Wednesday, April 24, 2024
Home Diblomaasiyadda Soomaaliya oo Mar Kale Ku Gacansayrtay Qorshihii aan Laga Tixgelin ee Midowga...

Soomaaliya oo Mar Kale Ku Gacansayrtay Qorshihii aan Laga Tixgelin ee Midowga Afrika

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maalmo kaddib markii la eryay ku-xigeynkii hawlgalka Midowga Afrika Simon Mulongo kula kulmay Muqdisho Golaha Amniga Midowga Afrika “African Union Peace and Security Council (AU-PSC),” si looga wadahadlo sida uu u ekaan doono hawlgalka AMISOM December 31, 2021 kaddib.

Golaha oo November 8, 2021 ku yimid booqasho hawleed saddex maalmood ah kana koobnaa 15ka xubnood, ayaa Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo Talaadadii November 9, 2021 u bandhigayay mowqifka DFS ku yiri, “Qaranka Soomaaliyeed ma aqbali doono cagajiid, been-abuur iyo dib u dhac caqabad ku ah hirgelinta amni lagu guuleysto.” 

Ku-simaha Agaasimaha Maamulka Khilaafaadka ee Golaha Amniga Midowga Afrika Marwo Fiona Lortan iyo Wasiirka Gaashan Dhigga DFS Xasan Xuseen Xaaji oo laba maalmood shir albaabbada u xirnaa ku yeeshay Muqdisho ayaa August 19, 2021 ku heshiiyeen in la abuuro guddi wadajir ah oo qiimeya qaabka ugu habboon oo mas’uuliyadda amniga loogu wareejin karo hay’adaha qaranka.

Balse, Golaha Amniga Midowga Afrika oo iska indha tiraya wadatashigii Muqdisho, qorshaha kala guurka DFS (Somali Transition Plan – STP) iyo muhiimada oggolaashaha Soomaaliya ee hawlgalka Midowga Afrika ayaa Octobar 12, 2021 go’aansaday in AMISOM lagu wareejiyo Qaramada Midoobay. 

Golaha oo bartilmaameedkiisu ahaa maalgelin joogta ah ayaa dhayalsaday ka soo horjeedka joogtaynta ciidamo AMISOM dhowr arrimood awgeed: (1) Hay’addaha dastuurka (baarlamaanka iyo madaxweynaha) oo xilhayntii ka dhacday; (2) Xiisadda siyaasadeed oo ka dhex taagnayd Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha oo dib u sii riday doorashada; iyo (3) Colaadda ka soo cusboonaatay Galmudug.

Goluhu waxuusan garwaaqsan in xukunka badda oo u iishay dhanka Soomaalida uu kor u qaadi doono qiirada waddaninimo dibna u soo  celinayo shacbiyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Intaas waxaa wehliya in xurgufta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ay si sahlan u dhammaan karto iyadoo shacabka Galmudugna uu ka soo horjeesanayo fidnada gacan ku rimiska ahayd.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo wafdiga xusuusinaya in mudnaanta kowaad ee Soomaaliya ay tahay in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidankeeda ayaa yiri, “Xaqiiqadu waxay tahay in aanu jirin wax la kala dooran karo oo la heli karo haddii aysan oggolaansho ka heysan dalka martida loo yahay [Soomaaliya] …” Warkaas waxuu meesha ka saaray hanjabaaddii dalalka ciidamo ka joogaan dalka oo  ahayd, “waan kala baxeyna haddii teenna la yeelin.”

Marka dib loo jalleecsado ilaa soddomeeyo hawlgal nabad ilaalin oo ay QM ka hirgelisay qaaradda Afrika tan iyo lixdameeyadii, waxaa muuqata in nacfiga laga helay uu ka yar yahay dhibta nabad ilaaliyayaashu u geesteen dadweynaha rayidka ah taasoo hawlgallada Midowga Afrika laftiisu ka marnayn.

Haddaba, waxaa isweydiin u baahan, maxaa loo joogtaynayaa hawlgalka AMISOM haddii ciidammada dalka ay muujiyeen karti ay wax uga qaban karaan aragaggixisada, balse u baahan yihiin inay helaan hub tayo leh iyo mushaar joogta ah?

Waxay u muuqdaan dalalka ciidammo ka joogaan Soomaaliya inay ka dhigteen AMISOM mashruuc ay deeq-bixiyeyaashu ku maalan. Intaas waxaa dheer, in dalal cusub ay u soo hanqaltaagayaan inay ku soo biiraan 20 kun ee hore u joogay. Taas oo saldhig u ah diidmada dowladda iyo shacabka u seetadheereynta hawlgal aan 14 sanadood ka soo hooyn argaggixisada guul lagu naallooday

Farqiga u dhexeeya yididdiillooyinka dadweynaha Soomaaliyeed iyo fikradda Midowga Afrika ee joogtaynta hawlgalka ballaaran ee ciidamada AMISOM ayaa kala fog. Waaxse xaqiiqa ah in qorshaha kala guurka [Somali Transition Plan – STP] uu yahay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee maanta joogta, iyo xitaa maamulka dalku yeelan doono mustaqbalku.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments