Friday, July 1, 2022
Home Diblomaasiyadda Diblomaasiyadda Qadar Qulqulaysa Saameyn Ma Ku Yeelan Doontaa Doorshada Soomaaliya?

Diblomaasiyadda Qadar Qulqulaysa Saameyn Ma Ku Yeelan Doontaa Doorshada Soomaaliya?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo malmo ka hor Ankara kula kulmay Amiirka Abu Dhabi Maxammed Bin Sayid Al Nahyan ayaa December 6, 2021 ku tegay safar laba maalmood ah Dooxa iyadoo la isla dhexmarayo in Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani uu doonayo inuu isku soo dhaweeyo Ankara iyo Riyad.

Tan iyo booqashadii ugu dambeysay ee Madaxweyne Erdogan December 2020, waxaa isbeddel ku dhacay xaaladda gobolka iyo tan caalamkaba. Qadar iyo Turkiga oo dhinac walba ka eegaya isbeddelladaas ayaa xoojiyay iskaashigooda diiraddana saaray siyaabaha gargaar bini’aadannimo oo dheeri ah lagu gaarsiin karo dadka Afghanistan islamarkaasna si wadajir ah ay uga hawlgeli karaan garoonka diyaaradaha Kabul iyadoo Taliban oggoshahay.

Dadaalka Qadar iyo Turki waxuu u badan yahay inuusan Afghanistan siin doonin aqoonsi sharci ah, balse tillaabadu waxay dhiiriggelin doontaa la macaamilka Taliban. Waxaase cajiib ah in booqasha Erdogan ay ku soo beegantay midda dhaxal sugaha Sacuudiga Maxammed Bin Salaam oo aan cagta soo dhigin Dooxa tan iyo markii labada dal uu xidhiidhkoodu xumaaday.

Isbeddelka jawiga oo u xaglinaya dhankooda ayaa sii xoojin doono xamaasadda iskaashiga. Washington oo diiradda saareysa tartanka Shiinaha ayaa dalalka Khaliijka Carbeed ku guubaabinaysa inay xallistaan dhibaatadooda.

Marka laga eego arrinka dhankaas, Erdogan oo sii xumaanayo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee reer galbeedka dalkiisa uu la lahaa ayaa boqashada kaga faa’iideystay dib u soo nooleeynta xidhiidhkii dhowaa ee uu la lahaa khaliijka.

Marka laga eego dhanka xiisadda gobolka, dalalka Sacuudiga, iyo Imaaraadkaba uma furna wax aan ahayn hakinta xiisadaha iyo horumarinta iskaasiga maadaama ay wax badan ku waayeen jahawareer iyo fowdo.

Stratiijiyadda Qadar iyo Turkiga ee dhiirriggelineysa amniga iyo nabad ku wada noolashaha gobolka ayaa moodaa in looga gudbi karo walaaca Iran xalna loogu raadin karao xaaladaha cakiran ee Liibiya, Suriya iyo Yamen. Riyad iyo Abu Dhabi oo qaddariya isku-tiirsanaanta iyo iskaashiga gobolka ayaa bog cusub u furi doona dadaallada lagu qaboojinayo xiisadda gobolka.

Waxaa bidhaamaya astaamo muujinaya xiisaha loo qabo dib u hagaajinta xidhiidhka Riyad iyo Tehran. Sidoo kale, La-taliyaha amniga ee dalka Imaaraadka Sheikh Tahnoon bin Sayid Al Nahyan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Suriya ayaa toddobaadkaan safar ku tegay Tehran. Diblomaasiyadda heerka sare ee qulqulaysa ayaa marqaati u ah in dadaalka caadiyanta xidhiidhka dalalka gobolka ee Qadar horseedka u tahay uu suuraggal yahay.

Dhanka kale, Qadar iyo Turkiga ayaa kaalin mug leh ka qaata dib u soo kabashada dowladnimada Liibiya, iyo Soomaaliya. Toddobaad ka hore Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Qadar ku tagay booqasho u muuqatay la tashi.

Walow, Qadar ay si xarraga leh u xasilisay qalalaasihii siyaasadeed ee Muqdisho, haddana imtixaanka dhabta ah ee dalka hor yaal ayaa ah dhaqan la’aanta awood qaybsiga siyaasiyiinta.  Doorashada madaxtinnimada ee ku soo fool leh dal oo aan lahayn habraac amaseba xeer dastuuri ah oo nidaaminaya ayaa laga yaabaa inay noqoto dhacdo weyn haddii wax qaldamaan. 

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Kanna Siib Kanna Saar – Maalintii Xurriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya

Jamhuriyadda Dadka Soomaaliyeed ayaa meel kasta ay joogaan u dabbaaldegaya 62- guuradii 1da Luulyo 1960; maalintaas oo gobollada...

Khatarta Cimilada – Sidee Wax Looga Qaban Karaa Abaaraha Soo Noqnoqda ee Soomaaliya?

Jamhuriyadda Waxaa maragmaddoonto ah, in abaaraha mar waliba marka ka dambeeya ay ka sii daran yihiin. Sababaha ugu...

Making Sense of the US Designating Qatar as a Major Non-NATO Ally

By Susan L Karamanian and Sharifa A Ahen The designation signals closer US-Qatar ties. It will benefit Qatar’s...

Geeri Ceebeed – Soomaaliya Goor Mee Ka Bixi Doontaa Harraad iyo Halis Abaareed?

Jamhuriyadda Qarammada Midoobay (QM) ayaa ka digtay in Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah (Kenya, Itoobbiya, iyo Jabuuti)...

Recent Comments