Thursday, September 28, 2023
Home Caalamka Iskaashiga Afrika iyo Turkiga - Ilaa Intee-buu Faa’iido u Leeyahay Mudnaanta Qaaradda?

Iskaashiga Afrika iyo Turkiga – Ilaa Intee-buu Faa’iido u Leeyahay Mudnaanta Qaaradda?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Shirweynihii 3aad ee Iskaashiga Afrika iyo Turkiga oo mawduuciisu ahaa “Iskaashiga La Wanaajiyey ee Horumarka Guud iyo Barwaaqada,” ayaa December 17, 2021 ka furmay Istanbul oo ah xarunta dhaqaalaha Turkiga.  

Shirka oo soo jiitay 102 mas’uuliyiin oo matalayay in ku dhow 39 dal oo ay ka mid ahaayeen 26 wasiiro arrimo dibadeed iyo 16 madaxweyneyaal ayaa fursad hor leh siiyay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Abiy Axmed oo in mudda ah fool-ka-fool u kulmaan.

Shirku waxuu ku soo beegmay xilli liraha Turkigu uu sii luminayo qiimaha, sicir barar cirka isku sii shareerayna uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ku hayo cadaadis. Dabayaaqadii November 2021, ayuu Erdogan hirgeliyey koboc dhaqaale ku saleysan wax soo saar “production-based growth” oo qiima dhac ba’an ku riday liraha.

Ankara waxay in muddo ah ku hawlanayd kobcinta Iskaashiga Afrika oo 2008 lagu unkay Istanbul kana qaybgaleen toddoba hoggaamiye keliya. Qiima dhaca lacagta, dhimista heerka dulsaarka iyo hoos u dhigga kharashyada amaahda waxay qayb ka yihiin tab loo kiciyo dhaqaalaha si loo soo jiito maalgashiga dibadda [khaliijka] lagulana tartamayo, dhoofiyeyaasha la xafiiltamaya.

Ganacsiga Turkigu waxuu hadheeyay midka Faransiiska. In ka yar 20 sanadood ayuu ka koray 5.4 bilyan doolar ilaa uu kor u dhaafay 11kii bilood ee 2020 ugu horreyey 30 bilyan doolar iyadoo yoolka 2022 uu yahay 50 bilyan doolar.

Isla muddadaas, maalgashiga tooska ah ee Turkigu oo ahaa 100 malyan doolar waxuu gaaray 6.5 bilyan, halka qandaraasleyda Turkishka ay dhammeystireen 1,686 mashaariic oo dhan 78 bilyan doolar. 

Xidhiidhka Ankara ku wajahday Afrika ayaa gabi ahaanba ka madaxbannaan cunsuriyadda gumeysiga cusub. Awoodaha isku dhafan gargaar bani’aadamnimo, xidhiidh bulsho iyo dhaqan, ganacsi, maalgashi dhaqaale, kaalmo military iyo duulimaadyo toos ah ayaa yareynaya farqiga u dhexeeyo Turkiga iyo quwadaha kula tartamaya khayraadka qaaradda iyo saameynta dhaqaale.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa baadiggoob ugu jira qalab militeri oo qiima jaban haddana shuruudo yar ay ku xiran yihiin. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu tijaabiyey dagaalka oo la sheegayo in September 2021 ay heleen Rabat iyo Tunis ayaa afka lagu wadahayaa.

Xagaagii dhawaa, Ra’iisulwasaaraha Itoobbiya ayaa iskaashi ciidan la saxiixda Turkiga, halka Kenya ay ka iibsatay 91.4 malyan doolar oo gawaari gaashaaman ah. Sidoo kale, Ankara waxaa iskaashi militari kula jira 25 dalal oo ay ka mid yihiin Burkina Faso (2019), Liibiya (2019), iyo Niger (2020).

Shirka seddaxda maalmood ayaa lagu soo gabagabeeyay qorshe hawleed shan sanadood ah 2021- 2026 oo waxqabadyo la taaban karo leh kuna saabsan amniga, ganacsiga, maalgelinta, iyo warshadaha, kaabayaasha, caafimaadka, waxbarashada, iyo beeraha oo si wadajir ah loo fulinayo.

Madasha waxaa looga dooday dhibaatada Liibiya iyo Soomaaliya, afgambiyadda Guinea, Mali iyo Sudan, colaadda Itoobbiya iyo la dagaallanka argaggixisada. Turkigu waxuu leeyahay waayo-aragnimo wax ku ool ah, waxuuna qaaradda diyaar ula yahay inuu la wadaago teknolojiyada militeriga iyo khiradiisa la dagaallanka argaggixisada.

Erdogan waxuu fool-ka-fool ula kulmay marti sharaf uu ka mid ahaa Madaxweyne Farmaajo. Soomaliya oo ah albaabka Afrika ayuu sumcadda ku samaystay tababbarka ciidanka iyadoo uu ka caawiyey geeddi-socodka ballaarnaa ee dibudhiska dowladnimada.

Waxaa laga yaabaa dalka oo dhibaato ka haysata Kalluumaysiga Sharcidarrada iyo khayraadka badda inuu u maciinsado Turkiga ilaalada xeebaha, taasoo Fransiiska iyo Spanish-kuba ugu jiraan xusul duub.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments