Tafiftiraha Jamhuriyadda
Safarkiisii ugu horreeyey ee Afrika ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken ku kala bixin doono inta u dhaxeysa November 15 ilaa November 20, 2021 dalalka Kenya, Nigeria iyo Senegal. Booqashadu waxay ku soo beegantay xilli maamulka Joe Biden uu la daalaa dhacayo qalalaasaha ka oogan Itoobbiya, dimuqraadiyadda Sudan la afgambiyey, xiisadda Soomaaliya iyo Kenya xal dhow loo hayn.
Cadaadinta Itoobbiya ee reer Yurub guubaabinayaan waxey ilaa hadda dhiiriggelisay falalka fallaagada (TPLF), wiiqday dowladda federaalka Itoobbiya, carqaladeen doonta la dagaallanka argagixisada gobolka welibana kala daadin doontaa nidaamyada dowladeed ee Geeska Afrika, haddii aan loo helin qaab kale oo u wada cuntami kara dadweynaha Itoobbiya.
Haddaba, su’aashu waxay tahay, maamulka Biden awood ma u heli doonaa in si haboon loo qaboojiyo colaadda iyadoo aan la carqaladeen nidaamka dowladnimadda Itoobbiya, si dimuqraadiyadda Sudan dib loogu soo nooleyo, daawo aan dirqi ahaynna loogu helo xiisadda Soomaaliya iyo Kenya?
Ma sahlana ammuurta, balse waxaa lala yaaban yahay maxay Washington u simeysaa fallaagada TPLF iyo xukuumadda dadweynaha Itoobbiya soo doortay? Maxaase colaaddaha Afrika loogu xali la’yahay maxkamadda caalamka sida kuwa Yurub?
Duminta nidaamka dowladnimada dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika uguna kobaca dhaqaalaha fiican qaaradda si mas’uuliyiintiisa ay u kala doortaan la ganacsiga reer Galbeedka iyo midka Shiinaha wax fiican kuma soo kordhin doonto xasilloonida caalamka. Tobankii sanadood ee la soo dhaafay, Mareykanku wuu ka caga laabanayey inta badan Afrika, halka Shiinuhu uu saameyn ganacsi iyo mid maalgelinba ku yeelanayey qaaradda, gaar ahaan Itoobbiya, Jabuuti, Kenya, iyo Koonfur Sudan.
Weli Qaaradda Afrika kama bogsan dhiigmirashadii gummeyga reer Yurub, kamana soo kaban hagardaamadii dagaalkii qaboobaa. Waxay qaadan la’dahay in dadaalkii lagu dabcin lahaa xayiraadaha hantida maskaxeed “intellectual property restrictions” ee tallaalada Covid-19 ay ishortaageen dalalka Mareykanku uu horseedka u yahay oo ay ka mid yihiin, Britain (UK), Midowga Yurub, Canada, Brazil, iwm.
Waxaa la isweydiinayaa maxuu Xoghaye Blinken ka beddeli karaa xaqiiqda ku xadgudubka xuquuqda bani’aadanka inta Washington ay maciin bidayso nidaamka faasidka ah ee Kenya oo caado ka dhiggatay ku ganacsayrka garta hay’adaha garsoorka caalamka, sida xukunkii maxkamadda ICJ ee October 2021, iyo kii ICC ee December 2014.
Quriwaayga (masayrka) Kenya waxuu qayb ka yahay mashaakilka gobolka, taladeeduna ma xallin doonto colaadda Itoobbiya, weligeedna si niyadsami ah iskuma dayin inay Soomaaliya xal u hesho. Damaceedu waa qaniimeysiga gobolka (dhaqaale, siyaasad, sumcad, awood, iwm).
Dabcan, nabadda kuma timaado si fudud, waa hawl sida badan ay faragelinta shisheeyuhu kaga darto. Balse, dadka Geeska Afrika aad ayey uga shakisan yihiin booqashada Xoghaye Blinken ee Kenya oo la filayo maalmo kaddib markii Uhuru Kenyatta ka soo laabtay Washington.
Kiiska Itoobbiya, Sudan iyo Soomaaliya waa tijaabo hortaal damaca reer Yurub ee kheyraadka Afrika, taas oo khatar ku ah dadaallada Mareykanka ee nabad doonka ah. Xoghaye Blinken ma heli doonaa fursad uu ku maqlo kuna dheggeysto codadka dadweynaha Afrika, gaar ahaan kuwa Geeska Afrika inta dalkiisu uusan fashil lugta la gelin.
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.