AbdulQadir Cariif Qassim
Khamiistii November 4, 2021 ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u aqoonsatay ku-xigeenka wakiilka Midowga Africa “qof aan loo baahneen – persona non grata”. Simon Mulongo oo u dhashay dalka Uganda ayaa lagu eedeyey inuu lugaha la galay hawlo aan waafqsaneyn waajibaadka AMISOM.
Diblomaasigu waxuu Muqdisho yimid August 19, 2017 kolkaas oo loo soo magacaabay inuu hawsha kala wareego Lydia Wanyoto Mutende. Qoraal Wasaaradda Arrimaha Dibedda DFS ay u kala dirtay Xoghayaha Midowga Afrika, Safaaradda Soomaaliya ee Itoobbiya iyo Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayey ku sheegtay inuu dalka uga baxo muddo toddobaad ah (7) gudahood.
Midowga Afrika iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Uganda midkoodna bayaan kama soo saarin dhacdada, balse Simon Mulongo oo la hadlay wargeyska Daily Monitor ee Uganda ayaa sheegay inuusan waxba ka oggeyn sababta loo heysto.
Ma aha markii ugu horreysay ee dowladda Soomaaliya ay erido diblomaasi ka tirsan hay’addaha caalamka. Sanadka 2019ka, waxaa dalka laga eryey Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay QM – Nicholas Haysom.
Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in tilaabadda uu qaaday xafiiskiisu aysan ahayn mid lagu degdeggay. Intaas waxuu raaciyey, inuu lix bilood ka hor Midowga Afrika iyo dowladda Uganda ku wargeliyey arrinka.
Dhowr arrimood ayaa loo sababeynayaa inuu eedsaday Simon Mulongo oo ay ka mid tahay is-horistaagii magdhowgii loo xukumay dadkii rayidka ahaa ee ciidamada Uganda ku xasuuqeen Golweyn iyagoo aan waxba galabsan.
Simon Mulongo oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqii “National Resistance Movement (NRM)” ee uu ka soo farcamay Xisbiga talada haya “Uganda Ruling Political Party”, kana mid noqday May 2011 baarlamaankii 9aad ee Uganda ayaa saameyn siyaasadeed ku leh dalkiisa oo ciidamada ugu badan ee dalka jooga ka yimideen.
Sidoo kale, waxaa farahiisa laga urinayaa in Guddiga Amniga ee Ururka Midowga Afrika (AUPSC) oo jabiyey heshiiskii ay DFS kula galeen Muqdisho August 19, 2021 uu si maldahan uga dambeyey.
Guddiga oo dowladda Kenya ku amarkutaagleeyso ayaa October 12, 2021 go’aansaday inay howlgalka AMISOM lagu wareejiyeen Qaramada Midoobay.
Nabad ilaaliyeyaal ku bilaabmay 2007kii 1,650 askari ayaa isku rogay 22,000 askari kana dhigay AMISOM hawlgalkii ugu dheeraa taariikhda Midowga Afrika uguna qaaliga badanaa (+ $2 bilyan).
War uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ku sheegay in shaqaalaha AMISOM lagula xisaabtami doono ficiladooda, gaar ahaan kuwa xilalka hoggaanka haya oo laga filayo inay ka fogaadaan wax kasta oo sumcaddooda wax u dhimi kara, iyo waajibaadkooda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Dhacdadu waxay u muuqataa inay qayb ka tahay muranka ka taagan hawlgalka AMSOM, balse arrinku intaas wuu ka mug weyn yahay ayuu yiri qof xog-ogaal ah. Simon Mulongo oo Kulliyadda Difaaca Kenya “National Defence College Kenya” ka soo qalinjibiyey horreyna Agaasime uga soo noqday hay’adda “East African Standby Force” ee Nairobi ayaa lagu tuhunsan yahay inuu u adeegayey dano ka baxsan tan Midowga Afrika.
Sida badan, dabeecaddu waa wax ka soo baxa saamaynta dhaqan, doorarka bulshada iyo shakhsiyadda qofka. Soomaalida macaamilka hawl la yeelatay waxay isku raacsan yihiin in Simon Mulongo uu malaha rabi lahaa inuu noqdo Gabrihii Uganda.
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.