Tafiftiraha Jamhuriyadda
Wareegto ka soo baxday November 24, 2021 xafiiska Saciid Cabdullahi Deni ayaa xiisad ka abuurtay gudaha maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Wareegtada ayaa xil looga qaadaye Taliyaha ciidanka PSF, Maxamuud Cismaan Cabdullahi Diyaano, oo la dhashay Asad Cismaan Cabdullahi Diyaana oo 2019kii hoggaanka Puntland kula tartamay Deni.
Mudane Saciid Deni, waxuu diiday inuu oggolaado go’aamo ay soo saareen odayaasha dhaqanka iyo isimada, si xiisada loo qaboojiyo. Waxuu sheegay in go’aamada isimada dhaawac ku yihiin maamulka dowliga iyo amniga Puntland.
Waxgaradka deegaanka ayaa u arka go’aamada isimada mid dhiig joojin ah. Xaqiiqda ayaa ah inay dhaawac siyaasadeed ku yihiin Saciid Deni, halka reer Diyaano uu ka jarayo maamuus iyo dheef, ay si gaara u heysteen muddo dheer.
Ciidanka PSF (Puntland Security Force) waxaa la unkay 2004, xilligaasoo maamulka Maraykanka uu dagaal adag kula jiray ururrada xagjirka ee ka jira dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Isla xilligaas, waxaa koonfurta Soomaaliya looga dhawaaqay isbahaysiga la dagaallanka argaggixisada oo ay ku bahoobeen sagaal hoggaamiye kooxeed oo ku wada sugnaa Muqdisho.
Midowga Maxaakiimta Islaamiga, oo kaashanayey dadka deegaanka ayaa dagaal adag la galay isbahaysigii hoggaamiye kooxeedyada, kaasoo ugu dambeyn looga adkaaday dagaalka. Halka, ciidanka PSF aysan la kulmin wax iska caabbin ah, ciidan iyo kacdoon shacab toona, waana mid ka mid ah sababaha suuraggelisay inay xilligaan ay soo gaaraan.
Aqoonyahan Axmed Oday oo ka soo jeeda deegaanka ayaa rumaysan inay jirto labo arrimood oo sal u ah in qoyska reer Cusman Cabdullahi Diyaano hantiyaan hay’adda PSF: (b) Cusmaan oo lahaa aqoon maamulka saadka jabhadaha oo uu ka soo kororsaday dalka Libiya, islamarkaasna dhowr sanadood madax ka ahaa saadka jabhada SSDF, taasoo u suurtaggelisay in dhaqaalaha, iyo hubka laga helo dibadda loo maamulo si hufan, iyo (t) xiriirkii dhowaa ee ka dhaxeeye Cusmaan iyo Cabdullahi Yusuf Axmed.
Cusmaan waxuu si xeeladaysan uga faa’iidaystay qandaraasyada argaggaxiso la dirirka ee Maraykanka bixiniyay maadaama aysan xilligaas jirin maamul dhexe oo dowladda Maraykanka kala macaamisho khataraha gobolka.
Haddaba, waxaa isweydiin u baahan, maxay ku saleeyeen qodobbada ay soo saareen isimada?
Xogaha ka imaanaya gobolka ayaa sheegaya in go’aanka isimada sal looga dhigay dhowr qodob:
- Inuusan jirin xeer sharciyeed, ama qodob dastuurka Puntland oo qeexaya dhismaha ciidanka PSF.
- Inuusan jirin dhaqaale ama agab ciidan oo ay maamulka Puntland kaga qeyb qaateen dhismaha ciidanka PSF.
- In mulkiyad dhuleed ee Xarumaha ay deggan yihiin ciidanka PSF ay haystaan qoyska Cusmaan.
- In kow iyo toban bilood oo wax dhaqaalaha laga helin Maraykanka, ay kharashka mushaharka, iyo saadka ciidanka PSF, dhabarka u riteen qoyska reer Cusman Diyaano.
- In qaybaha ciidanka maamul-goboleedka weli yihiin ciidan beeleedyo u diiwaangashan gobolka Puntland, oo aan si dhab ah la iskugu dhafin, gunnadooduna ay bixiyo maamulka, balse howlgalka iyo kala beddelka “relocation” ciidanka ay weli talo ku leeyihiin isimada gobolka.
Dhammaan qodobbadan waxay xoojinayaan doodda qoyska reer Diyaano, oo ah in ciidanka PSF yahay ciidan amni oo gaar ah “private security” oo ay milkiyadooda leeyihiin. Balse Saciid Deni waxuu doonayo inuu fursadda siyaasadeed oo uu heysto inuu ku waxyeelo sumacadda Asad Diyaano oo xisbigiisa uu doorasho adag dhowaan kula galay saddex degmo oo ay ka dhacday codbixin shacab, lana filayo inay ku tartamaan dhamaan degmooyinka maamulka Puntland.
Saciid Deni waxaa uu billaabay inuu qaab beeleed u kala furfuro ciidanka PSF, isagoo adeegsanaya wasiirrada ka tirsan maamulkiisa. Waxuuna jagooyin siyaasadeed, iyo dhaqaale ugu yaboohayaa cid kasta oo gacan ka geysata kala daadinta PSF.
Khubrada amaanka ee gobolka ayaa ka digaya talaabooyinka lagu kala furfurayo ciidanka PSF, waxayna tilmaameen inay ka dhalan karto khatar amni. Waxayna ku tala bixiyeen in isimada, iyo waxgaradka aysan ka caajisin xal u raadinta xiisada, iyo in la joojiyo siyaasadeenta ciidamada amniga.
Cabdiladhiif oo ka mid ah ganacsatada Bosaaso ayaa u sheegay wargeyska Jamhuriyadda, inay suurtaggal tahay hantidii ay tabceen muddo ku dhow 30 sano ku weyn karaan ilbiriqsiyo, maadaama aysan heysan damanaqaad amni, waxuuna amaanay taliyaasha ciidanka ee diiday inay Bosaaso ka dhacdo xabad.
Waxaa jira laba talo ay soo jeediyeen qaar ka mid ah ganacsatada gobolka si loo badbaadiyo ciidanka PSF, loona dabaqo go’aamaddii isimada, iyo wareegtada Saciid Deni.
- In Maamulka Puntland gato qalabka ciidanka, iyadoo gudi dhexdhexaad ah oo qiimeeya hubka PSF, si degdeg ah loo magacaabo. Ama
- In Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya la wareegto mas’uuliyadda ciidanka PSF, maadaama tababarada ay qabaan u dhiganto tan ciidanka Danab. Waxii dhaqaale ahna ay dusha u ridato Dowlada Federaalka Soomaaliya, si loo qarameeyo PSF.
Su’aasha taagan ayaa ah Saciid Deni ma dareemayaa welwelka reer Bosaaso, mase fahansan yahay in siyaasaddu tahay fulinta hadba waxii suurtaggal ah.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.