Tafiftiraha Jamhuriyadda
Wafdi matalayay shaqaalaha “Congress”-ka Mareykanka ayaa socdaal ku tegay Isniintii December 13, 2021 magaalada Hargeysa xilli Geeska Afrika ay ka jirto abaar ba’an. Xubnaha wafdiga oo qaarkood laga yaabo inay weli ka argagaxsan yihiin mooryaantii January 6, 2021 xoogga ku gashay “Capital Hill”-ka ayaa la kulmay muran isu rogay gacan ka hadal oo ay dadweynuhu la amakaagsan yihiin.
Habeennimadii Axadda December 12, 2021 ayaa Muuse Biixi Cabdi fasaxay xeerka ururrada siyaasadda Somaliland. Tobankii sanadoodba mar ayaa ururrada siyaasadda u tartamaan shacbiyadda dadweynaha si ay seddaxda ugu sareyso ugu gudbaan xisbiyo heer qaran.
Waqtiga uu soo gudbiyay Sharciga Axsaabta ayay labada xisbi mucaarad oo shir jaraa’id qabtay ku dhaliilayn inuu ka booday sharciga. Waxaa laga yaahaan in xisbiyada qaarkood ay wiiqimi doonaan haddii lasoo bandhigo arrinka dorsashada madaxweynaha ka hore. Xisbiyada mucaaradka ayaa rumeysan in shaxdu tahay “muddo kordhin xileed.”
Si kastaba ha ahaatee, socdaalka wafdiga waxuu muujinayaa xiisaha golaha sharcidejinta Mareykanaka uu u qabo dib u eegista siyaasadda Washington ee Geska Afrika.
Wararka Soomaaliland ayaa sheegeen in wafdiga uu soo indha-indhayay dekedda iyo garoonka Berbera. Muuse Biixi, iyo xubno xukuumaddisa ka tirsan ayaa u sharraxay guulaha Soomaaliland ku tillaabsatay soddankii sano ee la soo dhaafay xagga amniga, dimuqraaddiyada, iyo doorashayooinka.
Ka hor burburkii nidaamkii Siyaad Barre, Berbera oo ay ku taal mid ka mid ah garoomada ugu dheer Afrika ayaa martiggelin jirtay saldhigyada ciidamada Midowga Sofyeeti iyo kuwa Mareykankaba.
Booqashada ayaa loo badinayaa inay ka dhalatay dadaalka machadka Humpty Dumpty Institute oo iskaashiga dowladda iyo midda gaar ah u abaabulla xal u helidda dhibaatooyinka bini’aadannimo ee dalalka Afrika iyo Bariga Dhexe.
Jilaalkii dhawaa (January 2021), ayaa maamulkii Donald Trump si laablakac ah dib ugala noqday Soomaaliya ciidamadii ka joogay. Aragti gaabidaas, waxay dayacday faa’iidada joogitaanka bar istrateejiyad u leh badda Hindiya iyo mariirka Bab al-Mandab ee badda cas.
Jabuuti oo ah xuddunta ciidamada shisheeyaha ee qaaradda Afrika oo martiggelisa saldhigga ciidamada Mareykanka ayaa hubaal la’aan ka jirtaa. Washington waxay aad uga walwalsan tahay in Jabuuti kari weydo bixinta deynta Beijing taasoo laga yaabo inay dekedda ku wareegto maamulka Shiinaha. La-taliyihii hore ee amniga John Bolton ayaa ku tilmaamay meel laga walaaco.
Dhanka kale, dabayaaqadii November 2021, ayaa kulan lagu soo koobay waxyaabihii looga wadahadlayey, iskaashiga dhinacyada Amniga iyo ganacsiga, ku dhexmaray magaalada Hargeysa Muuse Biixi iyo wafdi ka socday kilinka Shanaad ee Itoobbiya oo uu hoggaaminayey Mustafe Muxumed Cumar.
Xog-ogaal aan la wadaagin magaciisa warbaahinta ayaa sheegaya in ujeeddada ugu weyn ee kulanka uu ahaa in Itoobbiya shixnadaheeda militeri ku soo wareejiso dekedda Berbera si ay uga badbaado cadaadinta reer galbeedku ku hayaan Ismaaciil Cumar Geelle iyo jidgooyada TPLF. Balse, waxaa laga yaabaa in heshiisku uusan ka baxsan indhaha Washington oo si dhow ula socota xiisadda Itoobbiya.
Sababahaas iyo kuwo kaleba, ayaa laga yaabaa in hadafka booqashada shaqaalaha “Congress”-ka uu yahay kuwaasoo kaalin farsamo ku leh diyaarinta hindise qoraallada labada aqal ee Mareykanka.
Waxaa hubaal ah in isballaarinta Shiinaha ee Geeska Afrika ay kor u qaadayso daneynta Mareykanka ee dekedda iyo garoonka Berbera. Balse, lama saadaalin karo in maamulka Joe Biden uu horseedi doono waa cusub amase Soomaaliya lagu sii hayn doono khariidadihii hore ee “xakameynta”.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.