirsan dowladda Lubnaan meel kaga dhacayo dowladdaha khaliijka. Bishii May 2021, ayaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Charbel Wehbe yiri, dalalka khaliijka ayaa mas’uul ka ah kororka argaggixisada daacish.
Madaxweynaha Lubnaan Michel Cown iyo Ra’iisulwasaarahiisa Najib Miqati ayaa iska riixay hadalka George Qordahi xaqiijiyayna inuusan matalin mowqifka dowladda Lubnaan. Balse, Riyadh kuma qancin.
Dalalka Baxreen, Kuwait iyo Imaaraadku ayaa iyaguna eryey ergadii Lubnaan kana mamnuuceen dadkooda inay u safraan Lubnaan. Halka dalalka Qadar iyo Cuman ay iyaguna ku baaqeen in la xakameeyo xiisadda.
Jaamacadda Carabta oo ka walaacsan in tillaabooyin aan laga fiirsan ay kaga sii dari karaan xaaladda cakiran ee Lubnaan ayaa ku baaqday taxaddar. Riyadh ayaa xanibaad ku soo rogtay badeecadaha uga yimaad dalkaas taasoo dharbaaxo kulul ku noqotay suuqyada ugu weyn dhoofinta ee Beirut.
Muddo lix bilood ah gudahood, waa markii labaad oo ay Beirut iyo Riyadh dhaxmarto xiisad diblomaasiyadeed. Dad badan ay ku dhawaaqayaa in George Qordahi uu iscasilo amase la eryo. Ma sahlana in xubin Maronite Christian ah oo ka tirsan dowlad-wadaag (coalition government) la eryo iyadoo ay difaacayaan Xisbullah kuna tilmaamayaan baaqyada xil ka qaadista inuu yahay baad (extortion).
Inta uusan ku soo biirin dowladda, George Qordahi waxuu ka mid ahaa wariyeyaasha ugu caansan TV-yada Carabta waxuuna ku adkeysanayaa inuusan isku casilayn erayo uu yiri xilli uusan mas’uuliyad u hayn dalka.
Siyaasiyiinta Lubnaan ayey 13 bilood ka qaadatay inay ku heshiiyaan xukuumadda Najib Miqati kaddib markii qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ay cuuryaamiyeen dalka iyadoo weli baaristii qaraxii dekedda Beirut aan laga gungaarin.
Dib u dhiska iyo maalgashiga ka sokow, Riyadh waxay gacan lixaad leh ka geysatay u kala dabqaadiddii heshiiskii Thaaif (1990) ee soo afjaray 15 sanadood oo dagaal sokeeye ah. Khaliijka waa isha ugu mihiimsan ee dalka Lubnaan kasoo gala dhaqaalaha dalxiiska iyo xawaaladaha.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “annaga iyo Lubnaan dhibaato nagama dhexayso.” Xiisadda ka taagan Lubnaan waxaa u sabab ah wakiillada Iraan.
Dhabtii usha George Qordahi lagu dhuftay waxay u socotaa Xisbullaah oo Sacuudiga iyo dawladaha Khaliijka ay ka irdhaysan yihiin saamaynteeda sii kordhaysay ee gudaha Lubnaan.
Inkastoo Sacuudiga uu abbaaray meel uu ka nugul yahay isbahaysiga dawlad-wadaagga, haddana falcelintiisa waxaa laga yaaba inaysan dhaawicin Xisbullah, balse Lubnaan u gudubtay dawlad fashilintay, haddii aan xal loo helin masiibada diblomaasiyadeed ee taagan.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.