Saturday, September 30, 2023
Home Diblomaasiyadda Maxaa Lagu Karkarinayaa Dooxa?

Maxaa Lagu Karkarinayaa Dooxa?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Isniinta November 29, 2021 ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwa Seinab Cabdi Macallin oo ay wehliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo kan Ciyaaraha Cabdisaciid Muuse Cali iyo Xamsa Sayiid Xamsa ku tageen dalka Qatar safar labo maalmood ah.

Qadar ayaa si lixaad leh ugu hawlanayd xallinta khilaafaadka siyaasadda Soomaaliya, tan iyo markii dhaqdhaqaaqii maxaakiimta uu argaggax ku riday siyaasaddii reer galbeedka ee Geeska Afrika. 

Waxuuse war ka taagan yahay muhiimadda socdaalka kooban ee ah kii ugu horreyay oo uu Farmaajo ku tago Qadar tan iyo markii Muqdisho rabashadaha ka dhaceen kuna beegmay xilli warar aan la sugi karin sheegayaan in Xasan Cali Khayre ku sugan yahay Dooxa.

Su’aasha ka guuxeysa maskaxda dad badan ayaa ah, Soomaaliya, bulsho iyo siyaasad ahaanba, ma u bisishahay madaxweyne laba xilhayn loo doorto? Haddiise Farmaajo ku guuleysto afar sanadood oo dambe, iyadoo la wiiqayo xeerarkii dimuqraaddiyada ee asaasiga ahaa, dalka ma heli doonaa xasillooni siyaasadeed xilli dab uu ka ololayo deriska? 

Madaxweyne Farmaajo oo la filayay in xil qabadkiisii February 2017 uu isbeddeli doono jawiga wada shaqaynta hoggaanka sare ayaan dhaboobin. Khayre oo ahaa ra’iisulwasaarihii ugu xilhaynta dheeraa dalka oo ay Farmaajo isku qabteen tubta loo marayo doorashooyinka ayaa July 25, 2020 lagu xalliyey “Ninkii raayo reerka ha u haro” kaddib markii Golaha Shacabka si sharci darro ah ugala noqday xukuumaddiisa kalsoonidii.

Taas waxaa wehliyey, in qalalaasaha siyaasadda uu gaaray marxalad khatar ah kaddib markii Guddoomiye Maxamed Cabdiraxmaan Mursal uu si aan dustuuri ahayn u kordhiyay xilhaynta madaxweynaha. Dib uga gurashada dimuqraaddiyada waxay kordhisay loollan wax dumiya oo ka dhexeeya madaxtooyada iyo bahda mucaaradka, gaar ahaan maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Gu’ii dhawaa, Ergaygii Gaarka ahaa ee Qadar, Dr. Mutlaq bin Majeed Al-Qahtani ayaa si xarako leh u xalliyay xiisaddii siyaasadeed kaddib markii xilka hirgelinta iyo amniga doorashooyinkaba lagu wareejiyey Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Roble. 

Inkastoo, awood ku wareejintii Rooble ay horumar ka muujisay xasilloonida iyo hannaanka doorashada, haddana loollanka awoodda Farmaajo iyo Rooble waxuu la xiriira faraggelinta dalka dibedda uga imaanaysa.

Shaki kuma jiro, in Qadar ay had iyo jeer Soomaaliya la garab taagan tahay hiil iyo hooba, waxaase muuqata in dalka uu u jiheysan yahay jiho aan la aqoon wax ka dhalan doona. Dimuqraaddiyadu ma aha dhismo hay’ado karti leh ee waxaa muhiim ah in hoggaanku isku wadi karo siyaasiyiinta kala aragtida duwan, taas oo ah daciifnimada madaxtooyada Nabad iyo Noolal. 

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments