Thursday, September 28, 2023
Home Diblomaasiyadda Golaha Amniga ee QM: Soomaaliya oo Gaashaanka u Daruurtay Ciidamaynta Biyaha Baddeeda

Golaha Amniga ee QM: Soomaaliya oo Gaashaanka u Daruurtay Ciidamaynta Biyaha Baddeeda

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Dowladda Soomaaliya ayaa Jimcihii December 3, 2021 diidday “ciidamaynta biyaha baddeeda” kana codsatay Guddiga Amniga Qarammada Midoobay (QM) inuusan dib u cusboonaysiin mashruuca la dagaallanka dhaca hubaysan iyo burcad badeedda xeebaheeda oo hoostooda kalluumeysatada sharci darrada ah ay kaga xaalufiso sanadkiiba kalluun qiimihiisa yahay boqollaal malyan oo doolar.  

Go’aan (Resolution 2608) uu soo diyaariyey Mareykanka oo soo jeediyay muddo kordhin sanad ah ayey Soomaaliya – oo oggolashaheedu shardi u yahay dib u cusbooneysiinta hawlgalka –  ka soo horjeedsatay. Muddo seddax bilood ah oo ay Soomaalida oggolaatay ayuu golaha isku raacay.

Danjire Abukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in muddo 13 sanadood ah oo lala dagaallamayey burcad badeedda xeebaha Soomaaliya laga gungaaray hadafkii. Xeebaha Soomaaliya muddo afar sano ah kama dhicin fal burcad badeed, taas oo  ka marag kacaysa in Soomaaliya ay iska xilsaartay arrinka, lana gaaray waqtigii la soo afjari lahaa hawlgalka.   

Mas’alada la dagaallanka “dhaca hubaysan iyo burcad badeedda” ayaa xuddunteedu tahay madaxbannaanida qaran. 

Marka la eego sharciga caalamiga ah, burcad-badeednimadu waa fal dembi oo ka dhaca meel ka baxsan dhul-badeedka dalka (high seas and in exclusive economic zones). Soomaaliya waxba kama qabto cid kasta oo ka jawaabto dhacdadaas, waayo markaas  laguma soo xadgudbin madaxbannaanida dalka. 

Dood waxay ka taagan tahay marka  falka  uu ka  dhaco gudaha dhul-badeedka Soomaaliya (territorial water– 12ka  mayl gudahooda).  Falkaas waxuu noqonayaa “dhac hubaysan – armed robbery.”  Xilka wax ka qabashada xaaladdaas waxaa iska leh Soomaaliya sida ku cad Axdiga QM ee sharcia badaha 1982. 

Midowga Yurub, oo ujeeddada ugu weyn ee ciidamadoodu tahay inay ilaaliyaan kalluumeysatadooda ku sugan badda Soomaaliya, ayaa ku goodiyey inuu joojin doono rubac bilyan doolar oo uu ku bixiyo karti-dhiska ilaalada badda ee dalalka IGAD. Lacagtaas waxaa dheefsada Itoobbiya, Jabuuti, Kenya iyo Uganda keliya.

Madaxbannaanida dalka ayaa marar badan meel looga dhacaa, waxayna reer galbeedku ku hayaan dalka siyaasadda “xakameynta – containment.” Marnaba ma doonayaan inay gacan ka geestaan karti-dhisidda ilaalada badda inkastoo, himilada Soomaaliya – shacabka iyo dowladdaba, ay tahay in heshiis laba-geesood ah lala yeesho dal quwad leh, si loo xoojiyo awoodda ciidamada badda, loogana hortago dhaca hubaysan ee mustaqbalka.

Faransiiska oo ka baqaya in ilaalada badda gobolka lala soo galo ayaa sheegtay inuu 250 bilyan kaga baxday la dagaallanka burcad-badeedda tan iyo markii la bilaabay. Waxuu “Iskaashiga Amniga Badweynta Hindiya” la leeyahay dalalka Comoros, Djibouti, Madagascar, Mauritius iyo Seychelle. Waxuu dhawaan heshiis amni oo dhan 200 malyan yuuro la galay Kenya. Halka Soomaaliya iyo Tanzania oo uu damcsanaa inuu ku soo jiido ay iska diiday.

Kooxda Xidhiidhka Burcad-badeedda ee Xeebaha Soomaaliya ayaad mooddaa inay dantooda ku jirto in hawlgalku uu noqdo mashuuc joogta ah, halkaasoo ay ka dheefsadaan dhaqaale, iyo khibrad miletari.

Mas’alo kale ayaa ah in hawlgalka, oo la bilaabay December 2008, kana tirsan yihiin ciidamada badda Midowga Yurub, kuwa Bariga iyo Geeska Midowga Afrika, Shiinaha, Ruushka, Hindiya, Japan, Koonfurta Kuuriya ayaa noqday mashuuca afdaloola oo u furan dhammaan 193 dal ee xubnaha ka ah QM.

Soomaaliya waxaa maanta uga daran la dagaallanka burcad badeedda xaalufinta khayraadka badda ee Kalluumaysiga Sharci darrada ah. Haseyeeshee dagaalkani waa mid uusan dalka diyaar u ahayn, sababtuna waxay tahay awood la’aanta ilaalinta xeebaha ka sokow, musuqmaasuqa (corruption) baahsan oo dalka ka jiro.

Maamul-goboleedyada qaarkood ayaa xalaashaday inay sharci aysan xaq u lahaybn siiyaan maraakib boob ku haya kalluunka iyo khayraadka kale ee biyaha dalka amaseba heshiis la galaan dawlada kale. Waa fal dambiyeed aysan ka caagganayn madax iyo xubno ka tirsan maamulka dhexe sida ay caddaynaayaan warbixinnada laga sameeyay arrimahan.

Xaalufinta khayraadka biyaha badda iyo ku marmarsiinyoodka la dagaallanka burcad-badeedu waxuu gaaray inay biyaha Soomaaliya noqdaan kuwa u furan  shisheeye iyo sokeeyaba. Waxaa caada noqotay  xitaa maraakiibtaas inaysan adeegsan qalabka sharciga ah oo muujinaya “aaga” uu maraakiibta kaga jiro badaheenna.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments