Monday, May 16, 2022
Home Diblomaasiyadda Isbaacsiga Reer Galbeedka iyo Shiinaha oo Xasillooni Darro Ka Abuuraya Geeska Afrika

Isbaacsiga Reer Galbeedka iyo Shiinaha oo Xasillooni Darro Ka Abuuraya Geeska Afrika

Saciid Cabdisalaam

Tartanka quwadaha waaweyn ay ugu jiraan hanashada kheyraadka dabiiciga ee ceegaaga Afrika, ayaa saldhig u ah khilaafka iyo colaadda aan dhammaadka la’heyn, taasoo galaafatay nolashii iyo horumarkii qaarada.

Tan iyo markii uu burburay Midowgii Sofiyeeti, waxaa dumay dalal badan, waxaana kordhay tirada qaxootiga isaga talaabaya xuduudaha, taasoo loo sababeenayo dhumista dheelitirankii bariga iyo galbeedka.

Maalka uu Shiinaha dul-dhigay kaabayaasha dhaqaalaha, iyo ilaha tamarta Afrika, ayaa loolanka ka dhigaya mid adag oo laga yaabo inuu dhiig badan ku daato.

Shiidaalka Itoobbiya iyo xiriirka ay la leedahay Shinaha waxuu dhabaha u xaarayaa in dalka labaad ee ugu tira badan qaarada Afrika ka dhaco dagaalo sokeeye, oo ay ka dhashaan masiibo bini’aadan tii ugu xumayd tan iyo waxii ka danbeeye dagaalkii labaad ee dunida.

Itoobbiya ayaa u muuqata inay noqon doonta dalkii labaad ee ku yaalla bariga Afrika, oo ay ku hardamaan quwadaha caalamka sida Maraykanka iyo Shiinaha.

Bishii December 2013, waxuu  khilaaf dhexmaray Madaxweyne Salva Kiir Mayardit iyo ku-xigeenkiisa Raik Machar. Khilaafkaas oo u xuubsiibtay dagaal qowmiyadeed oo ku baahay goboladda Suudaanta Koonfureed oo dhan.

Inkastoo, warbaahinta galbeedka, iyo Qaramada Midoobay u dhigayeen in dirirta Koonfurta Sudaan ay aheyd awood kala riixasho u dhaxaysa qabiilada, haddana waxaa jirta aragti taas dhinac taalla, oo ah, in colaadda Sudaanta Koonfureed aheyd mid xudunteedu tahay “geopolitical,” una dhaxaysa reer galbeedka iyo Shiinaha, laguna tartamayey cida maamulaysa ceelasha shiidaalka.

Taageerada Maraykanka, Britain (UK) iyo Norway, (Troika) ayaa suurtaggal ka dhigtay inuu Koonfurta Suudaan noqdo dal madaxbanaan. Balse, waxay tallo faraha ka baxday, kolkii madaxda siyaasadda Koonfurta Suudaan ay xoojiyeen waddo shaqaynta Shiinaha taasoo ka careysiisay taageerayaashooda Troika.

Urur goboleedka IGAD, oo ah urur sideed waddan ku bahoobeyn oo ku yaala Geeska iyo Bariga Afrika ayaa ujeeddada loo aasaasay ahayd inuu xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalalka xubnaha ka ah, balse waxuu qayb ka noqday xasillooni darradii gobolka ka dib, markii uu la kala saftay quwadihii  ku loolamayey ka macaashida shiidaalka.

Kenya, Ugandha, Sudan iyo Itoobbiya, ayaa ku lug yeeshay colaadda Koonfurta Suudaan, iyagoo raacdeysanaya dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Sidoo kale, IGAD waxaa lagu eedeeyaa inay muddo dheer aheyd gacanta reer galbeedka u adeegsadaan ku heynta xaalada nafbaxa Soomaaliya. Dalalka ka macaashay burburka Soomaaliya waxaa ka mid ah Itoobbiya, Kenya, Ugandha iyo Jabuuti.

Waxaa xusid mudan, in IGAD loo adeegsaday go’doominta Erateriya (Eritrea), iyo kala qeybinta Suudaan. Haatana waxay quwadaha galbeedka doonayaan in IGAD ay noqoto dhabaha ay u maraan qab-jabinta Dr. Abiy Axmed.

Waxaa dib loo dhigay shir ay magaalada Kampala iskugu imaan lahaayeen madaxda IGAD November 15-keeda. Shirkaas waxaa iclaamiyey Madaxweyne Yoweri Museveni, oo sheegay inay uga hadlayaan xiisada Itoobbiya. Ma cadda sababta dib u dhigista shirka, balse waxuu ku soo aaday xilli uu Xoghaye Antony Blinken safar ku marayo gobolka, Uhuru Kenyatta-na uu booqashda aan hore loo iclaamin ku tagay Addis Ababa.

Waxaa jira, dalabaad ka imaanaya aqoonyahanada gobolka oo ah in dib u habeyn lagu sameeyo IGAD, maadaama howlgalladeedu ay noqdeen mid lagu geysto xadgudub dhanka  xuquuqda aadamaha ah. 

Inkastoo, bilowgii waddamada galbeedka ay aad u soo dhaweeyeen imaanshaha Abiy Axmed iyo fikradihiisa nabadeenta Geeska Afrika, misna waxay halis dhaawici karta danahooda gobolka u arkeen isbahaysiga saddex geesoodka ee dhex maray Erateriya, Itoobbiya, iyo Soomaaliya.

Dr. Abiy Axmed ayaa xilligan wajahaya lakabyo caqabado ah, oo ay ugu weyn tahay dagaalka TPLF, iyo cadaadiska galbeedka. Maareyn la’aanta labadan arrimood waxay Itoobbiya ka dhigi kartaa dal fashilmay, waxaana xaqiiqo ah, inay masiibo ka dhalanayso guubaabinta TPLF, iyo ku dirqinta shacabka Itoobbiya daawo aysan ku reysan doonin.

Bishii November 5-teedii ayey aheyd kolkii sagaal kooxood oo ka tirsan mucaaradka Itoobbiya ay dalka Mareykanka ku kala saxiixdeen heshiis ay ku sameynayaan isbaheysi ka dhan ah Ra’iisulwasaare Abiy Axmed.

Ma’aheyn wax u qalanta sumcadda dalka Maraykanka in looga dhawaaqo Washington isbahaysi hubaysan oo lid ku ah dowlad xukun ku timid doorasho shacab, ama ku fadhida rabitaan dadweyne.

TPLF, oo muddo ku dhow 30 sano haysay talada Itoobbiya, ayaa ka geysatay Geeska Afrika xadgudubyo xuquuqda aadanaha. Ilaa iyo iminka ma jiro cid loo maxkamadeeyey, ama la saaray cunaqabateen, balse saraakiishii sare ee ka tirsanaa TPLF ayaa lagu abaalmariyey inay hay’addaha caalamka ka qabtaan jagooyin heer hoggaan sida Agaasimaha WHO Tedros Adhanom.

Maamulka Biden waa inuu ku wajahaa loolanka Shiinaha qorshe maalgashi iyo diblamaasiyad isku dhafan, oo nabdoon, islamarkaasna aan dhaawacayen xuquuqda aadamaha, iyo dimuqraadiyeenta Afrika.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Qalbi Dhagax Ma Garawsan La’yahay Dabinta Mise Shisheeye ayuu u Adeegayaa?

Jamhuriyadda Cabdikariin Sheikh Muuse Qalbi dhagx wuxuu ka mid ahaa hoggaanka ONLF oo ahayd jabhad xurayn. Sida jabhadaha...

Ma Laga Yaabaa in Madaxweyne Hore Dib Loo  Soo Doorto?

Jamhuriyadda Soomaaliya waxay May 15, 2022  u jihaysan tahay sanadkii saddexaad oo  doorashada madaxweynaha lagu qabto dalka gudahiisa burburkii kaddib. Dhammaan 329ka...

Khayre oo Saadda Ugu Leh Tartamayaasha Madaxweynaha?

Jamhuriyadda Xil isku wareejintii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheikh Aadan Madoobe) iyo Maxamed Cabiraxmaan Mursal ayaa u gogolxaartay...

Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya Ma Qeexi Doontaa Halka Siyaasadda Dibedda Mari Doonto?

Jamhuriyadda Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa dhawaan musharrixiinta ugu cadcad doorashada ka dhex dooran doona hoggaamiyaha afarta sanadood...

Recent Comments