Friday, December 1, 2023
Home Gudaha Sidee Loo Xakamayn Karaa Marin-Habaabinta Been-Abuurka ah ee Lagu Weerarayo Dalka?

Sidee Loo Xakamayn Karaa Marin-Habaabinta Been-Abuurka ah ee Lagu Weerarayo Dalka?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

War uu bartiisa tweeter-ka soo dhigay nin isku sheegay Mete Sohtaoglu December 10, 2021 ayuu ku yiri, “Soomaaliya ayaa ka heshay Turkiga  shixnaddii ugu horraysay drones-ka Bayraktar TB2 [diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn].” Ninku ma sheegin halka uu ka helay xogta xasaasiga ah, lamana hayo macluumaad rasmi ah oo ka soo yeeray dowladda Turkiga amaseba tan Soomaaliya. 

Mete Sohtaoglu waxuu soo bandhigay macluumaad isugu dhafan hadal iyo muuqaal, mana cadda kolka hore inuu warku yahay “misinformation” amase “disinformation.” Midka hore waa wadaagista macluumaad aan sax ahayn amaseba marin habaabin aan ula kac ahayn. Halka, erayga dambe u yahay faafin been abuur ula kac, si qof, hay’ad amaseba dal sumcaddiisa loo dilo.

Been abuur qoto dheer oo shaqsiyaad sokeeye iyo shisheeyaba leh ay baafinayaan iyagoo adeegsanaya aaladaha technolojiyada ayaa weerar ku haya dib u dhiska dalka, si loo jahawareeriyo maanka dadweynaha loona sumcad dilo dadaallada dalalka u gargaara soo kabashada dowladnimada Soomaaliyeed. 

Siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdi-Shakuur Warsame ayaa ka hadlay, sida caadadiisa ahna waxuu warka u tebiyay sida wax run ah.  Wuxuu gaaray inuu farriin ugu faro warsaxaadfadeedkiisa  dawladda Turkiga inay ka taxaddirto in aan loo adeegsan hubkan ujeeddo siyaasadeed. Dadka uma kala baxsana in siyaasiyiintu lid ku yihiin Farmaajo iyo inay mucaarid ku yihiin dowladnimada dalka.

Waxaa tusaale noogu filan, wararka la waday ee sheegayey in ciidamo Soomaaliyeed oo lagu tababarayey Eritrea lagu laayey dagaalka TPLF (Tigray). Tababarka oo malaha ah xaqiiqa jirta ayaa si ula kac ah loo qalloociyey (distorted fact).  Marin habaabintaas waxay noqotay mid aan sal iyo raad toona lahayn loona abuuray muuqaal iyo maqal macquul u eg. Tabtaas waxaa isticmaala sirdoonka waxayna ahayd mid dhammaan ilaha laga soo xigtay aan la magacaabin.

Hadda oo Soomaaliya damacday inay ilaalsato biyaheeda qaran, iskana xurayso kalluumaysatada sharcidarrada ah  ayaa la wadaa marin habaabin lagu wiiqayo gacanta keliya ee dib u soo kabsashada dalka u hiilan, xilli reer Galbeedku aysan doonayn inay kaalmo ka geystaan karti-dhisidda ilaalada badda.

Malaha mowqifkii dowladda Soomaaliyeed ee la dagaallanka “dhaca hubaysan iyo burcad badeedda” waxuu si kedis ah cunaha ku dhuftay dalal badan oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Bariga Afrika iyo kuwo kaleba.

Ujeeddada marin habaabinta waxay u muuqataa mid Soomaaliya loogu diiddan yahay inay gudaha dhul-badeedka (territorial water– 12ka mayl gudahooda) ilaashato, fursad aan dabarka looga furin dalkana lagu siinayo Kenya, ayey rumeysan yihiin khubarada amniga.

Ma aha wax lala yaabo in la arka Madaxweynaha Faransiiska Emmauel Macron iyo Amiirka Abu Dhabi Maxammed Bin Sayid Al Nahyan oo xoojinaya xidhiidhkooda xilli Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan laga yaabo inay ka tashanayeen dib u soo nooleynta dowladnimada Soomaaliya.

Ilo wargaleen ah ayaa sheegaya in Faransiiska oo adeegsanayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu u soo jeediyay dowladda Soomaaliyeed inay ku soo biirto “Iskaashiga Amniga Badweynta Hindiya” ee uu maamulo, kuna jiraan dalalka Comoros, Djibouti, Kenya, Madagascar, Mauritius iyo Seychelle. 

Sida kalsoonida leh ee uu uga dhex hadlay Qaramada Midoobay Danjire Abukar Daahir Cusmaan ayaa muujinaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Dooxa u tegay la tashi uu bilaabay xodxodosha uu ku kala dooranayo dalkii lagu aamini lahaa nabad sugidda biyaha, tababari lahaana ciidamada badda.

Taasi, waxay malaha tuhun ku dhalin kartaa dowladda Imaaraadka, oo tababarka ciidamada badda Puntland iyo Somaliland hoos keeni doonta ilaalada badda jamhuriyadda Soomaaliya. Si aysan haddaba Abu Dhabi caqabad ugu noqon mashruuca ayaa laga yaabaan in sirdoonka Turkigu uu gacan ku leeyahay baafinta ayuu yiri nin aan doonaynin in warbaahinta adeegsato magaciisa.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa shirkadaha baraha bulshada [facebook, tweeter, instigram, tiktok, iwm.] ay daaha ka qaadayaan dadka buufiya been abuurka ee ku xadgudba shuruucdooda, arrinka maaro looma heli doono.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments