Monday, June 5, 2023
Home Siyaasadda Ma Laga Yaabaa in Doorashada Dadban Mar Kale La Docfaruuro?

Ma Laga Yaabaa in Doorashada Dadban Mar Kale La Docfaruuro?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ku tegay Dhuusamareeb kaddib markii Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu la heshiisiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo si xulashada xildhibaanada Gobolaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka loo dardargeliyo.

Golaha Wakiillada Maamul-goboleedka Galmudug ayaa soo xulashadoodii Cabdi Cawaale Qaybdiid iyo Cabdi Cusmaan Xareed kaamishay 54-tii kursi ee Aqalka Sare. Hoggaanka golaha oo dib loogu doorto Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa laga yaabaa inuu saadaal hordhac ah u noqdo gabal dhica Farmaajo.

Dardargelinta doorashada dadban ee 275 xildhibaan ee Golaha Shacabka ayaa tijaabo ku ah falalka docfaruurinta. Dalka ayaa marxalad khatar ah ku sigtay markii Abril 2020 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cabdiraxmaan Mursal si aan dustuuri ahayn (afgambi) ku kordhiyay muddo xilhayntii madaxweynaha oo ku ekaad February 8, 2021.

Gu’ii dhawaa, khilaaf dhexgalay Farmaajo iyo Rooble, ayaa mar kale dib u dhac ku riday hannaan xulashada baarlamaanka. Taa waxaa wehliyay dulmi lagu kordhin lahaa hubanti la’aanta amniga dalka oo ay isku kaashteen sokeeye iyo shisheeyeba.

Dhacdada oo si kala duwan loo tarjumay ayaa falanqeeyeyaasha Jay Bahadur, Matthew Bryden, iyo Haruun Macruuf buunbuuniyeen inay sabab u ahayd xer nabad ku daaqayey Guriceel oo taabacsan Sheikh Maxamed Shakir Cali Xasan loo adeegsaday ciidamada Danab ee uu tababaray Mareykanka. Ujeeddada ololaha ayaa ahayd in tif lagu rido kaalmada dowladda Mareykanka u fidiso dib u dhiska hay’addaha qaranka.

Aragti taas barbartaal, oo dalal daris ah ay daneynayeen Golaha Amniga Midowga Afrikana qiil ka dhigtay, ayaa iyana lahayd colaadda Guriceel iyo khilaafka Farmaajo-Rooble waa qalalaase hor leh oo uu dalka cagaha la galay. Ujeeddada laga lahaa ayaa ahayd in Golaha Amniga Qaramada Midoobay loo tuso hawlgalka AMISOM mid aan laga maarmin.

Aragti seddaxaad oo intaba ka duwan ayaa qabta in colaadda Guriceel ay ahayd tab lagu afduubayey awood qaybsiga dimuqraadiyadda. Ujeeddadu waxay ahayd damac saameyn siyaasadeed looga doonayey Galmudug xilli Farmaajo iyo Rooble ismaandhaafsan yihiin. Taas waxaa u daliil ah iscasilaadii Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo hadalkii Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee lahaa “Soomaali iyo Ajnabi” ayaa ku lug lahaa dagaalka.

Si kastaba ha ahaate, shacabka Galmudug oo iska diiday rabshadaha ayaa ugu baaqaya xasillooni ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Beledweyne. Waxayse dhacdadu dhimbilo duldhigtay mucaaradkii gabaadka ka dhigtay madasha musharrixiinta.

Shariif Sheikh Axmed, iyo Xasan Cali Khayre oo taageeray maamulka Galmudug ayaa fikradoodu u janjeertaa in awooddaha siyaasadeed si nabdoon loola kala wareego. Halka, Xasan Sheikh Maxamuud, Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyo Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo aan dhaliilin waran u maciinsiga siyaasadda ay fikradoodu u muuqataa mid dalka ku ridi karta waddo halis ah.

Waxaa loo dhegraaricinayaa ujeeddada dhabta ah ee watashiga Saciid Cabdullahi Deni uu ugu yeeray Garoowe Axmed Maxamed Islaam xilli Ergeyga Xoghayaha QM James Swan uu si dadban u qirayo in doorashadii “qof iyo codka ahayd” oo ay shalay diideen ay u muuqato mid dadka Soomaaliyeed hamuun u qabaan dalkana ka hirgeli karto.

Su’aasha waxay tahay, siyaasiyiinta shaqsiyadda isdiidan si xamaasad leh ma uga shaqeyn donaan doorashada raagtay mise mar kale ayey dadaalka docfaruuri doonaan!

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments