Friday, December 1, 2023
Home Siyaasadda Maxaa Laga Filayaa Qaaddacaadda Doorashada Mucaaradku Ku Gooddinayo?

Maxaa Laga Filayaa Qaaddacaadda Doorashada Mucaaradku Ku Gooddinayo?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Siddeed iyo toban bilood ka dib, markii mucaaradka uu muwaaddiniinta ka hor istaagay inay helaan xaqa codbixinta “qof iyo cod,” diiday in doorashada uu maamulo amaseba kormeero Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), indhahana iska tiray gaboodfalkii xulashada xubnaha Aqalka Sare, maxaa ka dhalan kara qaaddacaadda ay ku gooddinayaan?

Tabashada mucaaradka waa ifafaale ka muuqdo Galmudug iyo Koonfur Galbeed qaaddacaadduna waa tabta looga hortegi karo doorashada aan hufnaanta lahayn. Ha ahaate, lama garan karo natiijada ka soo bixi karta ka qaybqaadashada amaseba qaaddacaadda doorashada. Tusaale waxaa noogu filay in doorashadii 2016ka oo laysku eedeyey ay u dhaliweyday madaxweynihii xilka hayey natiijadii uu ka filayey. 

Si qaaddacaaddu u noqoto mid guuleysata waa in bahda mucaaradka (maamul-goboleedyada Jubbaland-Puntland iyo midowga musharraxiinta) ku heshiiyaan inay tahay waddada qur ah ee u furan. Fikraddaas lafteedu waxay miro dhal leedahay marka ay doorashadu tahay mid dimuqraaddi ah “qof iyo cod.” 

Haddaba su’aasha isweydiinta u baahan waxay tahay: Sidee loo wajahayaa doorasho dadban haddana dabran?

Marxaladda Soomaaliya ay hadda taagan tahay oo kala qaybsanaantu ay bulshada u taliso Saciid Cabdullahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ma heli karaan in cuqaasha (isimada) ku raacaan qaaddacaad aan la garaneyn wax ka soo bixi doono. 

Haddii aan si kale u dhigno, Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland waxaa laga soo doortaa ilaa 80 xildhibaan, marka laga reebo xubnaha Aqalka Sare. Tiradaas marka laga jaro xubnaha 16ka ah ee Gedo waxay wadajir ahaan u leeyihiin 23% taasna ma xayiri karto doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynahaba. 

Si kastaba ha ahaate, haddii qaaddacaadda loo caalwaayo, xaallada Jubbaland iyo Puntland waxaa lagu dhaqayaa sida tan Somaliland. Sidaas daraaddeed, qaaddacaad waa ikhtiyaarka ugu liita ee lagu wajihi karo doorasho dadban oo aan lahayn fursad loo siman yahay. Haddaba maxaa xal ah?

Suuraggal ma aha in wax laga beddelo, doorashada dhexdeeda, xeerarka maamul-goboleedyada loo gacangeliyey. Xaaladda doorashada dadban ee hadda socotana waa maadeys. Sidaas darteed, kuma habboona halis gelinta xasilloonida yar ee ay ummaddu maanta haysato (Miro faraqa ku jira  looma daadiyo kuwa geed saaran).

Inta Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed ay horboodayaan musharrixiinta ma suurtowdo in uu soo baxo  musharrax Farmaajo kula loollamo kursiga. Weliba musharrax ku ololeeya xasilloonida, dibuhabeynta dhaqaalaha, militeriga iyo bulshada ee uu Farmaajo ka mashquulay iyo nidaam dimuqraaddiyadeed oo daaddihiya awood wadaag. Intaba waxaa si weyn looga hadalhayaa dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Sideedaba, mas’uuliyadda ugu weyn ee siyaasiga – qof ahaan amase wadar ahaanba saran waa in danta guud lagu raadiyo si cidhiidhi ah. Taas micnaheedu waxuu yahay in la helo isbeddel wax ku ool ah oo si habsami leh u difaacaya dimuqraaddiyadda kuna imaan kara in ururrada siyaasadda, kuwa rayidka, iyo warbaahintaba si wadajir ah saameyn ugu yeeshaan wax qabadka xukuumadda iyo sharci dejintaba.

Sidaas awgeed, musharrixiinta mucaaradka waa inay dib u eegis ku sameeyaan mawqifkooda oo ay ka fikiraan sidii ay u dhisi lahaayeen hay’ado siyaasadeed oo ka weyn shaqsiyadooda oo ku baahsan dalka oo dhan. 

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments